UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maqaal – Xabiiba Ibraahim Aadan: Hubinta ardayda barakacayaasha ee naafada ah in ay la sinnaadaan carruurta kale ee reer Baydhabo

cover photo

Baydhabo – Lix saac oo duhurnimo oo gaw ah markey tahay, ayaa dhawaaqa dawanka uu wada gaaraa guud ahaan dhulka uu ku fadhiyo dugsiga Mustaqbal Integrated Primary School, oo ku dhex yaalla xerooyinka dadka gudaha ku barakacay ee Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Dhawaaqa dawanka waxaa uu tilmaamayaa bilaabashada xilligii qadada, waxaana ardayda ka badan 2000 ee dhigata dugsiga ay ka soo dareeraan fasalladooda iyaga oo soo aadaya meelaha qadada lagu cuno laguna ciyaaro. Ardaydaas waxaa ka mid ah 400 arday oo naafo ah, oo ay da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 20 sano.

Iyaga oo ku dhex jira arday bad ah oo xiran dharka dugsiga ee jaallaha iyo caddaanka ah, ayaa macallimiinta – ay ka mid tahay maamulaha dugsiga, Xabiiba Ibraahim Aadan – waxaa ay ku dhex faafaan goobta lagu qadeeyo si ay cuntada ugu qaybiyaan ardayda yaryar ee dhigata fasallada hoose iyo kuwa xannaanada iyo ardayda naafada ah.

Hawsheedu waa mid joogto u socota laakiin, iyada oo ardayda u sii gudbinaysa suxuunta wax lagu cuno, ayaa Xabiiba waxaa laga dheehanayaa in ay tahay qof soo jeeda oo ku faraxsan waxa ay qabaneyso iyo in ay ka go’an tahay hawsha ay hayso – dugsiga ayaa wax badan u soo qabsoomeen tan iyo markii la aasaasey sanadkii 2017dii.

Teachers and principal in class

Bilowgii

Xabiiba waxaa ay sanadkii 1981gii ku dhalatey magaalada Berdaale, ee ku taalla gobolka Baay oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaa ay waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo tan sare ay ku soo qaadatey dugsiga Baidoa Model School intii u dhaxaysay 1998dii ilaa 2010kii, ka hor intii aaney shahaaddada koowaad ee jaamacadda ee culuunta maamulka guud (public administration) ka qaadan Jaamacadda Imaam University ee ku taalla Muqdisho, taas oo ay ka soo qalinjebisey sanadkii 2020kii.

Waxbarashadeedii ka dib, waxaa ay shaqo ka bilowdey ganacsi uu qoyskeedu leeyahay, kaas oo ahaa makhaayado iyo dukaamada dharka oo ku yaalley suuqa weyn ee magaalada Baydhabo.

Intaa ka dib, is-beddel ayaa ku yimid sanadkii 2016kii.

“Goor subax ah, ayaa anniga oo carruurteyda u diraya dugsi waxaan arkey gabar yar oo khajil uu ka muuqdo oo daba socota carruur wallaalaheed ah. Islamarkiiba, hooyadeed ayaa ku soo baxdey, gacanta inta ay soo dhufatey, ayaa ay xoog ku soo gelisey gudaha gurigeeda. Xabiiba ayaa markaa ay dhegaheedu ku soo dhaceen hooyada gabadha dhashey oo iyada oo murugeysan lahayd sidan: ‘Maxaad baran kartaa? Dhogool ayaad tahaye, ’”.

“Laga soo bilaabo waqtigaa,” ayaa ay tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata, “Waxaan go’aansadey in aan ilaaliyo mustaqbalka gabadhaas iyo kuwa kale ee iyada la mid ah ee bulshadeyda ka tirsan.”

Mid ka mid ah tallaabooyinkeedii ugu horreeyey ee ay qaaddo ayaa ahayd in ay soo ogaato kheyraadka la heli karey ee ayna u baahnaayeen carruurta naafada ah ee degaankeeda. Wixii ay soo ogaatey ma ahayn wax lagu farxo: gebi ahaanba Baydhabo kama jirin tas-hiilaad waxbarasho loo dhan yahay oo ay wax ka baran karaan carruurta naafada ah.

