SRSG Michael Keating briefing to the Security Council 27 September 2016 (Somali version)

Warbixta Golaha Amaanka ee Soomaaliya, 27 Sebtembar 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating

 

 

Md. Madaxweyne,

 

 Waxa badan baa dhacay tan iyo markii uu Goluhu booqday magaalada Muqdisho 19kii bishii Maajo. Marka ugu horeysaba aan ku billaabo waxa aan dhammaanteeda shaki nagaga jirin inuu yahay walaaca koowaad – hanaanka doorashada – ka hor intaanan u soo jeesan waxyaabaha kale ee la xiriira ee Soomaaliya ka dhacay.

Ku dhowaad 24 saacadood ka hor ayaa Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, ama GFHDD ku dhawaaqay in hanaanka doorashada Soomaaliya uu u baahnaan doono 30 maalmood oo dheeraad ah, taasoo ah in ugu dambeyntii doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka la qabto dhammaadka bisha Nofembar.  

Dib u dhaca soo cusboonaaday wuxuu keenayaa cabsi dhowr ah. Laba ka mid ah ayaan magacdhabayaa – in hanaaka siyaasad ahaan loo farageliyo ama la gacmagacmeeyo; iyo in dib u dhacan uu noqon karo uun mid ka mid ah kuwo badan oo dheeraad ah oo ‘isdaba socda’.

Faragelinta siyaasadeed ee hanaanka waa mid baaxad weyn leh. Laakiin, anigoo si dhow ula socday hawsha Guddiga GFHDD iyo guddiyada dhiggiisa ah ee gobollada ka jira, oo ah Guddiyada heerka Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Dadba, ama GDGHDD, waxaa rumeysanahay in dib u dhacan cusub uusan soo abaabulin dhinac doonaya inuu ka helo faa’ido siyaasadeed oo degdeg ah. Run ahaantiina, Guddiga GFHDD wuxuu ku adkeystay inuu u baahanyahay waqti dheeraad ah waxaana ka diidanaa dhinacyo siyaasadda ku xoog badan, oo ay ka midyihiin musharaxiin u taagan madaxweynaha, beesha caalamka iyo Golahan laftiisa. Madaxweynaha ayaa run ahaantii ila wadaagay walaaca uu ka qabo dib u dhaca, waxaa sidaas oo kale ila wadaagay dhinacyo kale oo arrinta la xiriira.  

Golahan wuxuu marar badan carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay inay iska ilaaliso in la kordhiyo muddo xileedyada dastuurku xaddiday. Laakiin Giluhu wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhimadda ay leedahay in la qabto hanaan doorasho oo daahfuran, loo wada dhanyahay, xaq ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay ka dhalanayso dowlad Soomaaliyeed iyo baarlamaan oo haysta sharciyad heer sare ah. Waxaana iska soo horjeeda in arrintan loo qabto sida haboon oo suurtagal ah iyo in lagu qabto waqtigii loogu talagalay.

Doorashooyinka Baarlamaanku waxay hadda dhacayaan inta u dhexeysa 23ka bisha Oktoobar iyo 10ka bisha Nofembar, doorashada Madaxweynahana waxay dhici doontaa 30ka bisha Nofembar. 

Arrinta ugu muhimsan waqtigan hadda ah waa in dib u dhaca cusub uusan keenin in qaswadyaashu ay faragelin ama gacmagacmayn siyaasadeed ku sameeyaan. Laakiin waxaa degdeg loogu baahanyahay in la sii wado xawliga ay hawshu ku socoto, waqtiga dheeraadkana loo adeegsado in la xaqiijiyo in hanaanku uu ahaado mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Hawsha diyaargarowga badideeda waa la dhammeystiray, hirgelintana way billaabay. Diiwaangelinta 14,000 ergo iyo boqolaal musharaxiin u taagan baarlamaanka ayaa socota. Waxaa intaa barbar socota magacaabidda musharaxiinta u taagan Aqalka Sare ee federaalka ee cusub.

