
Qaraarkiisa 2592 ee 30-kii Agoosto 2021, kaasoo uu dib ugu xaqiijiyey Golaha Ammaanka Qaraarkiisa 2632 26 Maajo 2022-kii, Golaha Ammaanka ayaa Qaramada Midoobey u xilsaaray in ay “…sii wado taageeridda dedaallada lagu horumarinayo ujeeddada doorashada guud, iyadoo lala tashanayo DFS [Dowladda Federaalka Soomaaliya] iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka (FMS), iyagoo bixinaya xafiisyo wanaagsan, taageero farsamo iyo mid howl-fulineed, taasoo hadba ku xiran agabka la heli karo, lana siinayo hay’adaha maamulka doorashada ee dastuurku u igmaday si ay ugu qabtaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan oo qof iyo cod ah oo heer Federaal iyo heer degmaba leh, si loogu diyaar garoobo qabashada doorashooyinkan oo kale oo heer federaal ah 2025-ka, iyo taageerada xoojinta isku-dubbaridka taageerada caalamiga ah ee doorashada Soomaaliya.”
Taageerada Qaramada Midoobey ee hannaanka doorashada Soomaaliya waxaa fulisa Kooxda isku Dhafka ah ee Taageeridda Doorashooyinka (IESG) – kuwaasoo ka kooban khubaro ka kala socota Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) iyo Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) – waxayna udub dhexaad u yihiin kaalmaynta doorashooyinka dalka ee la siinayo hay’aadka dastuuriga ah si ay u qabtaan doorashooyin guud.
UNTMIS waxaa la aasaasay 1-da Nofembar 2024, iyadoo la raacayo Qaraarka 2753 ee Golaha Ammaanka, kaas oo sii adkaynaya awoodda IESG, isla markaana codsanaya in mas’uuliyadeeda lagu wareejiyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya marka la gaaro Oktoobar 2026.
Taageeradii la bixiyay wareegyadii doorasho ee hore
IESG waxay si dhow ula shaqaysay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) tan iyo markii la aasaasay bishii Luulyo 2015-kii, iyadoo bixisa talo farsamo, karti dhisid, iyo taageerada kaabayaasha.
Iyadoo taageero ka helayso deeq-bixiyeyaasha iyo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Qaramada Midoobey, kooxda IESG waxa ay NIEC ka taageertay dhismaha xarun xogeed, bakhaar iyo goob xafiis oo laga dhisayo xarunta-dhexe ee Guddiga ee Muqdisho.
Kooxda IESG waxa ay sidoo kale gacan ka gaysatey samaynta xafiisyada NIEC ee heer Maamul-goboleed sida Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmadug, Hirshabeelle, iyo Puntland. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) waxay shaqadiis ku ekayd sannadkii 2021, iyadoo xafiiskiisa Xoghaynta (Secretariat) oo sii watay hawlihiisa, ka dibna waxaa loo wareejiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), oo la aasaasay bishii Disembar 2024.
Baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa la dhisay intii lagu jiray hannaannadii doorasho ee 2016–2017 iyo 2021–2022, kuwaas oo ahaa doorashooyin dadban, oo IESG loo xilsaaray in ay ka caawiso. Gargaarkan waxaa diiradda lagu saaray:
- Bixinta taageero farsamo, maaliyadeed iyo mid saad oo la siiyo abaabulka iyo socodsiinta hannaanka doorashada dadban;
- Iskudubaridka taageerada saaxiibada caalamiga ah ee geeddi-socodka doorashada; iyo
- Bixinta taageero farsamo ee u doodista qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee Baarlamanka Federaalka.
Dhowaan, sanadkii 2024, kooxda IESG waxay taageero farsamo iyo mid talo ay siisay kooxda sharci ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta oo ku saabsan qorista qaabka guud ee sharci cusub, oo ay ku jirto taageero farsamo oo lagu doodayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ah. Dedaalladan waxaa sidoo kale taageeray qabanqaabada tababarrada ku saabsan Tallaabooyinka Kumeelgaarka ah ee Gaarka ah (Temporary Special Measures) iyo Nidaamyada Doorashooyinka, kuwaas oo lagu qabtay shan Dowlad-goboleedyo, waxaanna lagu bartilmaameedsaday wakiillada Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo xubnaha Guddiyada Baarlamaanka.
Taageerada loo fidiyo GMDQS
Iyadoo dib-loo-eegay afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya bishii Maarso ee 2024, waxaa la sameeyay isbeddello la taaban karo oo la xiriira nidaamka doorashada ee Soomaaliya, hay’adda cusub ee maareynta doorashooyinka (GMDQS oo haatan leh 18 xubnood una xilsaaran xadeynta soohdimada), iyo shuruudaha iyo doorarka ururrada/xisbiyada siyaasadeed.
Bishii Nofembar 2024, Baarlamaanka Federaalka wuxuu ansixiyay sharciga lagu dhisayo GMDQS, Sharciga Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyo Sharciga Doorashooyinka. Qaabkan guud ee sharci ee cusub waxaa ansixiyay Baarlamaanka Federaalka si uu u xakameeyo dhammaan doorashooyinka mustaqbalka ee degmooyinka, dowlad-goboleedyada, iyo kuwa federaalka, iyada oo loo marayo doorashooyin guud, kuwaas oo sidoo kale loo yaqaan doorashooyinla ‘ qof iyo cod’.
Kadib markii la aasaasey GMDQS bishii Disembar 2024, kooxda IESG waxay bilowday in ay hoggaanka guddiga kala shaqeyso abaabulka doorashooyinka golayaasha degmooyinka. Tababarkii ugu horreeyay ee indhofurka GMDQS ee kooxda IESG ayaa lagu qabtay bishii Febraayo 2025 magaalada Muqdisho.
Qaramada Midoobay, iyada oo loo marayo IESG, ayaa hannaanka doorashooyinka u taageeri doonta si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka iyo mabaadii’da caalamiga ah, oo ay ku jiraan dhiirrigelinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee waxtarka leh ee haweenka, dhallinyarada, iyo kooxaha aan metelaad ku filan haysan.