Sidaana waxaa ay ku bilowdey midkan oo ah kii ugu horreeyey.

“Bishii Maarso 2017dii, Waxaan dugsiga Mustaqbal Integrated Primary School ku aasaasay 13 arday oo naafo ah. Wax ka yar toban sano ka dib, in ka badan 2,000 oo arday – oo aasaasi ahaan ka soo jeeda bulshooyinka saboolka ah – ayaa hadda waxbarasho dugsi hoose/dhexe iyo sare oo lacag la’aan ah ka helaya. Waxaana tan u arkaa in ay tahay guul weyn,” ayaa ay tiri Xabiiba oo codkeedu ka muuqdo in ay ku faraxsan tahay guushaas.

Principal with pupils from marginalised community

Culeysyo lagala kulmo waalidiinta

Soomaaliya dhexdeeda, ardayda naafada ah ayaa badanaa dhibaato ay ka haysataa caadooyinka bulshada ay ku dhex nool yihiin, taas oo ka dhigeysa kuwo u nugul dhibaatooyinka bulshada sida takoor, tunjileecsi iyo dhibaateyn ay u geystaan kuwa ay isku ayniga yihiin. Tani ayaa waalidiin badan ku dhalisey in ay carruurtooda guriga ku dhex haystaan oo aaney geynin goobaha waxbarashada.

“Culeyska ugu weyn ee ina haysta waa waalidiinta oo aan rabin in ay carruurtooda naafada ah geeyaan dugsi. Waxaa ay ka baqaan in ay bulshadu ku ceebeyso, waabsi lagula kaco, iyo liidid ay kala kulmaan carruurta kale. Sidoo kale ma aaminsana in ay carruurtoodu ay waxbaran karaan,” ayaa ay tiri Xabiiba.

“Wax ka badan lix bilood ayaa ay dad ku qaadan kartaa in waalidiinta qaar lagu qanciyo in carruurtooda ay dugsiga keenaan,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey. “Badanaa waxaa ay rabaan natiijooyin degdeg ah oo aan xaqiiqo ku dhisneyn, waxaa ay dalbadaan in ilmaha uu xirfado akhris-qoraal ah ku barto saddex bilood gudahooda ama waxaa ay ku hanjabaan in ay carruurtooda dugsiga ka saarayaan.”

Inkasta oo niyad-jab ay dad ku keeneyso in arrimahaas lagala kulmo waalidiinta, haddana Xabiiba iyo kooxdeeda waa ay isaga dul-qaataan – badanaana ardayda naafada ah naftooda ayaa ay ka helaan dhiirrigelinta ay u baahan yihiin.

“Waxaan ku rajo weynahay in aan mar un macallin u noqon doono carruurta dhogoolayaasha ah – marka aan dhammeysto waxbarashadeyda, waxaan u go’doomi doonaa hawshaas,” ayaa ay tiri Faadumo Cali Axmed oo 44 sano jir ah, oo ah ardayad dhogoole ah oo dhigata sanadkii koowaad ee dugsiga Sare, iyada oo uu turjumaan uga turjumayo meedaar.

School poster

Taageero dibadeed

Dugsiga Mustaqbal Integrated Primary School waxaa uu ka kooban yahay lix dhismo oo ay ku yaallaan 35 fasal. Jiritaankiisu waxaa uu muhiim u yahay bulshada degaanka ee barakacayaasha ah, laakiin waxaa weli culeys ka jiraa sidii loogu heli lahaa maaliyad uu ku shaqeeyo.

