Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay Golaha Wasiirada cusub

21 Jan 2014

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay Golaha Wasiirada cusub

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo uu maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyaynayaa Wasiirada cusub iyo weliba Wasiirudowleyaasha cusub iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee Soomaaliya. Golaha Wasiirada waxaa horyaalla hawl aad u ballaaran: inay dadka Soomaaliyeed u keenaan nabad iyo dibuheshiisiin, ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaag, iyo weliba adeegyada guud iyo dhismaha dhaqaalaha,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Kay. “Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay horumar ka gaarto dhammaan dhinacyadan iyadoo la raacayo Heshiiska Hiigsiga Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah Kay wuxuu Golaha Wasiirada cusub ku dhiirigeliyay inay la shaqeeyaan Baarlamaanka iyadoo si buuxda loo dhowrayo Dastuurka Federalka Ku-Meelgaarka ah.