UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

MAQAAL – Bakar Nuur Faraj: Dadaal lagu ilaalinayo caadooyinkii kalluumeysiga ee Baraawe

Mr Faraj

Muqdisho, 22 Nofembar 2025 – Subax jimce ah, iyada oo qorraxdu ka soo dul baxayso Xeebta Liido ee caasimadda Soomaaliya, ayaa Bakar Nuur Faraj waxaa uu taagan yahay xeebta.

39-jirkan waxaa uu dhuganayaa biyaha buluugga ah, isaga oo fiirsanaya dhaqdhaqaaqa hirarka badda ee inta ay yimaadaan haddana dib u noqonaya iyo doomaha yaryar ee kallumeysiga ee tirada badan ee meel walba ka muuqda, iyaga oo si tartiib-tartiib ay u sitaan mowjadaha.

Mr Faraj

Cod aad u hooseeya, oo aan la maqli karin ayuu ku ducaysanayaa in uu maalintaa irsaaq wanaagsan uu Alle ka soo siiyo shaqada badda uu ugu socdo maalintaa.

Ku dhowaad labaatan sano, ayaa tani waxa ay ahayd wax uu ku dhowaad maalin kasta sameeyo Mudane Bakar, taas oo uu ka bartey aabbihii.

“Alxamdulillaah, kulluumeysiga waa waxaan ku soo korey – waa dhaxal,” ayaa uu yiri.

Mudane Bakar awooweyaashii waxay ahaayeen kalluumeysato. Isagana waxaa uu leeyahay siddeed carruur ah, inkasta oo uusan rajo ka qabin in uu midkoodna uga dayan doono sababo kala duwan daraaddood. Waxaa uu doorbidayaa in ay bartaan xirfado la xiriira caafimaadka iyo handasada (injineeriyadda).

Tani waxaa ay horumar weyn u tahay Mudane Bakar iyo sidoo kale bulshada Reer Baraawe ee Soomaaliya – oo uu isagu ka dhashey. Bulshadan kalluumeysigu uma aha keliya shaqo; waxaa uu calaamad u yahay dhaqankooda iyo huwiyaddooda. Goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo daraaddeed, ayaa magaalada waxaa loo xushey in ay magaalo-madax u noqoto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Haddii aad ka soo jeeddo Baraawe, waxaa lagugu yaqaannaa kabo-tolow, najaarnimo, koofiyo-tolow – ama kalluumeysi. Xirfadahaan ayaa tilmaamaya cidda aan nahay,” ayaa uu yiri, isaga oo ka hadlaya xirfadaha farsamada gacanta ee beeshiisa ay caanka uga tahay guud ahaan Soomaaliya.

Nolol ka bilaabatey xeebta

Mudane Bakar waxaa uu ku dhashey Baraawe, waana wiilkii saddexaad ee qoys ka kooban lix carruur ah. Waxaa uu ku hamin jirey in uu maalin noqon doono beeraley, laakiin waxaa uu soo barbaarey bilowgii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ee horraantii 1990-meeyadii, kaas oo geystey burbur xooggan iyo silic.

Barawe town

“Dalkii waa la burburiyey, waxbarashadii waa la burburiyey, mana jirin meel laga shaqeeyo,” Mudane Bakar ayaa dib u milicsadey. “Qof kasta waxaa uu u cararey meeshii uu gaari karey. Dadka qaar dalal kale ayaa ay u guureen. Qaar kalena waxaa ay u doonteen maciishad.”

Riyadiisa ahayd in uu maalin noqdo beeraley ayaa degdeg meesha uga baxdey maaddaama ay fursadihii meesha ka baxeen intii ay socdeen gacan-ka-hadalkii iyo qaskii uu sababey.

Mudane Bakar, waxaa ay tahay in uu sameeyo kuma wareersaneyn – kalluumeysiga ayaa ahaa waxa keliya ee isaga iyo qoyskiisa ay ku noolaan kareen. Sidoo kale waxaa ay u ahayd mid uu dib ugu noqonayey hiddihii asalka ahaa ee beeshiisa.

