SRSG Nicholas Kay's Briefing to the UN Security Council Meeting on Somalia

9 Nov 2015

SRSG Nicholas Kay's Briefing to the UN Security Council Meeting on Somalia

New York – I am grateful to the Council and the Secretary-General for giving me the floor. I am delighted to be here with HE Omar Abdirashid Ali Sharmarke, Prime Minister of Somalia, whose constant support for the UN is deeply appreciated.

As I end my assignment at the end of the year, I wish to take this, my final opportunity, to thank the Council for its unstinting support over the last two and a half years. Without it, Somalia would not have progressed as it has.

In 2013 there was hope in the air, but also anxiety. The mountain to climb was steep. As Somalia inches towards 2016, I believe we should recognize what is going well, reflect on why it is working and what we should learn, and set out clearly the challenges ahead.

Mr President

Somalia is well advanced in its political and security transformation from failed to recovering state. When UNSOM started in 2013 the Federal Government was corralled in Mogadishu. Across the rest of the country was a patchwork of different local power-holding arrangements, with no tangible link to Mogadishu, little in the way of governance institutions and with many entire districts under the control of Al Shabaab.

Today a new Somalia with a new political map is emerging. Three new Federal Member States will shortly join Puntland as foundation stones of the new Federal Somalia. The fifth will be formed from Hiraan and Middle Shabelle and, while recognizing important recent progress, I urge swift conclusion of that process. I also urge continued progress on the national consultations leading to an electoral process in 2016 that will be conducted on time and be more inclusive than in 2012.

We should never forget that political progress has only been made possible by the sacrifices of the Somali National Army and AMISOM forces. The SNA faces huge challenges, and needs to improve its capabilities and its organization. But the Council’s support for it, and for AMISOM, has been vital. Since 2013 fourteen districts, including strategically important ports, have been recovered from Al Shabaab. Today there is intense interchange between Mogadishu and the regions on political, economic and technical issues. Almost daily we help Somali delegations fly across this largely road-less country –the size of France. In each of the emerging federal member states, there is a government, an assembly and an agreed charter. Increasingly Somalis see government closer to them, more able to deliver for the people and be held to account by them. There is still a long way to go in terms of service delivery, rule of law and inclusive politics. But I shall never tire of saying that – at last – Somalia is facing the problems of a country coming together rather than falling apart.

Mr President

I believe we should recognise some other significant achievements – each is a collective achievement by Somalis and the international community. It is now more than three years since pirates seized a major commercial ship off the coast of Somalia. The UNDP has helped state institutions to start delivering a range of services, and with the World Bank, is establishing a professional civil service. In 2014 early warning by OCHA, led to early action and Somalia avoided repeating the devastating famine of 2011. In 2015 for the first time in a quarter of a century, the UNHCR began a programme to assist thousands of refugees to return voluntarily to Somalia. Last month, two years after polio erupted again in Somalia, the WHO declared Somalia polio-free. In 2014 Somalia exported a record number of livestock – and it is no coincidence that FAO the same year vaccinated a record number of animals. Schools across Somalia are re-opening, teachers being trained and paid through a UNICEF-backed programme. Enormous challenges remain. Social and economic progress so far is a drop in the ocean, but it is progress.

Mr President

Why are things progressing and what should we learn? This is not the moment for detailed analysis, but let me highlight five key elements in Somalia’s success. First and foremost is the common agreement to put political state-building at the heart of everything, Somali owned and Somali led. Secondly, creative approaches and partnerships have been key – not only as enshrined in the New Deal, but also in the unique UN-AU-EU-IGAD partnership. Thirdly, the courage and commitment of the AU forces in AMISOM. Fourthly, a truly integrated UN delivering as one. And finally, you, the Security Council: your unity and your willingness to innovate and to trust. Thank you.

Mr President

While thanking partners and the Council for what they have done, it may not surprise you if I also ask for more. Somalia has to compete for attention and resources in an ever more troubled world. But scaling back now will crush the hopes of millions of Somalis, endanger peace and security in the Horn of Africa and East Africa, bolster violent extremism globally and risk a renewed exodus of refugees. Reducing effort should not be an option. Collectively we need absolutely to do more and better on three things: local community recovery and development in areas recovered from Al Shabaab; supporting economic recovery nationwide to help the seven out of every ten Somalis under the age of 35 to find jobs; and thirdly, a more comprehensive approach to Al Shabaab to engage those who truly wish to join a Somali-led political, state-building project.

