Hargeysa – Waa maalin jawigu aad uu kulul yahay suuqa ciriiriga ah ee Waaheen waxaana uu Aadan Yuusuf Jaamac dhinac taagan yahay meheraddiisa hadba meel la geeyo – oo ah gaari-gacan ay saaran yihiin dhar iyo kabo iib ah.
Isaga oo dhoollacaddeyn weyn ay wejigiisa ka muuqato, 23-jirkan dheg uma jalaq siinayo kuleyka ba’an ee jira oo waxaa uu dadka hareerihiisa maraya ugu baaqayaa in ay ka iibsadaan badeecoyinka uu ku haysto suuqa ugu weyn Somaliland.
“Weli lacag badan ma haysto, maaddaama ay meheraddeydu weli cusub tahay, “ayaa uu yiri, “laakiin aad baan u faraxsanahay. Ma jiro meel kuu dhaanta dalkaaga, meel walba oo aad dunida ka joogto. Waxaa dhab ah hadalkii horey loo yiri ee ahaa ‘Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo.”
Dhoollacaddeynta ka muuqata mudane Aadan kama dhalan keliya rajada uu ka qabo in suuqiisu uu wanaagsanaan doono – laakiin, waxaa ay sidoo kale ka dhalatey arrimo dhowaan soo marey oo sabab u noqdey marxaladdan cusub ee ay hadda noloshiisu gashey.
Muddo hadda sanad keliya laga joogo, waxaa guul-darrooyin iyo masaa’ib ay ku haysteen Waqooyiga Afrika isaga oo isku dayayey in uu gaaro Yurub si uu uga helo shaqo uu wax taro qoyskiisa.

Dhibaatooyin uu la soo kulmey yaraantiisii
Mudane Aadan waxaa uu sanadkii 2001 ku dhashey meel la yiraahdo Cali Aadan, oo ah miyiga degmada Sabowanaag, oo ilaa 30 kilomitir waqooyi-bari kaga beegan Hargeysa Somaliland. Waxaa uu ugu yar yahay 11 walaalo ah – afar gabdhood iyo lix wiil oo kale – waxaa uu ku soo dhex korey qoys sabool ah, taas oo macnaheedu ahaa in uusan helin waxbarasho ramsi ah oo uu keliya waxyar ka bartey Qur’aanka.
Waxaa uu sanadihii ugu horreeyey noloshiisa ku soo qaatey miyiga ka hor intii aanu qoyskoodu u soo guurin Hargeysa isaga oo markaa sagaal sano jir ahaa, iyaga oo filayey in ay ka badbaadaan nolol-xumadii ka jirtey miyiga oo ay keeneen abaaro soo noqnoqonayey iyo jiritaan la’aanta fursado maciishadeed.
Ugu dambeyntii, Mudane Aadan aabihii ayaa furtey makhaayad yar oo noqotey isha ugu weyn ee dakhliga qoyska.
Laakiin markii uu Mudane Aadan jirey 14 sano, ayaa aabbihii dhintey. Isaga oo agoomoobey oo lagana filayey in uu wax ku biiriyo maaliyadda qoyska, ayaa waxaa uu haddana ku hamiyey in uu noqdo ganacsade.
Waxaa uu bilaabey in uu shaqooyin yaryar ka raadsado suuqa Waaheen, waxaa uu ugu dambeyntii shaqo ka heley harqaan.

Muddo ka dib, isaga oo adeegsanaya xirfadihiisa cusub ee harqaanka, ayaa waxaa uu furtey ganacsi yar oo tola oo iibiyana dharka haweenka. Laakiin, maaliyad la’aan daraaddeed, ayaa Mudane Aadan waxaa ku adkaadey in ganacsigiisu uu shaqeeyo.
“Waa ay adag tahay in ganacsi laga bilaabo Somaliland haddii aanu qofku haysan badhitaar maaliyadeed ama heli karin amaah. Hay’adaha maaliyadeed ee halkan jooga waxaa ay lacag siiyaan kuwa wax haysta. Dadka saboolka ah ma heli karaan amaah,” ayaa uu yiri. Soomaalidu waxay horey u tiri: ‘Soomaalidu ninka wax haysta ayay wax ugu daraan,’.
Isaga oo ka niyad-jabey ganacsigiisiii dharka ee aan faa’iidada laga heleynin, ayaa Mudane Aadan waxaa uu waxbarasho u tegey geereshyo ay leeyihiin dad qaraabo la ah iyo macaarif ay yihiin. Waxaa uu bartey xirfado ugu filan in uu nolol ku raadsado ka dib markii uu heley shaqo cusub oo makaanik iyo darawalnimo ah.
