UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Faaduma Maxamed Cabdi: Abuurka rajada oo lagu beero Kismaayo

Fatuma photo

Kismaayo – Sanadkii 1991, oo Faadumo Maxamed Cabdi ay markii ugu horreysey timid Kismaayo, waxaa ay la yaabtey wixii ay halkaasi ku aragtey.

“Magaalada waddooyinkeedu ma lahayn dhir, hawadana waxaa ku jirey ur xooggan iyo qiiqa dhuxusha laga sameynayo geedaha la gubo, cawskii badnaa iyo quracyadii dhaadheeraa ee aan ku soo dhex barbaarey ee ka baxayey hareeraha webiga Jubba ayaa iyana meesha ka maqnaa,” ayaa ay tiri.

“Laakiin waxaan ballan ku qaadey,” ayaa ay tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata, “in aan magaaladan maalin un ka dhigo mid dhir badan oo cagaaran leh!”

fao_photo.jpg
fao_photo.jpg

Faaduma oo 55-sano jir ah ayaa Kismaayo – magaala-madaxda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka ugu koonfureeya Soomaaliya – ugu guurtey si ay badbaado ugu dhex hesho.

Ka-hor intii aaney u soo wareegin, oo ahayd ka hor intii uusan dagaalka sokeeya ka dillaacin dalka, waxaa ay nolol ilaa xad deggan ku haysatey tuulada dhirta cagaaran leh ee Dujuma, oo ilaa 179 kilmitir u jirta Kismaayo oo kana tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Waxaa ay degaankaa ku dhalatey sanadkii 1970kii waxaana ay barbaartey iyada oo ay ku hareersan yihiin barwaaqada Webiga Jubba: geed-mirood, carro hodon iyo keyn u muuqata in aaney dhammaad lahayd.

U-hawo-beddelashadii Kismaayo ayaa siisey firfircooni iyo tamar. Sanadkii 1991, Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ayaa saansaantiisu muuqatey, maaddaama dadku ay ku jireen diyaar-garow colaadeed ama ay isku dayeyeen in ay ka badbaadaan ama ay ka baxsadaan rabshadda soo socotey, waxaan dhacdey in welwelka la xiriirey bay’ada dhinac la isaga riixo.

Waxaana ka jeesashadaasi ay sii xumeysey xaaladda bay’ada ee Kismaayo ee aan horeyba u adkeyd.

Si la mid ah sida qaybo badan oo kale oo Soomaaliya ka tirsan, ayaa badi reeruhu waxaa ay wax ku karsadaan dhuxul taas oo sababtey dhir-jaris badan oo ka dhacda gudaha iyo hareeraha magaalada – tanina waxaa ay keentey carro-guur, dhul aan wax ka bixin, iyo in ay korodho u baylahsanaanta is-beddelka cimilada.

Bilowgii hore

Marka si degdeg ah loo milicsado, marka laga soo tago in ay ku soo barbaartey dhul barwaaqo ah taas oo sabab u ahayd ku-dhowaanshihiisa Webiga Jubba iyo in ay shakhsi-ahaan jecleyd bay’ada hodonka ah ee dalkeeda, haddana ma jirin wax muujinayey halka ay nolosha Faadumo u jahaysan doonto.

Muddadii u dhaxaysey 1976 ilaa 1988, waxaa ay dhiganeysey Dugisga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Mareerey, ka dibna waxaa ay shaqo ka heshey warshadda sonkorta ee degaankaa ku taalley, iyada oo halkaas ka heshey xirfado goor dambe ku anfacay hawsha u-dhaqdhaqaaqidda ah ee ay waddo, kuwaas oo aan keliya ka anfacin dhinacyada anshaxa iyo wada-shaqeynta kooxeed ee sidoo kale ka anfacay marka ay timaaddo abaabulidda taageerada bulshada.

Intii u dhaxaysey 1991 ilaa 2014 waxaa ay ku nooleyd Kismaayo, iyada oo iskaa wax u qabso ugu shaqeneysey taageeridda dadka nugul ee magaalada – kuwaas oo badidoodu, ay colaaddu soo barakicisey oona la silicsanaa saboolnimo – waxaana ay diiradda saareysey korinta carruurteeda oo da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 25 sano jir.

Ka dibna, sanadkii 2016, waxaa ay go’aansatey in ugu dambeyntii la gaarey waqtigii ay fulin lahayd ballanqaadkii ay nafteeda la gashey sanado badan ka hor.

Ma fududeyn waxa ay ku hamineysey, dad badanna waaba ay ku jeesjeesi jireen.

“Dadka qaar ayaa dadaalkeyga ku tilmaamayey mid macno la’aan ah – iyo in ay fiicnaan lahayd in ay hawsheeda gaarka ah ku mashquulo sababta oo ah dadaal wax looga qabanayo bay’ada xaqiiqo ahaan kama shaqeynayo Soomaaliya,” ayaa ay tiri.