Waxaa jirta caqabad dheeraad ah. Dastuurku wuxuu qeexayaa in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku ekaa 10ka bisha Sebtembar.  Golahan ayaa garowsaday, markuu soo saaray bayaankii madaxtinimo ee 19kii bishii Agoosto, go’aanka ay si wadar ogol ah u soo saareen madaxda MHQ ee lagu kordhiyay muddada xilka hadda jirta ee hay’adaha federaalka si ay ula jaanqaaddo jadwalka doorashada ay isla ogolaadeen horaantii bisha Agoosto.  Iyadoo laga ambaqaadayo dib u dhacan dheeraadka ah, waxaa haddana muhim noqon doona in laga hortago firaaq dastuureed – iyadoo isla markaasna lagu adkeysanayo in muddadan ay ahaato muddo dowlad sii haya ah, dhab ahaantii, oo hay’adaha hadda jira aan qaadi karin ama ku dhawaaqi karin go’aano waaweyn.

Md. Madaxweyne,

Hanaanka doorashada sannadka 2016ka wuxuu dhacdo cusub oo xiiso leh u yahay dal doorashadii qaran ee ugu dambeysay qabtay sannadkii 1969.

Waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay hanaan siyaasadeed oo leh tilmaamo doorasho, ee lagu tilmaami karo ‘doorasho’ keliya.

Dhan kasta oo ka mid ah hanaanka doorashada siyaasad ahaan baa looga wada xaajooday, oo waxaa jiray tanaasulaad badan oo xanuun badan oo dhexmaray kooxaha daneeya iyo beelaha. Waxaa muuqatay in dhinacyo badan ay isku dayeen inay hanaankan ku xalliyaan arrimo siyaasadeed oo muddo dheer soo jiray oo aad u dhib badan – oo ay ka midyihiin, haddaan wax yar ka taabto, maqaamka Caasimadda Federaalka; Somaliland; Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe; kaalinta xisbiyada siyaasadda; musuqmaasuqa iyo lacagaha sharci darrada lagu keeno; xuquuqda dadka laga tirada badanyahay; iyo halganka dheer ee ay haweenku ugu jiraan caddaalad iyo sinaan.

Qaabka doorashadu ma aha mid dhammeystiran oo aan ceeb lahayn. Cidna si buuxda uguma faraxsana, taasina waxaa laga yaabaa inay tahay calaamad wanaagsan. Dhab ahaantii waa mid aan caadi ahayn, waa mid hal mar keliya la adeegsan doono, oo aan mar kale lagu soo celin doonin. Waxay qaadatay hal sanno in lagu dejiyo, iyadoo loo maray geeddi socod loo wada dhanyahay oo ay ka mid ahaayeen wadatashiyo dadweyne oo horey loo arag.

Haddana, hanaankan wuxuu leeyahay sifooyin doorasho oo muhim u ah himilooyinka Soomaaliya oo ah in doorashooyin qof iyo hal cod ah ay dhacaan sannadka 2020 – taasina waa horumarka guud ee ay Soomaaliya gaartay tan iyo sannadkii 2012.

Sifooyinkan waxaa ka mid ah: doorashada Aqalka Sare ee cusub oo ku saleysan hab juqraafi, oo aan ahayn hab beeleed; taasoo ah tallaabo looga guurayo waxa loogu yeero ‘nidaamka 4.5’; doorashada oo lagu qabanayo ugu yaraan shan goobood oo dalkoo dhan ah, ee ma aha magaalada Muqdisho oo keliya; tartan dhab ah oo loo galo kuraasta labada aqal; sameynta guddi hirgelin oo madaxbanaan; iyo xeerar qayaxan oo cayaarta loo dejiyay.

Waxaa kaloo ka mid ah in la ballaariyay ergooyinka doorashada oo ahaa 135 nin oo keliya sannadkii 2012kii lana gaarsiiyay in ka badan 14,000 muwaadin, 30% oo ka mid ah waa inay noqdan haween, 20% ka mid ahna ay yihiin dhallinyaro.  Waxaana jiray qodobo lagu guuleystay dadaal adag ka dib si loo xaqiijiyo ballanqaadkii ay Madasha MHQ ku bixisay in 30% kuraasta loo qoondeeyo haweenka.