Reer Baraawaha Soomaaliya, kalluumeysigu waxaa uu u yahay xirfad soo-jireen ah, oo xubnaha beeshaasi ay ku soo dhaqmi jireen jiilal badan. Waxaa hawshoodooda loo arkaa in ay tahay kalluumeysi yar, maaddaama ay la halmaasho qoysas adeegsanaya hanti iyo tamar ilaa xad yar, ku hawlgala doomo kalluumeysi oo ilaa xad yaryar, gala safarro kalluumeysi oo gaagaaban oo badanaa ugu baxa meelo xeebta aan ka fogeyn, oo badanaana kalluunka ay soo jillaabtaan badankii lagu isticmaalo degaanka.

“Dadka qaar ayaa shaqada bilaaba iyaga oo aad u da’ yar, iyaga oo kalluunka ka soo qaada doomaha ama nadiifiya kalluunka maalintaa la soo jillaabto,” ayaa uu yiri. “Waxaa ay bartaan sida loo hagaajiyo shabaqyada hallaaba ama waxaa loo dirsadaa in ay soo iibiyaan maqaalin iyo lacaaf (callaafad). Keliya goor dambe ayaa loo kaxeeyaa badda.”

Mr Faraj

Mudane Bakar waa uu ku faraxsan yahay hiddihiisa, si la mid ah sida ay ugu faraxsan yihiin dadka kale ee reer Baraawaha ah. Waxaa uu u arkaa in uu yahay barroosin ku xiraya asalkiisa, oo tilmaan u ah adkeysigooda iyo sida ay taariikhiyan ugu xiran yihiin xeebta Soomaaliya.

“Qaar waxaa ay baxaan waaberiga, waxyar ka dib salaadda subax, waxaana ay badda ku soo jiraan lix ilaa siddeed saacadood,” ayaa uu yiri Mudane Bakar. “Qaar kale waxaa ay baxaan galab oo habeenkii ayaa ay soo dhaxaan. Mararka qaar kalluunka la soo jillaabto waa uu badan yahay. Mararka qaarna shabaagta waa iska eber. Waxaa soo wajaha duufaanno iyo mowjado. Maalmaha qaarna, baddu waa ay deggan tahay.”

Fikirkaa filosoofigga ah ayaa ah keliya qayb ka mid ah aragtiyaha Mudane Bakar. Caadooyinka kalluumeysiga ayaa laga yaabaa in loo qurxiyo dadka qaar, laakiin sidoo kale waxaa badda ka jira qabow, xaqiiqda adag ee ah in nolol laga raadiyo badda iyada oo ay bay’adu si degdeg ah isu beddeleyso – taas oo ah xaqiiqo uu si wanaagsan uga dheregsan yahay.

“Doomuhu waxay ku shaqeeyaan shidaal, waxaana aad ku khasban tahay in aad lacag kaga soo iibsato ganacsatada shidaalka. Mararka qaar waa iska bixin kartaa lacagtaa; mararka qaarna iskama bixin kartid. Mararka qaar nasiibkaagu waa wanaagsanaanayaa. Marar kale, waxaad la soo noqoneysaa fara-marnaan,” ayaa uu yiri Mudane Bakar.

Mr Faraj

Kalluumeysiga ay sameeyaan reer Baraawaha waxaa uu isugu jiraa mid ganacsi yaryar ah iyo mid kalluumeysi weyn ah, iyada oo kalluumeystada yaryar ay qaab maalinle ah ay u shaqeeyaan. Waxaa ay u badan yihiin in ay adeegsadaan hababkii soo-jireenka ahaa ee kalluumeysiga, kuwaas oo la halmaala shabaag, dabin, iyo maqaalin. Marka kalluunka maalintaa la soo jillaabto la keeno, waxaa la geeyaa suuqa Mallaayga ee Xamar Weyne ee mashquulka ah, ee ku yaalla meel u dhow Xeebta Liido ee caanka ah, si dadka degaanka looga iibiyo.