Waqtigaa, Faadumo waxaa ay si iskaa-wax-u-qabso ah kula shaqeyneysey maamulka degmada. Waqtigii koobnaa ee ay firaaqada lahayd, ayaa ay ku soo raadisey dhul ku habboon oo ay ka bilowdo mashruuceeda – iyada oo aan helin taageero maaliyadeed ama mid farsamo.

“Dadka ayaa i weydiin jirey, ‘Maxaad ku faleysaa dhir-tallaalid waqti ay dadku la kacaa-kufayaan in ay carruurtooda quudiyaan?’” ayaa ay tiri.

Sidaas oo ay tahay haddana isma-wareerin.

“Waxaan u soo joogey dagaalladii gilgiley magaalada,” ayaa ay tiri. “Laakiin ma ah in laga shaqeeyo sidii uu qofku u noolaan lahaa oo keliya. Waa in aan dib-u-dhisnaa, dhir ku beernaa, oo aan Kismaayo mar kale ka dhignaa mid cagaaran oo lagu noolaan karo.”

Taageero xaafadeed

Faadumo ayaa isu keentey koox yar oo taageerayaasheeda ah – keliya 15 qof – waxaana dhul yar ugu deeqey maamulka degmada Kismaayo.

“Waxaan isu keeney koox haween iyo rag ay isugu jiraan, si ay u soo ururiyaan abuur, u daryeelaan abuurka soo dhashey, ayna u diyaariyaan carrada, halka haween kale ay daryeelayaan dhirta yaryar,” ayaa ay tiri Faadumo.

Photo of Fatuma Mohamed Abdi
Photo of Fatuma Mohamed Abdi

“Markii ugu horreysey ee aan bilowney dadaalkeenna dhir-tallaalista, ma jirin cid kale oo magaalada joogtey oo diyaar u ahayd in ay ka-qaybqaadato wax loo arkayey tacab iyo dhaqaale khasaarin,” ayaa ay raacisey. “Waxa aan raadineyney ma ahayn faa’iido dhaqaale; waxaan rabney keliya in aan u shaqeyno bulshadeenna.”

Maxamed Faarax Cabdi, oo ka mid ah mutawaciniinta muddada dheer la shaqeynayey Faadumo ayaa sheegey mahadnaqa ay hadda ka helaan dadka degaanka Kismaayo.

“Dadaalkeennu waxaa uu hadda ku ballaartey badi magaalada dacalladeeda, annaga oo kor u qaadeyna wacyiga dadka degaanka ee ku aaddan baahida degdegga ah ee loo qabo in la beero dhir si loola dagaallamo nabaadguurka bay’ada,” ayaa uu yiri Mudane Maxamed.

“Ka dib marka aan dhirta cusub xoogaa ku korino beeraha ay bulshadu leedahay,” hadalkiisa ayuu sii watery, “ma hubinno keliya in ay koraan ee laakiin waxaan sidoo kale bixinnaa talo faahfaahsan oo la xiriirta sida loo daryeelo, taas oo ay ka mid tahay in loo soo xulo carro ku habboon si ay caafimaad-qab ugu kobcaan.”

Si tartiib-tartiib ah, laakiin xooggan, ayaa dadaalladii Faadumo u xidideysteen.

Waqtigan, oo ku dhowaad toban sano ay ka soo wareegatey tan iyo markii dhirtii ugu horreysey lagu beerey meelaha u dhow xarumaha dowladda, ayaa mashruuceedii cagaar ka dhigista magaalada uu magooley iyada oo goobo cusub oo dhir cagaaran leh ay yeesheen xaafadaha magaalada iyo goobaha lagu madadaasho.

“Waxaan sidoo kale mashaariic dhireyn ah ka fulinney Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo, xerooyinka mileteriga iyo kuwa booliska, iyo hoteellada waaweyn,” ayaa ay tiri.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2015 ila 2017, ayaa iyaga oo taageero ka heleya hay’adda American Refugee Council, Faaduma iyo kooxdeedu waxaa ay ay dhir ku beereen xaafadda New Kismayo, oo ah degsiimo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada oo loo qoondeeyey in la dejiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ka soo noqonaya Kenya. Degaankaa oo mar ahaa dhul qallalan oo dabeyl badan, ayaa hadda noqsdey meel ay deggan yihiin bulsho kobcaysa, oo leh dhir la harsado ayna sii wanaagsanaaneyso noloshiisu.