Iskastoo tirada dadka ka qaybgalayaa ay u muuqato inay yartahay, hadda hanaankan aadka u adag wuxuu u baahanyahay in si heer sare ah loogu heelanaado, tayo xagga abaabulka ah iyo geesinimo lagu hirgeliyo.

Caqabadaha amniga iyo kuwa xagga saadka oo keliya ayaa ah kuwo aad u badan; ii ogolaada inaan halkan ammaan uga soo jeediyo AMISOM iyo hay’adaha amniga Soomaaliyeed sida ay u abaabulayaan una ilaaliyaan geeddi socodka. Waxaa dhici kara weerarro ay soo qaaddo kooxda Al Shabaab, iyo weliba rabshado kale oo ay soo abaabulaan dad kale.

Geeddi socodka waxaa ka mid ah cod qarsoodi ah iyo in natiijada oo isla markii dadka la gaarsiiyo, sidoo kale tallaabooyin kale ayaa la dejiyay iyadoo Qaramada Midoobay ay bixinayso taageero farsamo si loo xoojiyo kalsoonida lagu qabo hanaanka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah xeer anshax oo loo dejiyay dhammaan musharaxiinta, kuwa u taagan baarlamaanka iyo kuwa u taagan madaxweynenimada; waxaa la dhisay guddiga xallinta khilaafaadka doorashada. Midkan dambe hadda ayaa la dhisayaa, iyadoo ay muhim tahay inay ka midyihiin la taliyeyaal ay bixisay beesha caalamka. Waxaa sidoo kale jiri doona kormeerayaal iyo goobjoogayaal doorasho oo ay keenayaan Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Caalamka Islaamka, iyo weliba ururro Soomaaliyeed oo gudaha jooga.

Intaasoo dhan si xawli ah ayaa loo abaabulay, iyadoo ay meesha ka maqantahay tayadii hay’adihii qaranka, oo ayna yartahay waaya aragnimada dalku u leeyahay abuulidda wax sidan oo kale ah oo uu qabtay tobaneeyo sanno.

Igama daahsana caqabadaha naga horeeya iyo baaxadda waxyaabaha qaldami kara. Laakiinse haddii aan feejignaano oo aan midnimada adkeyno, geeddi socodkan wuxuu Soomaaliya u noqon karaa marxalad taariikhi ah oo wanaagsan.

Md. Madaxweyne,

Waddada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya weli waa mid dheer.

Ku dhawaaqidii Guddiga GFHDD ee ahaa in codeynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka dhacdo magaalada Muqdisho intii ay ka dhici lahayd labadaa gobol, waxay sii khordin kartaa khilaafaadka beelaha ee la xiriira maamul u sameynta dowlad goboleedka federaalka noqona ee ugu dambeeyay ee weli harsan.  Sidaa darteed, waa in la sii wadaa dadaalka lagu bixinayo horumarinta geeddi socod loo wada dhanyahay oo ugu dambeyntii waari kara ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaan doonayaa inaan aqoonsado dadaalka saxda ah ee uu Urur-Goboleedka IGAD ku bixiyay arrintan.

Colaaddu waxay weli dad badan u tahay calaamad nolosha ka mid ah. Al Shabaab ayaa sii wadda weerarrada la yaabka leh ee ay ku qaaddo bartilmaameedyada nugul, siiba kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho.  Weerarkii ugu qaawanaa wuxuu ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21kii bishii Agoosto iyo kii lagu qaaday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho 30kii bishii Agoosto.  Dhibbanayaasha ugu badan waxay ahaayeen dad rayid ah.

Weerarradan waxay hoosta ka xarriiqeen inay lagama maarmaan tahay in dadaal lagu bixiyo wiiqidda awoodda, jabinta iyo burburinta Al Shabaab, iyo in wax laga qabto waxyaabaha suurtagelinaya inay kooxdu sii jirro.