“Waqtigan la joogo, waxaa dhiganaya arday wadartoodu tahay 2,054, oo ka kooban 851 gabdhood iyo 1,203 wiil, oo aasaasi ahaan ka yimaada xerooyinka barakacayaasha ee u dhow dugsiga. Sidoo kale waxaan leenahay 42 macallin, kuwaas oo 21 ka mid ah ay wax siiyaan is-bahaysiga Food and Cash Consortium iyo siddeed ay wax siiso hay’adda Save the Children. Inta soo hartey mushaar ma qaataan maaddaama aan wax loo haynin,” ayaa ay tiri Xabiiba.

Marka laga soo tago is-bahaysiga Food and Cash Consortium iyo hay’adda Save the Children, waxaa dugsiga uu taageero maaliyadeed iyo mid adeeg uu ka heley Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Hay’adda Biyaha iyo Fayadhowrka ee the Somali Water and Sanitation Authority, Ururro Aan Dowli Ahayn oo Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobey.

Dhinaca hay’adaha QM marka loo yimaado, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR) ayaa qaadatey door hoggaamineed, taas oo sidoo kale ay ka mid ahayd in ay horey ujuurooyinka dugsiga uga bixin jirtey qaar ardayda ka mid ah, iyo sidoo kale taageero qaabab kale ah.

“Ka dib markii ay talo-ahaan ugu soo jeedisey Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa UNHCR ay bixisey taageero muhiim ah. Waxaa ay derbi adag ku soo wareejisey guud ahaan dugsiga si loo yareeyo halista kaga imaan karta dibadda waxaana ay bixisey gaari bas ah oo lagu qaado ardayda naafada ah – tani waxaa ay si weyn u kordhisey tirada ardayda dhigata dugsiga, maaddaama qaar badan oo ka mid ah waalidiinta ay qabeen welwel la xiriira gaadiidka qaada ardayda ama aaney iska bixin karin ujuurada,” ayaa ay tiri Xabiiba.

“Waxaan dhab ahaan codsaney gaari kale oo bas ah,” ayaa ay sii raacisey, “maaddaama midka aan hadda haysanno uusan dad ku filneyn kororka ay kordheen ardayda naafada ah ee ku soo biiraya dugsiga Mustaqbal Integrated School daraaddii.”

Marka ay ka fekerto xaaladda ardayda noocan ah ee guud ahaan Soomaaliya, Xabiiba waxaa ay sheegtaa in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in la helo macalimiin badan oo kale oo gacan siiya ardayda noocan ah.

“Dhowaan, ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay shaqaaleysey 6,000 macallin. Waxaa wax laga naxo ah in uusan ku jirin mid keliya oo bari kara farta indhoolayaasha ee Braille ama luuqadda dhagoolayaasha ee meedaarka. Tani waxaa ay muujineysaa sida aaney Soomaaliya uga jirin fursado waxbarasho oo loo dhan yahay. Waxaan DFS ku boorrineynaa in marka ay shaqaaleyneyso macalllimiin ay tixgeliso xuquuqda ardayda naafada ah,” ayaa ay tiri.

DSRSG in class

Doorka UNHCR

Sida ay tilmaameyso warbixin degdeg loo diyaariyey oo ku saabsaneyd xaaladda Carruurta Naafada ah ee Soomaaliya (‘A rapid assessment of the status of Children with Disabilities in Somalia,’) oo ay codsatey Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka ee Dowladda Federaalka, dadka naafadaha ee Soomaaliya ayaa dhibaato ay ka haysataa in ay helaan aqoonsi, helaan kheyraad, ayna dareemaan in ay qiimo ku dhex leeyihiin bulshada.

Tirada carruurta naafada ah ayaa lagu qiyaasey in ay saddex ilaa shan boqolkiiba ka tahay tirada guud ee carruurta. Marka laga eego dhinaca waxbarashada, xuquuqda loo leeyahay waxbarashada waxaa caqabad ku ah in ay aad u yar yihiin cududda shaqaale, kaabayaasha iyo kheyraadka maaliyadeed. Carruurta naafada ah badidoodu waxaa ay dhigtaan dugsiyada caadiga ah, halka tiro yar ay dhigato dugsiyada gaarka ah ee loogu talogaley naafada.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo ogaatey in uu kobcayo wacyiga ku aaddan xuquuqda carruurta naafada ah, laakiin uu weli hooseeyo degaannada qaar iyo in fahamka ay qayb weyn oo bulshada ka mid ka qabaan carruurta naafada ah uu weli yahay faham khaldan. Sidoo kale, xirfadaha loogu baahan yahay taageeridda carruurta naafada ah ayaan weli inta badan jirin.