Dadaallada Faadumo iyo kooxdeeda mutadawaciinta ah oo hadda tiradoodu ay badatey waxaa hadda aqoonsadey maamulka degaanka ee Kismaayo. Waxaa ay badanaa Wasaaradda Bay’ada ee Jubbaland iyo maamulka heer degmo iska kaashadaan barnaamijyada dib-u-dhireynta si muhiimadda ilaalinta bay’adda ugu muujiyaan dadka deggan Dowlad Goboleedka.

Iyaga oo weli ku shaqeynaya iskaa wax u qabso, ayaa iyada iyo kooxdeedu waxaa ay hadda maamulaan saddex mashruuc oo waaweyn oo dhireyn ah, oo ay ka mid yihiin mid ku yaalla wadnaha xarunta maamulka ee Kismaayo, iyo mashaariic kale oo ku yaalla xaafadda Farjanno ee magaalada iyo sidoo kale tuulada Qamqam, oo ku taalla meel 20 kilomitir ka baxsan magaalada.

Photo of Fatuma Mohamed Abdi
Photo of Fatuma Mohamed Abdi

Mustaqbalka

Sanadkii 2022kii, ayaa Faadumo ay si ahaan wax ugu kala furmeen. Iyada oo taageero ka heshey Wasaaradda Bay’ada ee Jubbaland iyo hay’adda Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit – hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka – waxaa ay tababar takhasusi ah oo ku saabsanaa tabo dhir-beeris oo waara ku soo qaadatey dalka Kenya.

Tababarka ayaa u saamaxay in ay xiriiirro la yeelato urur xanneeneeya dhirta yaryar, kaas oo hadda taageero dhinaca abuurka siiya mashaariicdeeda, iyada oo sidoo kale abuur ka hesha ururro bay’adda ka shaqeeya oo ka jira Muqdisho.

Marka laga soo tago geedo-ku-beerista iyo dhireyna Kismaayo, dadaallada Faadumo waxaa sidoo kale diiradda ay saaraan kor-u-qaadista wacyiga iyo ka-qaybgalka.

“Waxaa degdeg loogu baahan yahay in taageero ballaaran la siiyo dadka u dhaqdhaqaaqa bay’ada. Is-beddelka cimiladu waa dhibaato taagan, waana in Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ay helaan qaabab ay ku taageeri karaan dadaalladan iyo mashaariicda dhireynta – taasi waxaa ay khafiifin kartaa xaaladaha degdegga ah ee soo noqnoqda sida fataahada iyo abaaraha,” ayaa ay tiri.

Mustaqbalka fog waxaa ay Faadumo rajeyneysaa in ay dadaalladeeda la xiriira bay’ada ay ku ballaariso meelo ka baxsan Kismaayo, oo ay gaarsiiso meelaha dhirtoodu sida ba’an loo jarey ee magaaladda dibaddeeda iyo hareeraheeda ah.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan gaaro gobollada ay dhibaatadu aadka u saameysey oo aan ka bilaabo mashaariic dib-u-dhireyn ah oo is-beddel dhab ah dhalin kara,” ayaa ay tiri.

“Wax fudud ma aha – waxaa ay dhibaatooyin naga soo wajaheen riyo cunaya geedaha yaryar, iyo sidoo klae maaliyad la’aan. Waxaan u baahannahay kheyraad si aan deyr ugu wareejinno meelaha dhirta yaryar aan ku xanaaneynyso,” ayaa ay tiri, iyada oo ku sii dartey in sanadkii 2019 oo keliya, ay Faadumo iyo kooxdeedu ay kaga lumeen ilaa 7,000 oo geed oo ay xoolo ka cuneen.

Photo of Fatuma Mohamed Abdi
Photo of Fatuma Mohamed Abdi

Mashquul badan

Waxyaabaha ay u dhaqdhaqaaqdo Faadumo kuma koobna in Kismaayo laga dhigo meel ay dhir cagaaran oo badan ay ku yaallaan – ee waxaa ay sidoo kale ay u ololeysaa in xalal waara loo helo dadka ka shaqeeya wax-soo-saarka dalka, oo ay ka mid yihiin beeraleyda, kalluumeysatada, iyo xoolo-dhaqatada, iyo in haweenku si buuxda ay kaalintoodu ugu dhex yeeshaan bulshada, gaar ahaan geeddi-socodyada ay bulshadu go’aamada ku qaadato.

Sanadkii 2022kii, waxaa in ay Guddoomiye u noqoto Ururka Haweenka Kismaayo u magacaabey Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqaha Aadanaha ee Jubbaland taas oo lagu aqoonsanayey hawsha ay bulshada u qabatey.

“Marka aan fahamno sababaha asalka ah ee keena in ay dadku ku tiirsanaadaan dhuxusha, waxaan si taabogal ah u yareyn karnaa dhir-jarista waxaana aan kobcin karnaa dhaqaalaha iyo adkeysiga bay’adeed si ay uga faa’iideystaan jiilalka mustaqbalka,” ayaa ay tiri.

