UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

QM oo soo dhaweysay daah-furka istiraatiijiyadda ka hortagga walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs) ee Soomaaliya

54788881848_af8cad520f_k.jpg
Muqdisho – Qaramada Midoobay oo maanta ka qaybgashey daah-furka qorshaha qaran ee ka hortagga halista ay Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IEDs) ku hayaan guud ahaan Soomaaliya, ayaa ku ammaantey madaxda Soomaaliya tallaabada ay qaadeen waxayna soo dhoweysay “tallaabadan muhiimka ah ee la qaadey.”
“Istiraatiijiyaddan [Qaran ee Ka Hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah] waa mid ay horseedeen madaxda Soomaaliyeed, waxaana loo diyaariyey si hufan, oo adkeysi iyo aragti fog leh. Waxaa lagu saleeyay Qiimeynta Bilowga oo la bilaabay bishii Febraayo 2023, taas oo aasaas u ahayd qaabkan guud ee uu qaranku leeyahay si wax looga qabto mid ka mid ah halisaha sida joogtada ah u soo wajaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
54788626531_0e13db9302_k.jpg
“Shaqada durba waa ay bilaabatey. Xitaa iyada oo Istiraatiijiyadda la qorayo, hay'adaha Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa ay qaadayeen tallaabooyinka lagu hawlgelinayo inta badan mudnaanaha hortabinta u leh istiraatiijiyadda. Sidaa daraaddeed, dhammeystirka maanta ma aha mid bilow ah, laakiin waxa uu bixinayaa qaad mideysan oo lagu xoojinayo laguna hagayo dedaalladii horay u socday.”
“Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay idin kala shaqeyso sidii ay gacan uga geysan lahayd in Istiraatiijiyaddan loo rogo natiijooyin waarta,” ayuu hadalkiisa ku darey.
Md. Swan ayaa ka hadlayay munaasabadda daahfurka Istiraatiijiyadda Qaran ee Ka Hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah oo ka dhacdey magaalada Muqdisho. Munaasabaddan waxaa soo abaabulay Waaxda Dhexe ee Korjoogteynta (Central Monitoring Department (CMD), waxaanna ka soo qaybgaley mas'uuliyiin sare oo kala duwan oo ka kala socdey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo beesha caalamka.
Marka laga soo tago Md. Swan, mas'uuliyiinta ka soo qaybgashey waxaa ka mid ahaa La-taliayaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Awes Xaaji Yuusuf Axmed; Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi; Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil; Madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Agaasimaha Taageerada Hawlgalka, Qurat-Ul-Ain Sadozai; Madaxa Hay'adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, Fran O’Grady; iyo wakiillo ka socday Midowga Afrika, Mareykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Midowga Yurub.
Guud ahaan Soomaaliya, Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IEDs) waa hubka ugu weyn ee ay adeegsato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo weli halis weyn ku haysa nabadda iyo amniga.
Tallaabada xigta ee hirgelinta
Md. Swan wuxuu hadalladiisa ku muujiyay muhiimadda ay leeyihiin tallaabooyinka xiga ee istiraatiijiyadda.
“Caqabadda hadda dad hortaalla waa hirgelinta joogtada ah. Iyadoo la sii wado xalka qaran, iyo taageerada la isuduway ee diiradda lagu saaraayo oo ka timaadda saaxiibada caalamiga ah, Istiraatiijiyaddan waxaa ay xoojin kartaa awoodda ay Soomaaliya uga hortageyso khatarta walxaha qarxa ee macmalka ah (IED), ay ku ilaalinayso shacabka Soomaaliyeed, iyo tan ay ku xoojinaysa nabadda iyo amniga," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM.
54039987233_a785a9380b_k.jpg
Mas’uuliyiinta DFS oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay tallaabooyin taxane ah oo la qaadi doono si loo taageero hirgelinta wax-ku-oolka ah ee qorshaha, iyaga oo sidoo kale xusay muhiimadda ay istiraatiijiyaddu leedahay.
“Guushan waa guul taariikhi ah oo dalkeenna u soo hooyatey, hadda ka hor ma aanan yeellan qaab guud mideysan, oo uu qaranku leeyahay si wax looga qabto halista walxaha qarxa (IED),” ayuu yiri La-Taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Awes. “Istiraatiijiyaddani waxaa ay ka dhigan tahay isbeddel cad oo looga guurayo tallaabooyinka falcelinta ah iyada oo loo guurayo hab ka hortag ah oo sirdoon ku saleysan kuna dhisan lahaansho qaran. Waxaa ay dhexgelisaa hawlgallo sirdoonka horseeda, ka hortagga walxaha khatarta ah, karti-dhisid, dib-u-habeynta sharciga, iyo ka-qaybgalka rayidka hal qaab ee isku xiran. Sidoo kale, waxaa ay ku dartaa dib-u-qiimeyn tiknoolajiyadeed iyo mid xeeladeed oo joogto ah, aasaasidda nidaam qaran oo elektaroonig ah oo lagu raadraaco walxaha khatarta ah waxaa ayna abuureysaa hab lagu dedejinayo cusbooneysiinta shuruucda marka ay khataruhu isbeddelaan.”
“Istiraatiijiyaddan waa tallaabo muhiim ah oo siyaasadaha jira loogu beddelayo ficillo wax-ku-ool ah. Ka wasaarad ahaan, waxaan ballaarin doonaa oo tababari doonaa Cutubyada ka Hortagga Walxaha Qarxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale hubin doonaa in hay’adaha fulinta sharciga iyo kooxaha sirdoonka ay si wax ku ool ah uga wada shaqeyaan ogaanshaha iyo ka hortagga khataraha walxaha qarxa ka hor inta aysan dhicin,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
“Intaa waxaa dheer, in aan soo diyaarin doonaa warbixinnada falcelinta kadib hawlgallada, kuwaas oo lala wadaagi doono Xarunta Qaranka ee Ka-hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (Counter-IED Centre), oo la aasaasi doono kadib marka istiraatiijiyaddan la ansixiyo. Marka la dhammeystiro, waxaan sii wadi doonaa in aan si dhow ula-shaqeyno Xafiiska Amniga Qaranka – gaar ahaan Waaxda Korjoogteynta Khatarta Hubka, Rasaasta, iyo Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IED) – si wadajir ahaan loogu diyaariyo qorshaha qaran ee shaqada lagu la dagaallamayo walxaha qarxa.”
Isaga oo la hadlaya ka soo qaybgalayaasha, ayaa Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu xusay in dhammeystirka istiraatiijiyadda ay tahay caddeyn muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uga go'an tahay in dalka laga sifeeyo walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).
54006246433_cb6b1be576_k.jpg
UN Photo

“Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa ay door ku leedahay hirgelinta istiraatiijiyaddan, waxayna door muhiim ah ka qaadan doontaa sharcideynta istiraatiijiyaddan iyada oo dejinaysa sharciyo iyo xeerar wax looga qabanayo caqabadaha walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Wasaaraddu waxaa ay mas’uul ka tahay xakameynta kiimikada loo isticmaalo sameynta walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs) iyada oo si firfircoon uga qayb qaadaneysa Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IEDs). Guddigaasi ayaa waxaa la dhisi doonaa marka istiraatiijiyaddan la ansixiyo,” Ayuu yiri Md. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil.

Taageerada QM
Sanadkii 2024, waxaa Soomaaliya ka dhacey in ka badan 1,400 khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashey walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).
Iyada oo loo marayo hay'adda UNMAS, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay tababar iyo agab siisaa ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kooxaha Ka-hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (EOD).
Tababarkan wuxuu kor u qaadaa awoodaha ay ku ogaan karaan kagana hortagi karaan walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs), taas oo yareynaysa khatarta ay wajahaan shacabka iyo ciidamada ammaanka, iyada oo kooxaha Ka-hortagga Walxaha Qarxa (EOD) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay guulo weyn ka gaareen helidda iyo saaridda walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).
Sidoo kale, UNMAS waxaa ay hay’adaha amniga ee Soomaaliya kala shaqeysaa horumarinta awoodohooda qaranka ee ka hortagga khatarta walxaha qarxa. Arrimahan waxaa ka mid ah bixinta talooyin siyaasadeed iyo farsamo, hagid, iyo adeegyo la-talin ah si loo taageero dedaallada dawladda Soomaaliyeed ee ku aaddan maareynta iyo ka hortagga khatarta walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs).
Laga soo bilaabo 2021-kii ilaa horraantii sanadkan, hay'adda UNMAS waxaa ay tababartey oo ay qalabeysay 61 kooxood oo ka tirsan kooxaha ka hortagga walxaha qarxa (EOD) ee ciidanka qaranka, sidoo kalena waxaa ay tababartey macallimiin si loo hubiyo sii socoshada dedaallada horumarinta awoodda ama kartida. Hay'adda UNMAS waxaa ay sidoo kale tababartey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed – iyada oo maalgelin ka helaysa Dowladda Jabaan – taas oo sababtey guud ahaan 21 kooxood oo ah kooxaha ka hortagga walxaha qarxa (EOD) in loo tababaro loona qalabeeyo gudaha ciidanka booliska.
54788626656_511f2b0f2c_k.jpg