Muqdisho, 2 Agoosto 2025 – Maalin dhoweyd ayaa goor galab ah iyada oo joogta gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaa ay Faadumo Jeylaani Cabdi ku fadhidey derin, waxaana hareeraheeda yaalley xirmooyin dun midabo kala duwan leh.
Faadumo gacmaheedu marna shaqada ma joojineyn indhaheeduna waxa ay ahaayeen kuwo aad diiradda u saaraya howsha ay heysay. Waxaa ay gacanta ku haysaa irbad iyo dun, waxaana ay ku mashquulsan tahay sameynta shey ka mid ah astaamaha ugu caansan dharka Soomaaliya laga xirto: waana ‘Koofiyad Baraawe,’ .
Hooyadan 59 jirka ah waa reer Baraawe – oo ah beel caan ku ah xirfadaha farshaxanka gacanta oo khabiir ku ah soo-saaridda koofiyadda gacanta lagu sameeyo ee quruxda badan.
“Waxaan caan ku nahay saddex shay oo asalkoodu ka soo jeedo magaalada Baraawe: Muufo Baraawe, Caano Baraawe, iyo koofi Baraawe!” ayey tiri Faadumo oo gacmaheedu ay hadba si sahlan oo nidaamsan uga shaqeynayaan koofida dhabteeda saaran.
Koofiddu waa mid wareegsan, oo aan lahayn qarar dhinacyada u baxsan oo guudkeeda sarena uu fidsan yahay, oo badanaa caan ku ah daabaceeda middabada leh iyo nakh-shadaheeda aadka u xardhan. Hal koofiyad oo tayadeedu wanaagsan tahay waxaa ay sameynteeda dad ku qaadan kartaa 15 maalmood, ama wax ka yar, iyada oo hadba ku xiran waqtiga la geliyo sameynteeda.

Koofida oo ay sameeyaan haweenka reer Baraawe oo keliya, waa koofiyad aad caan uga ah guud ahaan Soomaaliya oo astaan u ah bilic, sharaf iyo xikmad. Badanaa, waxaa loo hadiyadeeyaa odeyaasha iyada oo lagu muujinayo ixtiraamka loo hayo iyo sida looga dambeeyo, intaa waxaa u dheer in munaasabadaha gaarka ah ay u xirtaan dadka maamuuska leh marka laga bilaabo madaxweynayaal, xubno baarlamaan, diblomaasiyiin ilaa odeyaasha qabaa’ilka iyo dad kale ee caadiga ahba.
Laakiin Beesha Baraawaha, koofidu waa ay ka weyn tahay dhar ay xarraga oo keliya ay u qaataan. Koofidu waxaa ay u leedahay macno dheer – waxaa ay ku xirtaa asalkooda, dhaqankooda iyo aqoonsigooda.
“Dadka reer Baraawe oo keliya ayaa sameeya koofiyadahan. Cid kale oo sameeysa ma jirto, waana ku soo barbaarney barashada xirfadda,” ayey tiri Faadumo.
Beesha reer Baraawe
Baraawe waxaa ay ku taallaa xeebta banaadir meel ilaa 200 kilomitir koonfur ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo daraaddeed ayaa waxa magaalada loogu soo xushey in ay noqoto magaalo-madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Beesha reer Baraawe ayaa bilaabey sameynta koofiyadaha si ay qoysaskooda u caawiyaan oo ay ugu helaan ilo kale oo uu dakhli ka soo galo. Haweenka, waxaa ay u ahayd shaqo aasaasi ah, oo gacan ka siineysey biilka qoysaskooda waqtiyada xaaladaha dhaqaale ee adag ay jiraan. Habka loo sameeyo ayaa ah mid ab-ogaa ah oo sanado aad u badan soo jirey. Iyada oo qayb ka ah doorarka caado ahaan ay u kala leeyihiin labada jinsi iyo sida ay bulshadoodu hawsha u kala qaybsato, ayaa haweenka iyo gabdhaha yaryar waxaa ay si gaar ah mas’uul uga yihiin sameynta alaabadan xasaasiga ah, halka ragga Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka soo jeedaanba, ay xirtaan Koofiyad Baraawaha taas oo calaamad u ah huwiyad, sharaf, iyo hiddo iyo dhaqan.

“Ragga door kuma laha geeddi-socodka koofiyad-sameynta. Hawshan waxaa ay gaar u tahay haweenka farshaxannada ah, oo caawiya qoysaskooda waqtiyada dhaqaaluhu uu liito,” ayaa ay tiri Faadumo.
Faaduma oo 1966 ku dhalatey Baraawe, ma taqaanno si kale oo loo sameeyo farsamadan gacanta oo aan ahayn sidii ay u sameynayeen jiilalkii hore ee qoyskeeda. Waxaa ay iyada oo 13 sano jir bilowdey in ay ka barato hooyadeed iyo habar-yaraheed/eeddooyinkeed.
“Baahidii aan u qabey in aan caawiyo hooyadey iyo rabitaankeygii ahaa in aan si fiican u barto farsamadan ayaa dhiirrigelin ii ahaa – weli waxaan xusuustaa anniga oo 13 sano jir ah oo hooyadey dhinac fadhiya, marka aan dugsiga ama malcamadda quraanka ka soo noqdo, oo ku tababaranaya koofiyad-tolista,” ayaa ay tiri Faadumo.
Inkasta oo ka ganacsiga koofiyadaha uu ilaa xad iska yaraa, haddana waxaa uu ahaa mid joogto ah oo qoysaskuna waxaa ay ka heli kareen wax ugu filan maciishaddooda.
Intii Faadumo ay koreysey – waxaa ay sii waddey barashada iyo ku-tabarashada koofiyad-sameynta – markii la soo gaarey waqtigii ay dooran lahayd xirfaddeeda shaqo, wax su’aal ah kama taagneyn nooca shaqada ay qaadan lahayd.