“Lacag fiican ayaan urursadey waxaana aan ka fekerey in aan maalgashado ganacsi, laakiin waan guursadey, lacagtiina dhakhso ayaa loo isticmaaley,” ayaa uu yiri, isaga oo dhoolla-caddeynaya. “Biilka xaaskeyga iyo inanteyda waan helayey waxaana aan ku noolaa nolol ilaa xad roon. Laakiin iima saamaxaynin wax aan keydsado si aan ugu adeegsado horumarka mustaqbalka.”

Safar halis ah
Maalin ka mid ah sanadkii 2022kii, telefoon uga soo dhacay qof ay saaxiibbo ahaayeen oo ku nool dibadda ayaa beddeley noloshiisa.
Saaxiibkii, oo ay makaaniknomo ku wada shaqeyn jireen, ayaa u soo direy warar iyo sawirro ku saabsan tahriibkii uu ku guuleystey ee uu ku tegey Yurub. Isaga oo arrintaa xiiseynayey ayaa Mudane Aadan waxaa uu dadka ka wareystey sida uu ku sameyn karo waxa uu sameeyey saaxiibkii waxaana lagu soo xirey nin u ballanqaadey in uu arrintaa ka caawin doono.
“Ninkaa ayaa islamarkiiba iga soo waxay WhatsApp. Waxaa uu ii sheegey inuu i geynayo Libya iyo inaan la iiga baahneyn in aan lacag bixiyo ilaa aan halkaas ka tago,” ayaa uu yiri.
Marka uu dib u xusuusto telefoonkaa loo soo direy, Mudane Aadan waa uu ka shallaayaa.
“Waa telefoonkii ugu xumaa ee nolosheyda la ii soo diro, kaas oo ii keeney in aan silic iyo rafaad ku jiro sanad iyo bar, iyo in aan baabi’iyo hantidii ay waalidkey tacbayeen tobannaan sano,” ayaa uu yiri. “Haddii aan si daacadnimo ah u hadlo, ma dhihi karo arrintan waxaa igu dhaliyey saboolnimo oo keliya – qorshayaashii aan ku hanweynaa ayaa qayb ahaan sababey.”
Mudane Aadan oo bil ka dib markii telefoonka lagula soo hadley bilaabey safar 16 maalmood uu ku jirey waxaa uu ka safrey Itoobiya isaga oo sii dhex marey saxaraha Nubian Desert ee waqooyiga bari ee Suudaan ilaa uu gaarey Libya.
Waxaa uu u dhabar-adeygey xaalado adag isaga oo aan haysan cunto iyo biyo ku filan, waxaana halis joogto ah ka soo wajahdey baabuurtii xawaaraha ku socdey ee ay waddada wada marayeen baabuurtii pick-up ahaa ee ay iyagu ku socdaalayeen.

Joogistiisii Libya
Isaga iyo dadkii kale ee Soomaalida ahaa ee ay wada socdeen, ayaa Mudane Aadan oo markaa jirey 21 sano waxaa ay ugu dambeyntii yimaadeen Libya.
Laakiin imaanshiisu macnihiisu ma ahayn in uu dhammaadey rafaadkiisii.
“Waan karahsadaa in aan dib u xusuusto wixii aan soo marey. Waxaa uu ahaa rafaad aan la qiyaasi karin. Waxaan rabey in aan nolosheyda wax ka beddelo, laakiin noloshii ayaa anniga si xun wax iiga beddeshey,” ayaa uu yiri.
16kii bilood ee xigey ee uu joogey Libya waxaa uu u dhabar-adeygey baahi, jirdil, garaacis, xadgudub nafsaani ah, xabsi iyo halis joogto ah oo loogu jirey geeri, iyada oo taasi ka mid ahayd in lagu maashoodo badda Mediterranean-ka iyo in ay ku dilaan dabley aan haybtooda la aqoon.
Bilowgii hore, waxaa dallaalladii loo yaqaanney “ma-gafayaasha” ay geeyeen meel qarsoodi ah laga raaco doomaha halkaas oo si joogto ah loogu garaaci jirey tahriibayaasha.
Iyada oo cuntada ay maalintii helaan ay ahayd keliya waxyar rooti ah iyo biyo yar, ayaa Mudane Aadan waxaa ku dhacay nafaqo-xumo iyo tamar la’aan ilaa xataa uu dhaqdhaqaaqu dhib ku noqdey.
Markaas ayaa loo sheegey kharashka safarkiisa -- $15,000 doolar – taas oo ahayd lacag aanu Mudane Aadan haysan.