Marka la eego hay’adaha QM, hay’adda QM ee qaxootiga ayaa si firfircoon taageero naf-badbaadin iyo mid ilaalin u siineysey barakacayaasha Soomaalida ah muddo ka badan 30 sano.

“Dugsiga Mustaqbal Integrated Primary School ayaa ah xarun kaabta waxbarashada ardayda naafada ah iyo sidoo kale ardayda aan naafada ahayn ee qoysaska saboolka ah. Maaddaama door hoggaamineed uu dugsigu kaga jiro ilaalinta dadka Soomaaliyeed ee ay soo barakiciyeen colaadda iyo is-beddelka cimilada, ayaan waxaan u-qareemeyney taageero uu helo dugsiga si loo dhiirrigeliyo in dadka naafada ah ay waxbarasho helaan,” ayaa uu yiri Cabdikariin Maxamed Nuur oo ah hawl-wadeen degaanka u jooga UNHCR.

“Muddada u dhaxaysay 2017 ilaa 2025,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa, “taageerada UNHCR iyo bah-wadaag kale ayaa gacan ka geysatey ardayda tiradoodu sii kordheyso ee dugsigan is-qoraya – iyada oo horraantii ay tiradoodu ahayd 42 oo ay haddana ka badan 2,000 – iyada oo carruurta naafadaha ahi ay qayb ballaaran ka yihiin tiradaas.”

Teaching in progress

Marka laga soo tago gaariga baska ah iyo dhisidda ay dhistey derbiga deyrka ah ee dugsiga, UNHCR waxaa ay 112 arday ay muddo sanad ah horey uga bixisey ujuurada dugsiga.

Isuduwaha Hawlaha QM ee Soomaaliya, George Conway, ayaa booqdey dusgia Mustaqbal Integrated Primary School sanadkii 2024 si uu indhihiisa ugu soo arko hawsha dugsiga iyo raadka uu ku leeyahay bulshada degaanka.

“Dadaallo ka dhaca gunta hoose ee bulshada oo ay sameeyaan dad sida Xabiiba oo kale ah ayaa ah kuwa is-beddel u sameeya carruurta naafadaha ah oo aaney u fududaan lahayn in ay soo gaaraan tas-hiilaadka waxbarashada – tani waa tallaabo loo qaadey dhinaca hubinta in aaney bulshadooda ka harin,” ayaa uu yiri Mudane Conway, oo sidoo kale ah Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada.

Principal with pupils

“Waxaan ku bogaadinayaa guusha ay gaartey, waxaana rajeynayaa in tani ay kuwo kale ku dhiirrigelin doonto ay hawsha u soo ban-baxaan, ka hawlgalaan ayna taageeraan,” ayaa uu hadalkiisa ku darey.

Xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee naafada ah ayaa gacan heshey dhowaan, ka dib markii Baaralamaanka Federaalka uu meel-mariyey Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada. Waxaa uu sharcigu ballanqaadayaa xuquuq waxbarasho, daryeel caafimaad, iyo shaqaaleyn isaga oo islamarkaana hay’adaha kula xisaabtamaya xaqiijinta u-dhammaansho. Arrinta uu sharcigan sida weyn diiradda u saarayo waa helidda adeegyada iyo u-dhammaanshaha, isaga oo dugsiyada iyo macaahidda kale ku waajibinaya in ay bixiyaan waxbarasho loo dhan yahay oo kaafisa baahida ardayda naafada ah oo ilaalisana naafada waqtiyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah.

Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysey sharciga, iyada oo ku tilmaantey sharci mug weyn oo loogu talogaley ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dadka naafada ah.