Hawlgalka AMISOM ayaa weli muhim u ah amniga Soomaaliya. Ciidamada AMISOM naftooda u hurayaa oo askar badan kaga dhimatay si ay nabadgelyo dalka ugu dabbaalaan.  Waxay u baahanyihiin in lagu taageero dadaalkooda ay ku doonayaan inay Al Shabaab kula dagaallamaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

Md. Madaxweyne,

Soomaaliya waxay sidoo kale dib u soo celinaysay tiro aan horey arag oo qaxooti ah oo ka soo noqonaya xeryaha Dhadhaab ee ku yaalla dalka deriska ah ee Kenya.  Arrintani waxay kicisay welwelka laga qabo inay Soomaaliya awooddo inay meeleyn karto dadka soo laabanaya, iyadoo la ogyahay inay jiraan dad barakacayaal ah oo lagu qiyaaso in ka badan 1 milyan, iyo bulshooyinka lagu soo dego oo aad u nugul. Waxaa socda dadaallo ay ku lugleeyihiin hay’adaha federaalka, kuwa dowlad goboleedyada federaalka ka midka ah iyo weliba Qaramada Midoobay, si arrintan xal waara loogu helo.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya walaaca laga qabo tirada sii kordhaysa – oo hadda ku dhow 5 milyan – ee dadka ay hayso nafaqa darro iyo cunto yari. Waxaan ka xumahay inaan sheego in boqolkiiba 32 oo keliya ee Qorshaha Gargaarka Baniaadanimo ayaa dhaqaale loo helay ilaa iyo hadda.

Dadka Soomaaliyeedna weli waxay wajahayaan dhibaatooyin badan xagga xuquuqul insaanka ah. UNSOM iyo Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka ayaa 4tii bishii Sebtembar soo saaray warbixin ku saabsan Xorriyadda Hadalka. Inkastoo hogaanka Soomaaliyeed ay qaadayaan tallaabooyin sharci iyo kuwo hay’adaho oo muhim ah oo ammaan mudan, oo ay ka midyihiin ansaxinta Sharciga Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaran, waxaa dhab ah inay weli socdaan kadeedidda iyo cagajuglaynta wariyeyaasha, Xildhibaanada iyo bulshada rayidka. 

Xaaladda ay ku suganyihiin haweenka iyo carruurtu waa arrin leh walaac weyn leh, waxaana ka mid ah carruurta Al Shabaab laga soo qabtay oo dil lagu xukumay. Booqashadii ay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Carruurta iyo Colaadda Hubaysan bishii Luuliyo ku timid waxay sii xoojisay ololaha lala galay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee ku aaddan baahida loo qabo in loo hogaansamo sharciga caalamiga, gaar ahaan Heshiiska Xuquuqda Carruurta, ee ay Soomaaliya taabbagelisay sannadkii la soo dhaafay.  Hay’adaha Puntland ayaa shalay u sheegay Ku Xigeenkayga inay dhammaan carruurta da’doodu 15 sanno ka yartahay si degdeg ah ugu wareejin doonaan xarun dhaqancelin ayna ku noqon doonaan xukunada dilka ah ee lagu riday.

Md. Madaxweyne,

Caqabadahan waa kuwo waaweyn. Laakiin, waxaa muhim ah in horumar laga sameynayo ku dhowaad dhinac kasta.

Urur-Goboleedka IGAD ayaa 10kii bishii Sebtembar magaalada Muqdisho ku qabtay kulanka madaxda dalalka iyo dowladaha – oo ahaa shirmadaxeedkii ugu horeeyay ee lagu qabto carriga Soomaaliya mudoo 42 sanno ah.  Waa inaan la dhayalsan muhimmadda ay arrintani leedahay iyo saameynteed nafsi ahaan.

Horumarka socda waxaa udubdhexaad u noqon doona hawsha adag ee sameynta hay’ado karti leh ayna ku kalsoonyihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed. Dowlad lala xisaabtami karo iyo tayada dhammaan hay’adaha ayaa gundhig u ah ajedaha dowlad-dhisidda. Waxaa war lagu farxo ah in kuwo badan oo ka mid ah colaadihii u dhexeeyay beelaha iyo dadka awoodda isku haysta ee Soomaaliya ragaadiyay toboneeyadii sanno ee la soo dhaafay ay hadda isu rogayaan siyaasad. Tayada maamul ayaa si tartiib tartiib ah loogu dhisayaa hanaanka federaalka ee sameysmaya; kaasoo aan jirin dhowr sanno ka hor.  Waxaa ballaaranaya asaaska siyaasadeed ee tayada hay’adahaas, ha ahaato xoojinta ku dhaqanka sharciga, abuuridda dakhliga, bixinta adeegyada dadweynaha, la dagaallanka musuqmaasuqa ama sare u qaadidda amniga.

