Madaxweynayaasha sharafta leh, Wasiirrada, iyo marti-sharafta kale,
Aniga oo ku hadlaya magaca Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxaa sharaf weyn ii ah in aan maanta idin kala soo qaybgalo xuskan taariikhiga ah - daah-furka Taallada Nabadda ee Carta. Waxaan halkan isugu nimid si aan u xusuusanno waqti taariikhi ah oo muhiim u ah gobolka, si aan dib ugu milicsano fariintiisa rajada, midnimada, iyo wadahadalka.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Shan iyo labaatan sano ka hor, iyada oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle hoggaaminayo, ayay Jabuuti waxay door muhiim ah ka qaadatey dib-u-curashada siyaasadda Soomaaliya. Shirkii Carta wuxuu ahaa guul weyn oo lagu soo afjaray tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, kaas oo sababay burbur dowladeed, colaado baahsan, iyo khasaare naf iyo maalba leh oo ku habsadey shacabka Soomaaliyeed.
Dadaallado dib-u-heshiisiineed oo ka horreeyay shirki Carta waxay ku guuldareysteen in ay dhisaan dowlad qaran oo sharciyad leh. Iyadoo xaaladaasi jirto ayay Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxay bixiyeen goob wadahadallada lagu qabto iyagoo dib u cusboonaysiiyay aaminsanaantooda: in dib u soo celinta nabadda ay tahay mid Soomaalidu iska leeyihiin iyo in lagu saleeyo ka-qaybgelin ballaaran iyo dib-u-heshiisiin.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Shirkii Nabadda ee Carta ee 2000 wuxuu cod siiyay qaybaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa lagu soo bandhigtay qaacidada awood-qaybsiga ee hadda loo yaqaano 4.5, iyadoo sidoo kale markii ugu horreysay, la ilaaliyay kootada gaar ah oo loo qoondeeyay metelaadda ay haweenku dowladda qaran ku yeelanayaan - taas oo ahayd aqoonsi taariikhi ah oo muujinaya kaalinta aasaasiga ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabad-dhisidda. Shirka waxaa ugu dambayntii ka soo baxay Axdiga Qaranka ee Ku-meel-gaarka ah ee iyo Dowladda Qaran ee Kumeelgaarka ah. Inkasta oo aysan kuwan ahayn sidii laga rabey, haddana waxaa ay ahaayeen tallaabooyin geesinimo leh oo loo qaaday dib-u-dhisidda dowlad Soomaaliyeed oo sharci ah, dhigidda aasaaska suurtageliyay in si nabad ah lagu wareejiyo awoodaha dowladda ee laamaha fulinta iyo sharci-dejinta ee 25-kii sano ee la soo dhaafay.
Marka laga soo tago aasaaskii Carta lagu dhisay, geeddi-socodyadii xigay ee ka dhacey Eldoret, Mbagathi, mar kale oo Jabuuti ah, Garoowe, iyo Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u dhisay nidaamka federaalka ee aan maanta naqaanno. Waxaa ay dhabbaha u xaareen Dastuurka Ku-meelgaarka ee Federaalka ee 2012-ka oo noqday tiirka ugu muhiimsan ee geeddi-socodka dhismaha dawladnimada Soomaaliya, isla markaana xeereeyay mabda’a doorashooyinka qof iyo cod oo ay Soomaaliya weli ku dadaalayso in ay gaarto.
Tan iyo natiijooyinkii Carta, Soomaaliya waxaa ay gaartay horumar la taaban karo oo ku saabsan dib u soo nooleynta hay’adaha dawladda, xoojinta amniga qaranka, soo celinta nidaamka anshaxa maaliyadeed, kor u qaadidda ka-qaybgalka haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah, iyo xaqiijinta in codka Soomaaliya laga maqlo madalaha geeso-badanka ah. Aynu ugu hambalyeyno Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaaliyeed ee maanta halkaan nala jooga, iyo shacabka Soomaaliyeed, guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen 25-kii sano ee la soo dhaafay.
Madaxweynayaasha sharafta leh iyo marti-sharafta kale
Maanta, Soomaaliya laguma garto caqabadihii hore, laakiin waxaa lagu gartaa xoogga iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo himilooyinkooda ku aaddan dib-u-heshiisiinta qaran, horumarinta hay’adaha dowladeed, ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka ay ka qaybgalaan geeddi-socodka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyo nabadda waarta ee lagu gaari karo iyadoo la soo afjarayo khatarta ay Al-Shabaab iyo ISIS ku hayaan.
Sida ay xaaladda Soomaaliya hadda tahay, casharradii laga bartey Carta ayaa weli ah kuwo si qoto-dheer u khuseeya: in dhammaan bulshooyinka Soomaaliyeed ay muhiim yihiin, in wadahadalka dulqaadka ku dhisan uu yahay waddo lagu gaaro xal waara, iyo in heshiisyada siyaasadeed ay sharciyad ku helaan ka-qaybgal iyo in loo dhan yahay.
Waxaan rajeyneynaa in sida Jabuuti iyo guud ahaan gobolka ay uga hiiliyeen Soomaaliya shirkii Carta ee dhacay 25 sano ka hor, isla ballanqaadkaasi ku saleysan iskaashiga gobolka iyo taageerada caalamiga ah ee la isuduway ayaa la sii socon doono Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha amni ee harsan iyo sii xoojinta dedaalladeeda dowlad-dhiska.
Annaga oo ah Qaramada Midoobay, waxaan weli u taaganahay taageerada Soomaaliya si ay hore ugu sii socoto hirgelinta mudnaanaheeda qaran.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Annaga oo xariga ka jareyna taalladan oo aan maamuseyno aragtidii dhiirrigelisay, aynu ballanqaadno dhammeystirka shaqadii ka bilaabatay Carta: in la gaaro Soomaaliya nabad ah oo barwaaqo ah, taas oo ka turjumeysa himilooyinka muwaadiniinteeda oo dhan.
Aniga oo ku hadlaya magaca Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadnaqayaa Madaxweyne Ismaaciil Umar Geelle, iyo Dowladda iyo shacabka Jabuuti, taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa taalladan in ay halkan iyo caalamka oo dhan u noqoto xasuus joogto ah ku leh oo xusuusinaysa in nabaddu ay suurtagal tahay iyadoo la adeegsado geesinimada laga dhaxlo wadahadalka.