Faan iyo sharaf
Inkasta oo dadka qaar ay u maleyn karaan in Faadumo aaney haysan wax badan oo ay kala doorato marka ay timaaddo go’aanka ay ka qaadaneyso mustaqbalkeeda shaqo, iyadu dhinac kale ayaa ay ka aragtaa. Waa ay ku faraxsan tahay shaqadeeda, iyo waxa ay beesheedu ku soo biirisey bulsho weynta Soomaaliyeed.
“Dhammaan ragga Soomaaliyeed, cid kasta oo ay yihiin, waa ay xirtaan Koofi Baraawe – iyada oo calaamad u ah huwiyad, sharaf, haybad iyo hidde iyo dhaqan,” ayaa ay tiri.
Koofiyad Baraawaha waxaa loo xirtaa ujeeddooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin sababo diimeed, dhaqan iyo kuwo siyaasadeed. Siyaasiyiinta ayaa badanaa koofiyadda xirta marka ay ka qaybgalayaan kulamada rasmiga ah iyo kuwa diblomaasiyadeed, waxaana culimada iyo odeyaal-dhaqmeedka u qaataan munaasabadaha muhiimka ah. Munaabadahaas waxaa ka mid ah aroosyada.

“Xilliga arooska, ayaa qaraabada ninka guursanaya, adeer ama eeddo u ah, waxaa ay wiilka guursanaya madaxiisa saaraan Koofi Baraawe waxaana ay ku dhahaan, ‘Maanta laga bilaabo, waxaad tahay nin mas’uul ah,” ayaa ay tiri Faadumo. “Waxaan sidoo kale ognahay caadadan ay asal ku leedahay sunnada Rasuulka.”
“Koofiyadaha waxaa ay aad suuq u leeyihiin xilliga Xajka,” ayaa ay ku dartey, “waxaana aan u dhoofinnaa Sacuudi Careebiya, halkaas oo xujaydu ay aad u raadiyaan koofiyada dhaqameed ay tayadoodu sarreyso.”
Maciishad
Suuqa Koofiyad Baraawaha waxaa si ba’an u saameeyey dagaalka sokeeye ee Soomaaliya, laakiin tartiib tartiib ayuu u soo kobcayaa iyada oo uu dalku dib soo dhismayo, laakiin culeysyo cusub ayaa la soo gudboonaadey.

Farxadda ay Faadumo ku faraxsan tahay hawsheeda farashaxanka gacanta ah iyo dhaqanka hodonka ah ee beesheeda waxaa hoos u dhigey xaqiiqooyinka ganacsi ee dunida casriga ah ka jira.
Waqtigan la joogo, Koofi Baraawe gacanta lagu sameeyey ee asalka ah waxaa uu qiimaheedu u dhaxeeyaa $50 ilaa $80 doolar, halka mid la been-abuuray, tayadeedu hooseyso oo ay warshad soo saartey lagu heli karo lacag intaas aad uga yar.
“Kuwo aan asli ahayn oo lasoo dhoofiyo ayaa suuqa lagu soo daadiyey. Qaarkood waxaa lagu gadaa lacag aad u yar oo ilaa $5 doolar ah,” ayaa ay tiri. “Dhinaca kale, Koofiyad Baraawaha asliga ah ee Muqdisho yaalla ayaa qiimahoodu aad uga badan yahay intaas, iyada oo hadba ku xiran farshaxanka gacanta, agabka laga sameeyey iyo nakh-shadda.”
“Koofiyadaha asliga ah waxaa laga sameeyaa maro jilicsan, oo lehna duleello ay hawadu marto, halka kuwa aan asliga ahayn laga sameeyo maro jiidjiidanta. Koofiyad Baraawaha asliga ah waa mid hawadu ay dhex marto – dhidadkana uu ka baxo duleeladeeda; kuwa aan asliga ahayn ma laha tilmaamahaas,” ayey tiri.
Soc-sood dhowaan lagu marey xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaadey sida ay magaalada ugu badan yihiin koofiyadaha aan asliga ahayn.
“Magaalada oo dhan iyaga ayaa dhooban!” ayaa ay tiri Faadumo. “Waa dhif in aad hesho mid asli ah, kunkiiba waxaa laga yaabaa in aad mid ku aragto.”
Culeysyadaa la soo xusey waxaa weheliya, in la helo jiilal cusub oo u heellan in ay dhaxlaan xirfadda ayaa sii adkaaneysa. Shaqadu waa mid gacanta laga qabto, oo u baahan falkin iyo daabac-sameyn kakan, iyo sidoo kale in aad loogu fiirsado marka la sameynayo.