Horumar muhim ah oo lo gaaray wuxuu ahaa sameynta Madasha Hogaanka Qaran oo ah hay’ad go’aan qaadasho oo muhim ah.  Waxaa loo baahnaan doonaa in xal laga gaaro maqaamkeeda, sida kuwa kaleba, iyadoo loo marayo dib u eegidda dastuurka.  Laakiin waxaan shaki ku jirin qiimaheeda siyaasadeed, iyadoo metelaysa madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, sidii madal isu keenta hogaanka dalka.

Arrintan dhowaan bay ka caddaatay dhanka amniga, ma aha keliya ansaxinta Qaabka Boliiska Cusub, oo waafaqsan qaabdhismeedka federaalka Soomaaliya, laakiin waxay kaloo ku caddaatay go’aankii ay ku qaadatay kulankeedii ugu dambeeyay laba toddobaad ka hor ee lagu dhisay Guddiga Amniga Qaran.

Taasi waxay beesha caalamka siinaysaa meel laga billaabo oo lagu horumariyo qaab dhammeystiran ee loo abaaro amniga oo ay ka midyihiin booliska, dib u soo kabashada bulshada iyo ballaarinta awoodda dowladda, iyo la dagaallanka iyo ka hortagga xagjirnimada colaadda xambaarsan. Waxaan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalku ay laba toddobaad ka hor uun soo saartay istiraatijiyad qaran iyo qorshe hawleed lagaga hortagayo lagulana dagaallamayo xagjirnimada colaadda xambaarsan.

Arrin mudnaanta weyn leh hadda waa in la qeexo lana hirgeliyo qorshe lagu dhisayo laguna xoojinayo Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana la xoojinayo tayada ciidamada amniga la hawlgala AMISOM ee la dagaalama Al-Shabaab.  Ergeyga Sare Midowga Africa u qaabilsan Nabadda & Amniga ayaa sheegay in kalaguurka AMISOM uu billaaban doono bisha Oktoobar 2018.  Sidaa awgeed, waqtigu waa gabaabsi si loo dhiso ciidmo amni oo karti leh, lala xisaabtami karo oo la awoodi karo ayna ku kalsoonyihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Arrimaha kale ee muhimka ah ee mudnaanta leh oo ka baxsan hanaanka doorashada waxaa ka mid ah dib u eegidda iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka, heshiis laga gaaro canshuuraha iyo dakhliga iyo maareynta iyo qaybsiga dhaqaalaha/kheyraadka, u diyaargarowga doorashooyinka qof iyo hal cod ah ee sannadka 2020, oo noqon doona hawl culus, iyo tallaabooyin lagu soo jiito maalgashi gaar ah iyo mid guud oo caalami ah, oo ay ka mid tahay deyn cafis.  Hawlaha loo baahanyahay in la qabto ma yara – laakiin horumarka laga gaarayo wuu dhiirigelinayaa.

Md. Madaxweyne,

Waxaan jecelahay inaan ku soo gunaanado mahadnaq aan u soo jeediyo xubnaha Golahan uguna mahadnaqo mowqifkooda midaysan ee ay ka qaateen Soomaaliya, iyo talada iyo taageerada aan mar kasta ka helo.

Waxaa naga go’an inaan xaqiijino in la fuliyo hanaanka doorashada, annagoo aad ula socona khatarta jirta iyadoo aan dhicin dib u dhac kale, waxaana ognahay cawaaqibta ka dhalan karta, haddii aan loo arkin mid xalaal ah oo dhammeystiran.  Laakiin haddii wax kasta sidii loogu talagalay u dhacaan, waxaa bilaha soo socda la geli doonaa waqtigii ay dadka Soomaaliyeed dalkooda u qaadi lahaayeen heer cusub oo ah xubinimada beesha caalamka.

Waad mahadsantihiin.