These are the future actions that will lock-in the political and security success to date. Your decision today to establish an enhanced UN Support Office is vital for the next phase.

Mr President

While rightly looking back and forward, we should be somberly realistic about the present. The plight of millions of Somalis is a calamity and an indictment. The vast majority continue to suffer abject poverty, displacement, insecurity, and predatory corruption, with little rule of law or respect for human rights. Somali resilience is legendary. But even the most resilient may buckle in the end. In all conscience Somalia’s leaders and international partners need to do more rather than less.

Delivering humanitarian and development progress in the short term, especially given the impact of El Nino, will be hard. OCHA is working flat-out to ensure the right response.

2016 will be a year of heightened political tensions: a bumpy, adrenaline-fueled ride. Al Shabaab will do everything they can to disrupt federalism and the electoral process. Somalia’s leaders need to reconcile competing demands and strive to place the national interest above personal or community interests. International partners need to stay the course, be united, respect Somali ownership but be crystal clear on their expectation that Somalis need to agree the rules for the 2016 electoral process and then stick to them.

Mr President

My final words are ones of thanks – not only to the Security Council and the Secretary-General for giving me the honour to serve in Somalia, and to my team who work tirelessly in austere and dangerous conditions, but also to the President and Prime Minister and people of Somalia for their hospitality and patience. I thank the African Union for their constant partnership and welcome the new Special Representative of the Chair of the African Union, Ambassador Madeira.

My final thoughts are with the family and friends of the seven UN colleagues murdered in the line of duty in Somalia since 2013. The most fitting tribute we can pay them is to redouble our work for peace. I salute and thank the whole UN family in Somalia for their service, comradeship and courage.

 

 

 

Warbixinta SRSG Nicholas Kay uu siiyay Golaha Amaanka, kuna saabsan arrimaha Soomaaliya


Waxaan u mahad celinayaa Golaha (Amaanka) iyo Xoghayaha Guud, kuwaas oo ii ogolaaday inaan hadlo. Waxaa kale oo aan ku faraxsanahay in aan halkaan la joogo Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliyeed, kaas oo aad loo jecleeystay taageerada joogtada ah ee uu mar walba u hayo Qaramada Midoobay.

Maadaama mas’uuliyaddii i-saarnayd ay dhamaanayso sanadkaan dhamaadkiisa, waxaan doonayaa in aan uga faa’iidaysto munaasabaddaan inay ahaato fursaddi iigu dambaysay ee aan ugu mahad celinayo Golaha Amaanka, kaas oo ii fidiyay taageero hagar la’aan ah labadii sano iyo barkii lasoo dhaafay. Golaga Amaanka la’aantiis, Soomaaliya ma samayseen horumarka ilaa iyo hadda ay gaartay.

Sanadki 2013ki rajo ayaa la qabay waxayna ku jirtay hawada, sidoo kalena waxaa jiray walaac xoog leh. Buurta la rabay in la fuulo waxay ahayd mid aad u dheer. Mar walba oo ay Soomaaliya usoo dhowaato sanadka 2016, waxaan aaminsanahay in aan isla gar-waaqsanno inay jiraan wax wanaagsan (oo socda), sidoo kalena aan muujinno sababta waxa socda ay u socdaan iyo waxa aan ka baran karno, sidoo kalena waa in aan si cad u tilmaannaa caqabadaha naga horreeya.

Madaxweyne,

Soomaaliya horumar weyn ayey ka sameysay dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxayna iskasoo beddelaysaa arrinti ahayd Soomaaliya waa waddan burburay waxayna isku beddelaysaa waddan soo kabanaya. Marki UNSOM ay shaqo billowday sanadki 2013, Dowladda Federaalka waxay ku koobnayd Muqdisho. Dalka intiisa kalena waxaa ka jiray awoodo kala duwa, mana kujirin awoodahaasi mid si aad ah ugu xirnayd Muqdisho, wax yar ayaana ka jiray hay’adaha maamulka dowladda, degmooyin bandanna waxaa koontaroolayay Alshabaab.