Haseyeeshee, halganka badda halkaas kuma dhammaado. Suuqana waxaa uu sidoo kale leeyahay culeysyadiisa.

Mr Faraj

Inkasta oo Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, haddana muwaadiniintiisu waa isticmaala kalluunka ugu yar. Warbixin ay 2013kii soo saartey Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee QM ee FAO, ayaa sheegtey in kalluunka sanadkii laga isticmaalo dalkan ku yaalla Geeska Afrika uu yahay keliya 3.3 kiilogaraam qofkii, marka la barbardhigo celceliska kan laga isticmaalo Afrika oo ah 9.1 kiilogaraam.

Tani waxaa u sabab ah waxa laga aaminsan yahay – degaannada qaar, gaar ahaan Soomaalida ku nool meelaha ka fog xeebta – ee ah in cuntada badda aaney qayb ka ahayn cuntada caadiga ah ee Soomaalida.

Tani waxaa ay dad u sii dheer tahay culeysyada caadiga ah ee ganacsiga la halmaala.

“Dullaaleyda ayaa raba in ay wax walba qaataan laakiin waxay diiddan yihiin in ay bixiyaan qiimo u qalma,” ayaa uu yiri Mudane Bakar. “Xataa mararka qaar wax walba waxaa ay kaaga qaataan deyn, iyaga oo kuu ballanqaadaya in ay ku bixin doonaan laba ama saddex maalmood. Waa wax caadi ah oo suuqa ka jira!”

Takoor bulsho

Waxa kaaga baxaya iyo xataa halista loo galo kalluumeysigu waa la garanayaa oo si ahaanna waa mid ay filanayaan Mudane Bakar iyo kalluumeysatada kale ee asxaabtiisa ah.

Waxaa jira culeysyo iyo caqabado kale – kuwaas oo qaarkood ay xallintoodu ka culus tahay kuwa hawlgallada iyo maaliyadda la xiriira. Kuwani waxaa xuddun u ah fikirka ay ka qabaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ah in shaqooyinka qaar ay ka liitaan qaar kale.

“Soomaaliya gudaheeda, farsamada gacanta ayaa badanaa la quursadaa,” ayaa uu yiri Mudane Bakar. “Laakiin waa sida u wanaagsan ee nolol lagu raadsado, sida uu Allah ugu jecel yahay, waa shaqo xalaal ah.”

“Kuwa maciishaddooda ku raadsada siyaabo sharci ah – sida kabotolaha, tumaasha, iyo jaajida (kalluumeysatada) – waa la takooraa. Laakiin adiga ii sheeg: yaa wax cuni lahaa haddii shaqooyinkaasi ay meesha ka baxaan? Haddii annaga kalluumeysatada ah nala yaso, marka yaa kalluunka soo jillaabaya?”

“Najaarrada, tumaasha, kalluumeysatada – dhammaanteen nalagamamaarmo,” ayaa uu yiri. “Shaqadeenna waa loo baahan yahay. Haddana marar badan, waxaa naloola dhaqmaa sidii in aan nahay wax aan macno ku fadhinin.”

Mr Faraj

Tallanku waa mid ku adag Mudane Bakar. Sida uu u arko, baddu waa gallad iyo culeys isla socda. Waa ay quudisaa laakiin sidoo kale waa imtixaan. Waxaa uu ka helaa shaqo uu sharaftiisa ku ilaashado sidaas oo ay tahay haddana waxaa ay dhexgelisaa bulsho quursaneysa shaqadaa.

Mudane Bakar taas xal uma haayo, laakiin waxaa uu aaminsan yahay in waxbarashadu ay tahay meel xalka laga bilaabi karo.

“Waa in aan dadka barnaa xuquuqaha aadanaha iyo sinnaanta – iyo muhiimadda ay leedahay shaqada,” ayaa uu yiri.