“Wax lacag ah ma haysan markii aan soo tahriibayey mana jirin wax aan uga soo tagey xaaskeyga iyo inanteyda. Waxaan u maleynayey in safarku uu qaadan doono keliya hal bil. Taasi waxay ahayd qiyaas-xumo dhinacayga ka ahaatey,” ayaa uu yiri.
“Arrinta iigu sii daran waxay ahayd, maalin kasta waxaa ay wici jireen hooyadey,” ayaa uu yiri. “Waxaa ay maqashiin jireen qayladeyda marka ay i qaraacayaan waana ay haddidi jireen, iyaga oo u sheegayey in ay nafta i dhaafsiin doonaan oo ay meydkeyga u tuuri doonaan dugaagta haddii aaney degdeg u soo dirin $15,000 doolar. Dhab ayeyna ka ahayd. Waxaan garanayaa dad badan oo aan isla xirneyn oo dhintey markii ay qoysaskoodu soo diri waayeen lacagta.”
Qoyskiisa ayaa ugu dambeyn iibiyey wax Allaale wixii ay haysteen, marka lagu daro beero yaryar iyo xoolo, si ay u soo ururiyaan lacagtii ay ka rabeen ma-gafayaasha. Wadar ahaan, lacag ka badan $19,000 ayaa iiga baxdey iskuddaygii aan rabey in aan ku gaaro Yurub – marka laga soo tago $15,000 doolar ee safarka, waxaa jirey $4,000 kale oo loogu baahnaa kharashaad kale oo igu baxay intii oo joogey Waqooyiga Afrika.
Intii uu joogey Libya, Mudane Aadan waxaa uu saddex jeer isku dayey in uu gaaro Talyaaniga.
“Qof kasta oo tahriiba waxaa soo wajaha dhibaatooyin, laakiin waxaa ay u muuqatey in ay anniga i soo wajahdeen dhibaatooyin ka badan kuwa dadka kale soo wajahay. Saddex jeer ayaan doon ku safrey, mar kasta doontaasi waa ay degi jirey iyada oo joogto meel u dhow biyaha Libya. Qaar naga mid ah waa la soo badbaadiyey waxaana lagu soo celiyey Libya, halka qaar kale ay badda ku maashoodeen. Laba jeer ayaan ka soo baxsadey xerooyinkii tahriibka ee ku yaalley Tripoli laakiin labada jeerba waa la i soo qabtey waxaana mar la igu soo celiyey xerada, markii labaadna waxaa la i geeyey saldhig boolis,” ayaa uu yiri.
“Waxaana xataa dirqi uga baxsadey in uu i toogto nin qori ku hubeysan. Waxaan ogaadey in ma-geyaasha iyo booliska ay wada shaqeeyaan,” ayaa uu yiri.
Taageerada QM
Intii uu joogey saldhigga booliska, ayaa waxaa uu booliska ka codsadey in ay la xiriiraan hay’adaha Qaramada Midoobey si ay gacan uga siiyaan in uu si khiyaari ah uu dib ugu noqdo Hargeysa.

“Nolosha ayaan ka quustey, laakiin waxaa xabsiga igu soo booqdey saraakiil ka socdey Hay’adda Qaramada Midoobey ee Socdaalka (IOM) iyo diblomaasiyiin ka socdey Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli. Aad ayaan ugu farxay waxaana aan ka codsadey in si khiyaari ah la iigu celiyo dalka. Dalka ayaa ay ugu soo celiyeen, waxaana aan dib ula midoobey xaaskeyga iyo inanteyda,” ayaa uu yiri.
Isaga oo ay weheliyeen 89 dhallinyaro kale oo tahriibayaal ah iyo Mudane Aadan waxaa uu ka faa’iideystey Mashruuca Wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo IOM ee Ilaalinta iyo Bulsho-dib-u-dhexgelinta Tahriibayaasha ama Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration.
Mashruuca oo la daahrogey bishii Disembar 2016 ka dib markii uu maaliyad ka heley Sanduuqa Amaanada Xaaladaha Degdegga ah ee Midowga Yurubka ee Afrika / the European Union’s Emergency Trust Fund for Africa, Mashruuca wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo IOM ee Ilaalinta iyo Bulsho-dib-u-dhexgelinta / the Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration waa barnaamij dhammeystiran oo lagu badbaadinayo nafta, oo lagu ilaalinayo oo gacanna lagu siinayo tahriibayaasha maraya waddooyinka tahriibka ee ugu waaweyn ee Afrika.
Barnaamijka waxaa uu tahriibayaasha go’aansada in ay dib ugu noqdaan dalalkoodii ay asal ahaan ka yimaadeen u saamaxayaa in ay si nabad ah oo sharaf leh ay ugu noqdaan dalalkooda, iyaga oo si buuxda loo ixtiraamayo jaangooyooyinka caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha waxaana Somaliland dhexdeeda, ay hawsha iska kaashanaya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (HQBQ) ama the National Displacement and Refugee Agency (NDRA) iyo Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga ee the Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR).