Dhinaca ka-qaybgalka iyo ka-qaybgelinta haweenka, ayaa Faadumo waxaa ay degaanka uga dhex qareemeysey in haweenku ay helaan matalaad siyaasadeed oo ka ballaaran kan hadda.

“Haweenku rafaad ayaa ay kala kulmaan in ay helaan jago siyaasadeed taasna waxaa sabab u ah caqabado nidaami ah iyo kuwo dhaqameed. Laakiin ma jirto cid wax ina tareysa haddii aanan annaga wax is-tarin,” ayaa ay tiri Faadumo, oo sidoo kale ka qaybgashey tababar ay Qaramada Midoobey taageertey oo ku saabsanaa arrimo taas la xiriira.

Bishii Sebtembar 2024kii, waxaa ay ka qaybgashey barnaamij karti-dhis ah oo Hawlgalka Qaramada Midoobe ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) ugu talogaley hoggaamiyeyaasha ururra bulshada rayidka ah ee Dowlad Goboleedyada Dalka. Tababarka ayaa bixiyey aqoon qoto dheer oo ku saabsanaa nidaam-doorashooyinka kala duwan iyo raadka ay ku leeyihiin ka-qaybgalka iyo matalaadda haweenka.

“Inkasta oo ay hoos u dhacdey maaliyadda ay helaan barnaamijyada awoodsiinta haweenka taas oo ka dhalatey dib-u-gurashadii hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) iyo cunsurro kale, haddana waan ka soo horjeednaa in aan dayacno hawsheenna,” ayaa ay tiri Faadumo. “Haddii nala taageero iyo haddii kaleba, waxaa mar walba naga go’an in aan kor u qaadno oo aan u qareemeyno haweenka reer Kismaayo sababta oo ah waa ay mudan yihiin in ay intaas iyo wax ka sii wanaagsanba.”

Taagerada Qaramada Midoobay

Sida uu Barnaamijka Qaramada Midoobe ee Bay’ada / United Nations Environment Programme (UNEP), qiyaastii 8.2 milyan oo geed ayaa in dhuxul laga dhigto daraaddeed loogu jarey Soomaaiya intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2017.

Taasna waxaa ka dhashey in keymihii Soomaaliya ay baaba’aan ilaa ay taasi raad ba’an ku yeelatey maciishaddii dadka. Dhir-jarista baahsan ayaa sidoo kale sababtey nabaadguuridda dhulka, haqab-beel la’aan cunto iyo in ay korodho u-nuglaanshaha fatahaad iyo abaaro.

Dhibaatada dad ka soo gaartey dhir-jarista iyo nabaad-guurka dhulka ee lala xiriiriyo soo-saarista dhuxusha oo kelilya ayaa lagu qiyaasey $216 milyan oo Doolar.

UNEP waxaa ay dowladda Soomaaliyeed iyo la-hawlgalayaal kale kala shaqeyneysaa sii wanaajinta waarista bay’ada, dhiirrigelinta dhowrista kala-duwanaanshaha noolaha, iyo xoojinta u-adkeysiga cimilada, taas oo ay ka mid tahay in loo maro dadaalo la halmaala Qorshaha Is-beddelka Qaranka.

Saraakiisha QM ee bay’adana wax shaki ah kagama jiro muhiimadda ay leedahay hawsha ay wadaan Faadumo iyo kooxdeeda mutadaciinta ah.

“Habka hoggaaminta gunta hoose ee bulshada ee Faadumo ay ku shaqeyso ayaa tusaale u ah macnaha dhabta ah ee u-adkeysiga cimilada ee Soomaaliya. Iyada oo daryeelidda bay’ada ku lamaanisey awoodsiinta haweenka iyo nabad-dhisidda, ma beereyso keliya dhir – ee waxaa ay beereysaa rajo,” ayaa uu yiri La-taliyaha QM ee Amniga Cimilada iyo Bay’ada ee Soomaaliya, Christophe Hodder.

Photo of Fatuma Mohamed Abdi
Photo of Fatuma Mohamed Abdi

“Shaqadeedu waxaa ay si buuxda u waafaqsan tahay himilada Soomaaliya ee wax ka qabashada cimilada ee Qorshaha Is-beddelka Qaran, taas oo muujineysa sida waxqabad heer degaan ah uu u yeelan karo raad heer qaran iyo mid caalamiba ah,” ayaa uu raaciyey. “Kuwani waa codad iyo dadaallo ay waajib tahay in aan xoojinno oo aan taageerno haddii ay dhab naga tahay in aan dhisno mustaqbal ku sifeysan magool, badbaado, oo dad ka wada dhexeeya.”