UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

QM oo dhismayaal ku yaalla Dhuusamarreeb ku wareejisey maamulka Galmudug

story_cover_1_.

Dhuusamarreeb – Kaalmada Qaramada Midoobey ee horumarka Soomaaliya ayaa maanta xoojin heshey, iyada oo tas-hiilaad iyo qalab lagu wareejiyey mid ka mid ah Dowlad Goboleedyada Dalka, waana Galmudug.

“Inkasta oo Madaxweynuhu uu ina soo dhoweynayo, markan sidoo kale anniga oo ka wakiil ah QM aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa ku soo dhoweeyo dhismayaal ay dhistey ayna qalabeysey Qaramada Midoobey, kuwaas oo aan maanta ku wareejineyno Dowladda Dowlad Goboleedka Galmudug,” ayaa uu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, James Swan.

Sarkaalka ugu sarreeya QM ee Soomaaliya ayaa ka hadlayey xaflad lagu wareejinayey dhismayaal ku yaalla caasimadda Galmudug, taas oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’ iyo xubno sare oo ka tirsan maamulkiisa, iyo sidoo kale Ku-simaha Madaxa Xafiiska QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOS), Qurat-ul-Ain Sadozai.

54955510419_da595064ce_k.jpg

Tas-hiilaadka, oo ku yaalla xaafadda Xero Daroogo ee magaalada, waxaa markii hore looga dan lahaa in ay noqoto xarun iyo goob ay ku shaqeeyaan hawlgallada QM ee Dhuusamarreeb, iyo guud ahaan Galmudug.

“Laakiin waxaan ku khasbanaaney in aan beddelno qoshayaasha xaaladda maaliyadeed ee Qaramada Midoobey iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNTMIS) ee la soo xirayo bisha Oktoobar 2026ka ka dib markii ay codsatey Dowladda Federaalka Soomaaliya daraaddood,” ayaa uu yiri Mudane Swan.

“Haddaba,” hadalkiisa ayuu sii watey, “inkasta oo Qaramada Midoobey ay hawsheeda iyo barnaamijyadeeda Galmudug ay u wadi doonto si hadba ku xiran kheyraadka la heli karo, haddana tas-hiilaadka waxaa hadda lagu wareejin doonaa Dowladda Dowlad Goboleedka Galmudug si ay isticmaalaan.”

54955508549_2785cbdcf4_k.jpg

Caalami ahaanba, Qaramada Midoobey waxaa bilo badanba dhibaatooyin sii xumaanayey ka haysteen lacagaha ay hesho, iyada oo xaaladdaas ay saameyn ku yeelatey awoodda ay u leedahay qabashado hawlo muhiim ah. Iyada oo marba marka ka dambeysa ay sii yaraanayeen qaaraanka ay bixiyaan Dalalka Xubnaha ka ah QM ayaa waxaa taas ka dhashey in Ururku uu yareeyo kharashaadka, joojiyo shaqaaleynta, oo uu yareeyo qaar ka mid ah adeegyada uu bixiyo.

Isaga oo hawsha kala wareegey hawlgalkii ka horreeyey ee la oran jirey Hawlgalka QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), ayaa hawlgalka UNTMIS, oo uu sidoo kale Mudane Swan uu madax ka yahay, waxaa uu shaqadiisa bilaabey bishii Nofembar 2024kii, si waafaqsan aasaasaddii qaraarkii 2753 ee uu Golaha Amaanka ee QM uu ansaxiyey ee lagu aasaasey.

Qaraarkaas dhexdiisa, Golaha Amaanku waxaa uu ku go’aamiyey in uu si tartiib-tartiib ah uu hawlihiisa ugu wareejin doono hay’ado Soomaaliyeed, Kooxda Dalka ee QM, iyo daneeyeyaal kale, ka hor inta aan hawlka la xirin dhammaadka Oktoobar 2026ka.

54955514594_2dd030436e_k.jpg

Awoodda hawlgaleed

Tas-hiilaadkan ku yaalla Xero Daroogo si dhammeystiran ayaa uu u shaqeynayaa. Waxaa ka mid ah xafiisyo iyo hoy ay degi karaan qiyaastii 50 qof, waana la sii ballaarin karaa. Waxaa uu sidoo kale leeyahay kaabayaasha la taaban karo ee lagama-maarmaanka ah, oo ay ka mid yihiin kaabayaal amni, dab-dhaliyeyaal, warshado biyaha nadiifiya, iyo meel ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ku degi karaan.

Intaa waxaa dheer, UNSOS waxaa ay farsamayaqaannada Dowlad Goboleed Galmudug siin doontaa tababar gaar ah oo ku saabsan dhammaan nidaamyada uu ku shaqeeyo tas-hiilaadka ilaa dhammaadka sanadka 2025ka.

Hadalladiisii, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa uu hoosta kaga xarriiqey ballanqaadka ururkan caalamiga ah u ballanqaadayo Galmudug.

54955459943_c8173d9d42_k.jpg

“Ii oggolaada in aan idiin xaqiijiyo in is-garabtaagga iyo taageerada QM ee dadka reer Galmudug ay ku tiro tahay dhagxaanta aasaaska ee tas-hiilaadka iyo tirada bulukeetiga loo adeegsadey in lagu dhiso – waxaana aan rajeyneynaa in is-garabtaaggan iyo taageeradan ay u socon doonaan dadka cusub ee soo geli doona dhismayaashan,” ayaa uu yiri Mudane Swan.

“Kaalmada Qaramada Midoobey ee Galmudug kuma xirna keliya joogitaanka goob la taaban karo,” waxaa uu sii raaciyey. “Aan mar kale idiin xaqiijiyo in Qaramada Midoobey ay bahwadaag la sii ahaan doonto Galmudug iyada oo loo marayo UNTMIS ilaa laga xirayo sanadka soo socda, ka dibna iyada oo loo marayo hay’adaha, sanduuqyada, iyo barnaamijyada QM ee ka hawlgala Soomaaliya. Waan sii wadi doonnaa wada-shaqeynteenna iyo kaalmada aan siinno dadka iyo Dowladda Dowlad Goboleedka Galmudug inta ay ka shaqeynayaan nabadda, xasiloonida, amniga iyo horumarka.”

54955455028_f4ec3d7bff_k.jpg