UN Envoy to Somalia on the new Cabinet

21 Jan 2014

UN Envoy to Somalia on the new Cabinet

Mogadishu, 21 January 2014 - The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, has welcomed the endorsement of the Cabinet nominated by Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed following a vote today in the Somali Federal Parliament.

“I congratulate the new Ministers, Deputy and State Ministers of Somalia. The Cabinet has a large task ahead: delivering peace and reconciliation, rule of law and good governance to the Somali people, as well as providing public services and building the economy,” SRSG Kay said. "The United Nations will continue to support the Federal Government of Somalia as it strives to make progress in all these areas in the context of the Somali Compact.”

SRSG Kay encouraged the new Cabinet to work with the Parliament and the Presidency in full respect of the Provisional Federal Constitution.

**********

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay Golaha Wasiirada cusub

Muqdisho, 21 January 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo uu maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyaynayaa Wasiirada cusub iyo weliba Wasiirudowleyaasha cusub iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee Soomaaliya. Golaha Wasiirada waxaa horyaalla hawl aad u ballaaran: inay dadka Soomaaliyeed u keenaan nabad iyo dibuheshiisiin, ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaag, iyo weliba adeegyada guud iyo dhismaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay. “Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay horumar ka gaarto dhammaan dhinacyadan iyadoo la raacayo Heshiiska Hiigsiga Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah Kay wuxuu Golaha Wasiirada cusub ku dhiirigeliyay inay la shaqeeyaan Baarlamaanka iyadoo si buuxda loo dhowrayo Dastuurka Federalka Ku-Meelgaarka ah.