Maanta waxaa soo socda Soomaaliya cusub oo leh khariidad cusub oo siyaasadeed. Seddex maamul goboleed ayaa dhowaan hana qaadi doona sida Puntland (oo kale), dhamaantoodna waxay asaas u noqonayaan habka federaalaynta Soomaaliya, maamulka shanaadna waxaa loo samayn doonaa Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Aniga oo garwaaqsan dadaalka horumarka leh ee dhowaan la muujiyay, waxaan ku baaqayaa in geedi-socodkaasi si dhakhso leh loo soo gabagabeeyo. Sidoo kale, waxaan ku baaqayaa in lasii wado horumarka laga samaynayo shirarka wadatashiga qaranka ee ku jihaysan sidi doorasho ay ku dhici lahayd sanadka 2016, taas oo dhici doonta waqtigi loogu talo galay, sidoo kalena ahaan doonta mid si aad ah loogu wada dhanyahay marka loo fiiriyo tii dhacday sanadki 2012.

Waa inaan marnaba la iloobin in horumarka siyaasadeed ee la sameeyay uu suurto gal noqday oo kaliya marki qaar kamid ah Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo AMISOM ay naftooda hureen. Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed waxaa hortaagan caqabad aad u weyn wuxuuna u baahanyahay in uu horumariyo awooddiisa wax-qabad iyo dhismihiisaba, taageerada Golaha Amaanka uu siiyo ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa aad muhiim u ah. Lagasoo bilaabo sanadki 2013, 14 degmo oo ay hoos-yiimaadaan dekedo muhiim ah ayaa laga xoreeyay Alshabaab. Maanta waxaa Muqdisho iyo gobolladaba ka socda is-dhexgal xoog leh, kaas oo khuseeya dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo farsamada. Ku dhowaad maalin walba waxaan duulimaad u fidinnaa wufuud Soomaaliyeed oo iskaga kala gooshaysa (gobollada kala duwan ee dalkan) oo intiisa badan aan lahayn waddooyin hagaagsan – baaxad ahaanna wuxuu la egyahay waddanka Faransiiska. Dowlad goboleedyada dhismohoodu uu socdo, mid walba waxaa ka jira nidaam is-xukun, baarlamaan iyo cahdi lagu heshiiyay. Dadka Soomaaliyeed ayaa si isasoo taraysa u arka in dowladnimadu usoo dhowaanayso una adeegaysa iyaga, waxayna ahaan doontaa mid ay la xisaabtamaan. Weli waddo dheer ayaa loo baahanyahay in la maro si maamuladu ay ugu adeegaan dadka, looguna dhaqmo sharciga iyo kala dambaynta, siyaasadduna u ahaato mid loo wada dhanyahay. Weligay kama daalayo inaan iraahdo – ugu yaraan –Soomaaliya dhibaatada haysata waa sidi ay mar labaad iskugusoo noqon lahayd ee ma ahan sidi ay kusii kala tegi lahayd.

Madaxweyne,

Waa in aan gar-waaqsannaa guulo kale oo la taaban karo oo la gaaray, guulahaas oo si wadajir ah ay u wada gaareen dadka Soomaaliyed iyo bulshada caalamka. Waxaa laga joogaa muddo Seddex sano ah marki ugu dambaysay oo burcad badeeddu ay qabsato markab weyn oo ganacsi, oo ay ka afduubteen badweynta Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Barnaamijyada (UNDP) ayaa ka caawisay hay’adaha Dowladda sidi ay dadka ugu qaban lahaayeen adeegyo kala geddisan, Bankiga Adduunkuna wuxuu tababarayaa shaqaale rayid ah oo xirfadleyaal ah. Sidoo kale, digniinti ay bixisay hay’adda OCHA sanadki 2014 darteed, ayaa u suurto gelisay in Soomaaliya ay qaaddo tallaabo diyaargarow ah oo ay uga hortegeyso in dalka ay ka dhacdo abaarti dabadheeraatay oo kale taas oo dalka ka dhacday sanadki 2011. Sanadka 2015, marki ugu horreeysay rubac qarni gudihiis, ayaa UNHCR billowday qorshe lagu kaalmaynayo kumanaan qoxooti ah oo dalka si rabitaankooda ah ugusoo noqonayo. Bishi hore, laba sano kadib marki cudurka dabaysha laga helay Soomaaliya, ayay hay’adda WHO ku dhowaaqday in Soomaaliya laga ciribtiray cudurka dabaysha. Sanadki 2014, Soomaaliya ayaa dhoofisay tiro xoolaha nool ah, sidoo kalena hay’adda FAO ayaa isla sanadkaasi tallaal u fidisay tiro xoolo ah. Dugsiyada waxbarashada ayaa hadda ka furmaya Soomaaliya oo dhan, macallimiintana waa la tababarayaa waxaana mushaar laga siiyaa barnaamijyo ay gacan siiso hay’adda UNICEF. Caqabado aad u weyn ayaa harsan. Horumarka bulsho iyo dhaqaale ee la sameeyay hadda wuxuu u dhigmaa dhibac biyo ah oo kale oo ku dhacday badda, hadane taas nafsaddeeda ayaa ah horumar.