“Qof bariis ayuu gadaa; mid kale yaanyo ayuu gadaa. Kalluumeysigu waa shaqo Soomaaliyeed oo soo-jireen ah, oo ka jirta gobol kasta oo xeebta ku yaalla,” hadalkiisa ayuu sii watey. ”Muhiim ma aha keliya in la dhiirrigeliyo oo la suuq-geliyo, gudaha dalka iyo caalami ahaanba.”

Fikirka noocaas ahi waa uu ku badan yahay jiilka maanta. Waxaa sidaas la qaba Fu’aad Shooble Kafee, oo ah qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqaha aadanaha ahna aasaasaha idaacadda Radio Baraawe, oo ah idaacad ay bulshadu leedahay oo ka jirta gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan u baahannahay, waxbarasho, ololeyaal wacyigelin, iyo wada-hadal bulsho oo lagu yareeyo takoorka lagu hayo kalluumeysatada,” ayaa uu yiri Mudane Fuad Kafe.

“Kalluumeysigu waa il muhiim ah oo maciishad ay ka helaan bulshooyinka xeebaha deggan,” ayuu raaciyey. ”Ma ahan keliya il dhaqaale, laakiin sidoo kale waa mid dhaqan waxaana uu qayb ka yahay huwiyadda bulshada. Laakiin haddii aan taageero laga helin dowladda, arrimaha sida nabadgelyo-xumada oo kale, kaabayaasha dhaqaalaha ee liita iyo nidaaminta suuqyada ee jilicsan ayaa weli sii ahaan doona caqabado waaweyn.”

Mr Faraj

Dhinaca QM

Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxaa ay si dhow ula shaqeysaa ururrada bulshada, farsamayaqaannada iyo kooxaha bulshada loo sii wanaajiyo xuquuqaha aadanaha. Tani waxaa ka mid ah dhiirrigelinta xuquuqaha dhaqan iyo xoojinta ixtiraamka loo hayo ku-kala-duwanaanshaha afka iyo sharafta dhammaan shaqooyinka iyo farsamada gacanta ee soo-jireenka ahayd, kuwaas oo wax ku biirinaya bulsho loo wad adhan yahay oo nabadeed.

“Dhiirrigelinta in la ixtiraamo shaqo kasta ayaa aasaasi u ah dhisidda bulsho sinnaan ay ka dhex jirto – taasina waxaa soo hoos gelaya kalluumeysiga ay sameeyaan beesha reer Baraawaha. Kalluumeysigu waxaa uu u yahay hiddo dhaqameed qiimo badan leh,” ayaa ay tiri Madaxa Kooxda Xuquuqaha Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNTMIS), Kirsten Young.

“Hab-dhaqannada kalluumeysiga iyo caadooyinka degaanku waa huwiyado isku soohan, taas oo kalluumeysiga ka dhigeysa qayb aan ka go’in hiddaha aan la taaban karin ee Soomaaliya. Dhowridda iyo u-dabaaldegidda nolosha noocan ah keliya ma ixtiraameyso taariikhda Soomaaliya, laakiin waxaa ay sidoo kale kaabtaa horumar waara, ka haqab-beelka cuntada, iyo helidda xuquuqaha dhaqameed.”

Kirsten Young

“Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa uu si cad u mamnuucayaa dhammaan noocyada takoorka, mid toos ah iyo mid aan toos ahaynba. Mudane Bakar kuma khaldana marka uu leeyahay baabi’inta takoorka la xiriira shaqada qofka waxaa ay u baahan tahay in loo helo sharci si xooggan u ilaaliya, dadaallo waxbarasho oo loo dhan yahay, iyo siyaasad-dejin ku saleysan ogaal, iyada oo ay iska kaashanayaan dhammaan daneeyeyaasha,” ayaa ay tiri Ms. Young, oo sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya u jooga Hay’adda Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha / Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights (OHCHR).