UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda Caalamiga ah Ayaa Xaqiijiyay Sida ay Uga Go'an Tahay in Haweenka si Buuxda Looga Qaybgeliyo Geeddi-Socodyada Nabadda

54890360174_d43d1401e8_k.jpg

Muqdisho – Toddobaadkan, Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa xusay sanad-guurada muhiimka ah ee ka-qaybgalinta haweenka geeddi-socodyada nabadda, iyagoo xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay hubinta in si macno leh haweenka iyo gabdhaha looga qaybgeliyo dhammaan geeddi-socodyada nabadda iyo amniga ee dalka.

Bayaan wadajir ah, oo maalintii Khamiis, 30-ka Oktoobar, ka soo baxay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Finland, Denmark, ururrada bulshada rayidka ah iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale lagu xaqiijiyay “ballanqaadkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarinta hoggaanka iyo ka qaybgalka haweenka ee hawlaha nabad-dhisidda, amniga, iyo maamulka ee guud ahaan Soomaaliya.”

somalia-and-partners-reaffirm-commitment-to-womens-full-inclusion-in-peace-processes_54889741976_o.jpg

Wakiilladu waxaa ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho si ay u xusaan sannad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Qaraarkiisa taariikhiga ahaa ee 1325 ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga (WPS), markay taariikhdu ahayd 31ka Oktoobar 2000.

Qaraarku wuxuu mar kale xaqiijiyay doorka muhiimka ah ee haweenka ay ku leeyihiin ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, wada-xaajoodyada nabadda, nabad-dhisidda, nabad ilaalinta, gurmadka bani’aadamnimada iyo dib-u-dhiska dagaallada ka-dib waxayna sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalkooda siman iyo in ay si buuxda ugu lug yeeshaan dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo nabadda iyo ammaanka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an in ay kala shaqeyso Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, xildhibaannada, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada haweenka, qaybta gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibadeenna caalamiga ah sidii loo dedejin lahaa hirgelinta ballanqaadyada Soomaaliya ee ku aaddan Haweenka, Nabadda, iyo Amniga, iyo xaqiijinta codka, ka-qaybgalka, iyo hoggaaminta loo siman yahay ee haweenka ee ku aaddan jihaynta mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Ku-simaha Isku-duwaha QM ee Arrimaha Degaanka iyo Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, EI-Khidr Daloum.

54890267530_2ec2145d94_k.jpg

“Iyadoo adduunku intiisa kale ay qiimeynayaan horumarka laga gaarey ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga, Soomaaliya waxay ku faani kartaa in guulo la taaban karo ay gaartey,” ayuu hadalkiisa ku darey.

Munaasabadda oo cinwaankeedu ahaa '25-ka Sano ee UNSCR: Ka-dhabeynta Ballanqaadka Hoggaanka Haweenka ee Nabadda iyo Amniga Soomaaliya,’ ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay hay'adaha UN Women iyo Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo taageero ka helaya Safaaradaha Finland iyo Denmark ee Soomaaliya, iyo sidoo kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Waxaa sidoo kale la qabtey kulan dood ah iyo kulamo isdhexgal ah oo loogu talagalay ka-qaybgalayaasha.

Horumarka iyo guulaha la gaaray

Dadka kale ee ka hadlay munaasabadda waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maxamed Bashiir Cumar; Ku-xigeenka Madaxa Howlgalka Finland ee Soomaaliya, Nelli Mikkola; Ku-xigeenka Madaxa Howlgalka Denmark ee Soomaaliya, Gertrud Kummel Birk; iyo Madaxa Barnaamijyada Dalka ee UN Women, Rukaya Maxamed.

Hadalladooda, waxaa ay si gaar ah ugu xuseen horumarka ay Soomaaliya ka gaartey ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga (WPS), iyo sidoo kale taariikhda hodanka ah, qoto dheer ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin hoggaaminta nabad-dhisidda.

Waxaa ay ka hadleen sida, sannadkii 2000, haweenka Soomaaliyeed ee u dhaqdhaqaaqa nabadda – kuwaas oo loo yaqaanno “Beesha Lixaad” – ay u codsadeen uguna guuleysteen in kursi rasmi ah laga siiyo Shirkii Taariikhiga ahaa ee Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ee ka dhacay Carta, Jabuuti, iyo sida dadaalladooda ay dhidibada ugu taageen ka-qaybgalka joogtada ah ee haweenka Soomaaliyeed ee geeddi-socodyada siyaasadda iyo nabadda dalka.

Guulaha tan iyo markaasi lagu tallaabsadey waxaa ka mid ah xaqiijinta helitaanta jagooyin sare oo heerar kala duwan ah ee guud ahaan Soomaaliya. Jagooyinkan waxaa ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka, golayaasha Dowlad-goboleedyada iyo golayaasha degmooyinka, iyo sidoo kale doorar hoggaamineed oo ay ka hayaan guud ahaan hay’adaha dawladda. Waxaa sidoo kale la xusay guulo kale oo “markii ugu horreysay” haweenka Soomaaliyeed ay gaareen, sida in loo magacaabay xilal ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo Ku-xigeenka Taliyaha Booliska.