Luminta xirfadahan waxaa ay wax u dhimaysaa gudbinta tabo aan masal lahayn oo qeexaya Koofiyad Baraawaha. Farshaxannadda ayaa taas ku sababeysey is-beddel ku yimid aragtiyaha iyo doorka qoysaska ee jiilasha kala duwan.
“Gabdhaha maanta jooga ma rabaan in inta ay fariistaan ay saacado badan ku bixiyaan sameynta koofiyadahan. Waqtigeennii, dadku waxaa ay sameyn jireen waxa laga rabey in ay sameeyaan. Hadda, dhallinyaradu waxaa ay isu arkaan in ay ka caqli badan yihiin jiilkii ka horreeyey,” ayaa ay tiri.
Xalalka
Qaar ka mid ah farsamayaqaannada reer Baraawe oo ay Marwo Cabdi ka mid tahay – ayaa ku baaqay in la mamnuuco koofiyadaha ka raqiista ah ee dibadda laga keeno. Laakiin xitaa baaqyadaas ayaa sii yaraanaya iyadoo tirada khabiirada koofi Baraawe ay hoos u dhacayaan maadaama jiilalka waaweyn, oo ay ku jiraan macalimiin mustaqbalka ah, ay Meesha ka sii baxayaan.

“Farshaxannadii sameyn jirey ama waa dhinteen, ama waa waayeel ama dibadda ayey aadeen,” ayey tiri Faadumo. Waxa ay intaas ku dartay “Farshaxannada tirada yar ee harey ayaa sii yaraanaya,”
“Farshaxanka mustaqbal ayuu leeyahay, laakiin farshaxanniintu gacan-qabasho ayey u baahan yihiin. Qofkii gacan-qabasho haysta ayaa keligiis istaagi kara, haddii aan gacanqabashadaa la helin, maxaan sameyn karnaa? Waxaan rabaa in aan da’yarta baro sida loo sameeyo koofiyadahan,” ayey tiri. “Waxaan Ilaah ka baryeynaa in hiddaheenna iyo dhaqankeenna ay dib u helaan qiimihii ay horey u lahaan jireen.”
Waxaa ay dad ku tiritirsiineysaa in la mamnuuco koofiyadaha la soo dhoofiyo kuwaas oo halis mug weyn ku haya koofiyadaha degaanka lagu sameeyo waxaana ay ku baaqeysaa in la taageero farshaxaniinta farsameeya badeecooyinka asliga ah.
Taageerada QM
Hay’adda Qaramada Midoobey ee Xuquuqul-Insaanka (OHCHR) ee Soomaaliya ayaa kaashanaysa bah-wadaagta degaanka iyo bulshooyinka Soomaaliyeed si loo muujiyo hodontanimada iyo kala-duwanaanshaha dadka Soomaaliyeed iyo dhaqankooda, iyo si loo dhiirrigeliyo in si macno leh looga wada qaybqaato mustaqbal nabad iyo u-dhammaansho leh oo ay ku naalloodaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Sida Dowlad qayb ka ah Cahdiga UNESCO ee Dhowridda Hiddo-Dhaqameedka Aan La Taaban karin ee the 2003 UNESCO Convention for the Safeguarding of the Intangible Cultural Heritage, Soomaaliya waxaa ay fursad u haysataa in ay dokumenti-gareyso oo ay ilaaliso hiddo-dhaqameedka sida sameynta Koofiyad Baraawaha. In la diiwaangeliyo hiddaha aan la taaban karin ayaa gacan ka geysan karta in farshaxannimadan loo keydiyo jiilasha mustaqbalka.
“Koofi Baraawe waa shey astaan u ah beesha reer Baraawe iyo dhab ahaan dhammaan Soomaalida. Xirfadaha, farshaxanka iyo aqoonta la halmaala sameynta Koofiyad Baraawaha waa hiddo-dhaqameeed aan la taaban karin waxaana ay tusaale u yihiin siyaabaha kala duwan ee haweenka farshaxaniinta ah ee beesha reer Baraawe ay u soo bandhigaan, u joogteeyaan ayna hiddo-dhaqameedkooda ugu kala gudbiyaan jiilalka kala duwan,” ayey tiri Madaxa Kooxda Xuquuqul-Insaanka iyo Ilaalinta ee Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNTIMIS), oo sidoo kalena ah Ergeyga OHCHR ee Soomaaliya.
“Aad bey muhiim u tahay in bulshadu ay ilaaliso dhaqankeeda iyo huwiyaddeeda. Iyada oo uu socdo dib-u-dhiska waaxda dhaqanka ee dalka, ayaa maamullada Soomaaliyeed waxaa ay haystaan fursad ay ku taageeraan oo ayna ku xoojiyaan dadaallada ay bulshadu ku dhowreyso Koofiyad Baraawaha iyo dhinacyo kale oo ka mid ah dhaqankeeda,” ayey tiri.





