UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Waajibaadka

Photo of Security Council in session
Kulankii kalgadhiga Golaha Ammaanka ee dhacay 30kii Oktoobar 2024 ee ku saabsanaa UNTMIS

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay xoojinta guulihii laga gaarey nabadda iyo amniga ee Soomaaliya, ayaa 30kii Oktoobar 2024, waxaa uu go’aansadey in Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bixiyo Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya / the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia iyo in Hawlgalkan dambe uu si rasmi ah kalaguurka hawlihiisa u bilaabo 1da Nofembar 2024.

Golaha oo dhammaan xubnihiisu iyaga oo aan u kala harin ay wada ansaxiyeen qaraarka 2753 (2024), Golaha ayaa sidoo kale go’aansadey in Hawlgalka Kalaguurka ah uu wejiga koowaad ee kalaguurkiisa ku jiri doono ilaa 31ka Oktoobar 2025. Tallaabooyinka ku dhigan faqradda 3aad ee qaraarka ayaa noqonaya marxaladda koowaad ee kalaguurka labada weji ka kooban ee lagu talogaley in Hawlgalka Kalaguurka ah uu ugu xuubsiibto kooxda Qaramada Midoobey ee Dalka, taas ayaana muujineysa doonistiisa ah in uu joojiyo hawsha Hawlgalka dhammaadka muddada kalaguurka ee la saadaalinayo ugu dambeyn 31ka Oktoobar 2026.

Arrimaha mudnaanta leh ee kalaguurka, ayaa qoraalku hoosta ka xarriiqey in ay yihiin taageeridda Qaran-dhisidda, oo ay soo hoosgelayaan geeddi-socodyada dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada ku aaddan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah; dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha; taageeridda talinta sharciga, caddaaladda, waaxda asluubta iyo amniga; isuduwidda taageerada caalamiga ah ee deeq-bixiyeyaasha, la-shaqeynta bahwadaagta heshiisyada laba-geesoodka ah iyo kuwa geeso-badanta ah; iyo isuduwidda dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya gudaheeda ka socda.

Last updated:
La wadaag