Labaatankii sano ee la soo dhaafey, tahriibka ayaa ku badanayey Somaliland, oo in ka badan 70 boqolkiiba dadku ay da’doodu ka yar tahay 35 sano. Heerka shaqo la’aantuna uu aad u sarreeyo – oo uu yahay ilaa 70 boqolkiiba dadka ku nool magaalooyinka – ayaa waxaa ay dhallinyaradu ku riixaan in ay naftooda halis u geliyaan bilow cusub oo ka wanaagsan kan hadda iyaga gelaya ‘tartiib’ oo ah magaca uu caanka ku yahay safarkan halista ah ee ay dhallinyaradu Soomaaliyeed galaan.
Inta ay safarka ku jiraan, qaar badan oo ka mid ah ma awoodaan ama ma doonayaan inay ku sii negaadaan dalalka ay ku sii hakadaan ama ay sii maraan waxaana ay jecleystaan in ay si khiyaari ah ugu noqdaan halkii ay asal ahaan ka yimadeen. Somaliland, tan iyo 2018kii, IOM oo ay iskaashanayaan NDRA waxaa ay taageero maamul, saad/adeeg iyo mid maaliyadeedba siisey 5,056 qof si bedqab iyo sharaf leh ay ugu soo noqdaan ayna bulshadooda u dhex galaan.
Riyooyin cusub
Mudane Aadan ayaa ugu dambeyntii Hargeysa ku soo noqdey bishii Januwary 2024 iyada oo ay qoyskiisu soo dhoweeyeen. Laakiin waxaa weli culeys ka jirey halkii uu ka heli lahaa biilka qoyskiisa.

Taas ayaa sidoo kale isbeddeshey iyada oo aymahaddeeda leedahay IOM, markii hay’adda socdaalka ee QM ay siisey deeq ganacsi oo $1,280 ah oo Mudane Aadan u sahashey in uu sanadkan bilaabo ganacsigiisan uu hadda wado.
"Inkasta oo deeqdu ahayd $1,280, haddana anniga waxaa ay ilaa qiime tahay tobanaan kun oo doolar, sababta oo ah waxaa ay dib u soo nooleysey riyadeydii ahayd in aan ganacsi-abuure noqdo. Markii ugu horreysey muddo, ayaan dareemayaa rajo aan dib ugu dhisi karo ganacsi guuleysta,” ayaa uu yiri. “IOM ayaa gacan iga siisey in aan dib u bilaabo nolosheyda oo aan dib u soo nooleeyo hamigeygii ahaa in aan noqdo ganacsi-abuure. Ma garanayo si aan ugu mahadceliyo.”
Maareeyaha Kiiska Aadan ee IOM, Faa’isa Barre Axmed, ayaa rajo sarreysa ka qabta ganacsi-abuurahan hadda hana-qaadaya.
"Waqtigii koobnaa ee aan la macaamilayey Aadan, waxaan arkey in uu yahay qof leh adkeysi, maskax-furan oo yimidiilo leh. Markasta oo aad aragto, waxaa ka muuqda firfircooni, mashquul iyo dhoolla-caddeyn,” ayaa ay tiri. “Waxaa uu leeyahay tilmaamo ganacsi-abuur wanaagsan waxaana aan ku kalsoonahay in uu awoodi doono in uu kobciyo ganacsigiisa oo uuna riyadiisa ka dhabeeyo.”
Ganacsiga cusub ee Mudane Aadan ilaa $10 ayaa maalintii ka so baxda. Waa bilow wanaagsan oo uu ka mahadcelinayo waxaana u qorsheysan in uu mustaqbalka sii kobciyo – kaas oo ah mustaqbal uu u arko in uu ku dhex dhisayo dalkiisa gudihiisa oo ah mid aan dibad ku xirneyn.
“Mar kale ma dhici doonto – xataa haddii aan martiqaad rasmi ah ka helo dowladaha reer Yurub. Farriinta aan u dirayo dhallinyarada reer Somaliland waa in aaney marna ku fekerin in ay tahriibaan,” ayaa uu yiri. “Ma jirto nolol ka wanaagsan tan aad ku haysato dalkaaga. Waxaa wanaagsan in aad halka aad joogto ku dhibtoodo halkii aad naftaada halis ku gelin lahayd badda. Ma jirto sabab aad naftaada khatar u geliso oo aad isku daydo in aad tahriib halis ah gasho.”