Madaxweyne,

Maxay yihiin arrimaha socda? Maxaana ka baran karnaa arrimahaasi?. Hadda ma joogno waqtigi aan samayn lahayn falanqayn ama taxliil tafaftiran, laakiin aan hoosta ka xarriiqo shan meelood oo laga dheehan karo horumarka ka jira Soomaaliya. Marka ugu horreysa waxaa heshiis lagu yahay in siyaasad ahaan qaranimadi dib loo yagleelo/dhiso, taas oo ah udub-dhexaadka arrimaha, dhismahaas oo ay leeyihiin, garwadeenna ka yihiin dadka Soomaaliyeed. Tan labaad, waxaa la abuuray hab wadashaqayn iyo iskaashi cusub ah, habkaas oo aan ku tilmaannayn oo kaliya Hiigsiga Cusub. Waxaa si gaar ah wadashaqayn uga dhexeysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD. Tan seddexaad, waa geesinimada iyo ka go’naanta ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga. Tan afaraad, hay’adaha Qaramada Midoobay oo si mideysan u wada hawl-gelaya. Tan ugu dambaysana waa adinka oo ah Golaha Amaanka: Midnimadiina iyo sida aad u doonaysaaan in aad ula timaadaan afkaar cusub, kadibna u aamintaan. Waad mahadsantihiin.

Madaxweyne

Aniga oo waxay qabteen uga mahad celinaya saaxiibada iyo Golaha Amaankaba, hadana la yaab idinkuma noqon doonto haddii aan idin weydiisto wax kale oo dheeraad ah. Soomaaliya waxay u tartamaysaa inay soo jiidato dareenka iyo dhaqaalaha dunida, kulana tartamaysa wadamada kale (sidi ay ku heli lahayd dhaqaale iyo soo jiidasho) ayadoo dunidana aad u qasantahay. (Sidaas darteed), in arrimaha sida hadda ay ku socdaan dib looga noqdo waxay burburinaysaa rajada ay maanta qabaan malaayiin Soomaali ah, waxay khatar ku tahay nabadda iyo xasiloonida ka jirta geeska iyo bariga Afrika, waxay dhiiri gelinaysaa xagjirnimada ka jirta aduunka, waxayna cusboonaysiinaysaa in qoxooti hor leh soo qaxaan. Sidaas darteed, in dadaalka hadda hoos loo dhigo ma ahan waddo la dooran karo. Waxaan u baahannahay in annagoo wadajirna aan dadaal wada samayno horumarna aan ka samayno Seddex dhinac: in bulshada ku nool dhulki laga xoreeyay Alshabaab loo suurto geliyo inay dib usoo kabtaan, horumarna ay sameeyaan, in la taageero dib-usoo kabasho dhaqaale oo heer qaran ah si ay u suurto gasho in 10ki qof oo Soomaali ah ee da’doodu ka yartahay 35 sano ay 7 kamid ahi ay shaqo helaan, arrinta seddexaad waa in lala yimaado hab dhamaystiran oo loo abbaaro arrinta Alshabaab si loola xiriiro kuwa dhab ahaan u doonaya in ay kusoo biiraan geedi-socodka iyo qaran-dhisidda ay Soomaaliya garwadeenka ka tahay.