54890116961_a33442b0ea_k.jpg

Guulaha kale ee la xusay waxaa ka mid ah ansixinta ay Soomaaliya ansixisay Qorshe Hawleedka Qaran (NAP) ee ku saabsan Qaraarka tirsigiisu yahay 1325 sannadkii 2022 – oo ahayd tallaabo loo arkay in ay tahay guul weyn oo dhanka siyaasadaha iyo barnaamijyada nabadda iyo amniga ah oo u hoggaansama baahiyaha jinsiga ee dalka.

“Lixda tiir ee istiraatiijiga ah ee Qorshe Hawleedka Qaran (NAP), laga bilaabo ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka ilaa ka ilaalinta tacaddigga ku saleysan jinsiga, helitaanka caddaaladda, iyo awood-siinta dhaqaale, ayaa waxaa ay ka tarjumayaan sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay heerarka caalamiga ah u beddelaan hawl qaran,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, oo ka hadlayay kulanka, isagoo hadalkiisana ku daray in qorshaha NAP ee labaad hadda la diyaarinayo.

“Wadahadallada iyo talooyinka maanta ka soo baxaya ayaa hagaya jiilka labaad ee Qorshe Hawleedka Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan Haweenka, Nabadda, iyo Amniga, waxayna xoojinayaan u doodista heer degaan, qaran, gobol iyo heer caalami,” ayay tiri Marwo Rukaya oo ka tirsan hay'adda UN Women, iyadoo la hadlaysa ka qaybgalayaasha.

Markii laga hadlayay caqabadaha arrintan la xiriira, dadkii hadlayay waxaa ay hoosta ka xariiqeen sida haweenka Soomaaliyeed ay weli u wajahaan caqabado waaweyn sida amni-darro, barakac, ka-qaybgal siyaasadeed oo xaddidan, iyo tacaddigga ku saleysan jinsiga.

Somalia and partners reaffirm

Ka-dib kulankii doodda iyo kulamadii isdhexgalka ahaa, wakiilladu waxaa ay saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku baaqaya in tallaabo la qaado. Waxay sidoo kale ugu baaqeen “Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, iyo dhammaan bahwadaagta horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimada in ay xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan ka-qaybgalinta micnaha leh ee haweenka iyo gabdhaha dhammaan geeddi-socodyada nabadda iyo amniga.”

Waxaa intaa dheer, in ay sidoo kale ku baaqeen:

  • Ballaarinta doorarka haweenka ee geeddi-socodyada siyaasadda, nabadda, iyo amniga heer degaan, gobol, iyo mid qaran si loo hubiyo in go’aan-qaadashada ay ka tarjumeyso codadka iyo mudnaanaha haweenka iyo bulshooyinka.
  • Kordhinta maalgelinta heer degaan looga hirgelinayo ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga (WPS), si loo hubiyo in haweenka ku nool meelaha fogfog, kuwa ay colaaduhu saameeyeen, iyo goobaha la garbiyay in ay si toos ah uga faa’iidaystaan dadaallada nabad-dhisidda, amniga, iyo soo kabashada.
  • Hirgelinta daahfuran, loo dhan yahay, isla-xisaabtanka leh ee Qorshe Hawleedka Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan Haweenka, Nabadda, iyo Amniga, oo ay ku jiraan warbixino joogto ah oo dadweynaha lala wadaagayo iyo hababka lagu helayo jawaab-celinta bulshada iyo ururrada bulshada rayidka ah.
  • Ka-qaybgelinta buuxa ee haweenka ee geeddi-socodyada qaadashada go'aanka dib-u-habaynta waaxda amniga, wada-xaajoodyada nabadda, iyo dib-u-dhiska colaadda ka-db, iyadoo la aqoonsanayo wax-ku-biirrintooda muhiimka ah ee dhisidda nabad iyo amni waara.
  • Xoojinta isuduwidda iyo abaabulka kheyraadka, oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, iyada oo iskaashi lala yeelanayo hay’adaha Soomaaliyeed ee khuseeya iyo saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa dalka, si loo xaqiijiyo hirgelin mideysan oo qaran ah oo ku saabsan ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga (WPS) ee dhammaan heerarka dawladda.
  • Sii wanaajinta hababka ilaalinta iyo taageerada u gaarka ah haweenka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwa nabadda dhisa, iyo kuwa ka badbaaday tacaddiyada la xiriira colaadaha, si loo hubiyo helitaanka caddaaladda, adeegyada caafimaadka galmada iyo taranka, adeegyada nafsaani-bulsho, iyo fursadaha dib ugu biirista dhaqaalaha.

Marka laga soo tago Mudane Maxamed Bashiir Cumar, Marwo Nelli, Marwo Birk, iyo Mudane Daloum oo saxiixay bayaanka wadajirka ah, Zahra Maxamed Axmed ayaa saxiixday iyadoo ka wakiil ah isbahaysiga ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.