Arrimahaan aan soo sheegnay waa arrimaha ay ku xirnaan doonto horumarka siyaasadeed iyo amni ee la rabo in la sameeyo ilaa iyo hadda. Go’aanka aad gaaraysaan maanta ee la xiriira dhismaha xafiis horumarsan oo taageera hawlaha Qaramada Midoobay wuxuu muhiim u yahay (hirgelinta) wejiga labaad (ee soo socda).

Madaxweyne,

Annagoo si sax ah u fiirinayna wixi horay u dhacay iyo waxa soo socdaba, waa in aan si dhab ah uga fekernaa xaaladda hadda jirta. Xaaladda ay ku suganyihiin malaayiin Soomaali ah ayaa ah musiibo, layskuna eedeyn karo. Dadka intiisa badan waxaa haysta saboolnimo aad u hoosaysa, barakac, amaan-darri iyo musuqmaasuq aad u baahsan, ayadoo wax yar uun la dhowro sharciga, kala dambaynta iyo xuquuqul insaanka. (Hadana) adkaysiga dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid soo-jireen ah. (Walow ay saas tahay), adkaysiga ugu daran xitaa mar uun ayuu soo xirmayaa. Hadaan si niyad sami ah u hadlo, madaxda daka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkuba waxaa looga baahanyahay in ay qabtaan wax badan, ee ma aha in ay hoos u dhigaan (dadaalkooda).

Waxaa adag in kaalmada bani’aadanimo iyo qorsheyaasha horumarinta lagu gaarsiiyo (dadka) muddo yar gudeheed, waxaana sababahaas kamid ah waxyeelada Elnino. Xafiiska OCHA ayaa si hagar la’aan ah uga shaqaynayo sidi jawaab ku habboon loogu heli lahaa arrimaha jira.

Sanadka 2016, wuxuu ahaan doonaa sanad ay arrimaha siyaasaddu aad u kacsanaan doonaan: waxay lahaan doonaan kor-u-kac iyo hoos-u-dhac waxaana jiri doona tartan adag. Alshabaab ayaa isku dayi doonta in ay samayso wax kasta oo suurto gal ah si ay u carqaladeeyaan nidaamka federaalka iyo doorashadaba. Madaxda Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay in ay heshiis ka gaaraan danaha is-barbar socda una hawl-galaan sidi maslaxadda umadda ay uga sare marin lahaayeen midda qof ahaaneed ama midda ay leedahay bulsho gaar ah. Bulshada caalamka waxaa looga baahanyahay in ay hawsha sii wadaan, midaysnaadaan, dhowraanna in Soomaalidu leeyihiin aayohooda, haddana bulshada caalamka waxaa looga baahanyahay in ay caddeeyaan waxa ay ka filayaan dadka Soomalaiyeed, taas oo ah in dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyaan shuruucda doorashada 2016, kadibna ay ugu dhegganaan lahaayeen ku-dhaqanka shuruucdaas una ixtiraami lahaayeen.

Madaxweyne

Ereyadayda iigu dambeeya waxay ahaan doonaan kuwo mahad-celin ah – oo aan ahayn kuwo ku kooban Golaha Amaanka iyo Xoghayahay Guud, kuwaas oo ii ogolaaday sharafti aan ugu shaqayn lahaa dadka Soomaaliyeed, laakiin mahad-celintaydu waxay ku wajahantahay kooxdi aniga iila shaqaysay sida hagar la’aanta ah, ayadoo lagu jiray xaalado khatar ah. Sidoo kale, waxaan u mahad-celinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo na marti geliyay, muujiyayna dulqaad. Sidoo kale, waxaan u mahad-celinayaa Midowga Afrika, kuwaas oo si joogto ah aan u lahayn is-kaashi. Waxaan soo dhoweynayaa Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Madeira.

Sidoo kale, waxaan u mahad-celinayaa qoysaski iyo saaxiibadi todobadi shaqaale ee ka-tirsanaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee la dilay ayagoo ka hawl-gelayay Soomaaliya ilaa sanadki 2013. Mahad-naqa ugu wanaagsan ee aan u muujin karno dadka dhintay waa in aan laba-laabno dadaalkeena ku aaddan nabad-samaynta. Waxaan salaamayaa una mahad-celinayaa dhamaan bah-weynta Qaramada Midoobay ee ka hawl-gasha Soomaaliya, waxaana soo dhoweynayaa shaqadooda, saaxiibtinimadooda iyo geesinimadoodaba.