UNSOM Su'aal iyo Jawaab

29 May 2013

UNSOM Su'aal iyo Jawaab

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa taariikhdu markay ahayd 2dii bisha May 2013 soo saaray oo isku raacay Qaraarka tirsigiisu yahay 2102 (2013) ee lagu abuuray hawlgal siyaasadeed oo cusub oo ay hogaamiso Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, waana Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Hawlgalka sucub wuxuu bedelay Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) oo xilkiisa dhammeystiraya 2dii June 2013.


Waa maxay kaalinta UNSOM?

Kaalinta ugu weyn ee UNSOM waa inuu noqdo mid gacan ka geysta abuuridda iyo kicinta jawiga siyaasadeed oo istaraatiji ah ee lagu heli karo xasillooni iyo nabadayn, oo ay ka mid tahay inuu soo abaabulo qaybaha kale ee Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkaba. UNSOM wuxuu taageerayaa ajendaha nabadda, amniga iyo dhismaha qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna dalka ku kaalmeyn doonaa inuu horey u socdo si uu u gaaro doorashooyin xor ah oo xaq ah oo la qabto sannadka 2016. Wuxuu xilkiisa u gudanayaa iyadoo ay hagayaan mabaadi'da kala ah lahaansho Soomaaliyeed, dabacsanaan, wadashaqayn iyo iskaashi. Wuxuu kaloo fulin doonaa rabitaanka Dowladda oo ah "Irrid keliya ee Qaramada Midoobay oo laga galo", isagoo si gaar ah ula kaashanaya saaxiibada muhimka ah sida Midowga Afrika iyo Urur-Goboleedka IGAD. UNSOM waxaa hagaya Siyaasadda Lixda Tiir ee Madaxweynaha iyo Heshiiska Soomaaliyeed ee Hiigsiga Cusub (New Deal).

Waa maxay xilka UNSOM?
Xilka UNSOM waa: inuu talo siyaasadeed siiyo Dowladda Federaalka iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee la xiriirta nabadaynta iyo dhisidda hay'adaha dowladda xagga maamulka, dibu-habaynta laamaha amniga iyo ku dhaqanka sharciga (oo ay ka mid tahay wax ka qabashada dagaalyahanada soo goostay), dhisidda iyo horumarinta hanaanka federaalka (oo ay ka mid tahay u diyaargarowga doorashada sannadka 2016), iyo isuduwidda deeqda caalamiga ah.

Hawlgalku wuxuu diiradda saarayaa afar arrimood oo muhim ah:
a) Dhexdhexaadin: taageero loo fidiyo dadaalka dibuheshiisiinta, gacan laga geysto dhexdhexaadinta iyo fududeyn lagu taageero Dowladda si ay uga soo baxdo hawlaha siyaasadeed ee ugu muhimsan, sida dejinta nidaam federaal ah, hanaanka dibu-eegidda dastuurka iyo aftida dastuurka ee xigta; iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016;

b) Ku dhaqanka sharciga iyo laamaha amniga: taageero loo fidiyo ujeeddooyinka Dowladda ee mudnaanta leh ee isbedel lagu sameynayo laguna dhisayo hay'adaha Soomaaliya ee amniga iyo garsoorka, iaydoo la siinayo talooyin farsamo la iskuna dheellitirayo dibuhabeynta laamaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta (oo ah ka midyihiin ciidanka booliska, garsoorka iyo ciidanka asluubta), dagaalyahanada soo goostay, hub ka dhigidda, dhaqancelinta, amniga badaha iyo la dagaallanka miinooyinka;

c) Xuquuqda aadanaha: horumarin lagu sameeyo wacyigelinta iyo dhowridda xuquuqda aadanaha iyadoo diiradda la saarayo awoodsiinta haweenka, ilaalinta carruurta iyo ka hortagga xagudubka galmo ee la xiriira colaadda iyo dhibka loo geysto haweenka; in la xoojiyo hay'adaha Soomaaliya ee garsoorka iyo xuquuqda aadanaha; in la ilaaliyo, baaris lagu sameeyo, laga hortago, warbixina laga diyaariyo wax alla wixii ku takrifal ama xadgudub ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee dagaallada iyo baniaadanimada ee ka dhaca Soomaaliya; in la taageero Dowladda si ay u dibueegid ugu sameyso, u hormariso, una hirgeliso shuruucda lagama maarmaanka ah iyadoo raacaysa xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha;

d) Isuduwidda kaalmada caalamiga: in la taageero dadaalka ay Dowladdu ugu jirto isuduwidda taageerada deeqbixiyeyaasha, gaar ahaan kaalmada loo fidiyo laamaha amniga iyo amniga, xasilloonida iyo soo kabashada badaha, maareynta maaliyadda guud iyo tayo dhisidda, wada shaqeynta lala yeesho dowladaha iyo ururrada caalamiga ah ee lala yeesho xiriir laba geesood ah iyo mid wadar ahba, iyadoo loo marayo hanaanka Heshiiska Cusub (New Deal).

Yaa madax u ah UNSOM?
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa 29kii bishii April 2013 Md. Nicholas Kay, (oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska), oo ah diblomaasi waayoaragtinima dheer u leh Afrika, u magacaabay inuu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa UNSOM. Md. Kay wuxuu higaaminayaa iskuxirka hawlaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh UNSOM, wuxuuna isku xirayaa hawlaha Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka, Midowga Afrika, iyo weliba AMISOM, IGAD, Midowga Yurub iyo urur-goboleedyada kale iyo kuwa iskaashiga laba geesoodka ama mid dhinacyo badanba ka dhexaaya Soomaaliya.

Waa xaggee xarunta UNSOM?
Xarunta UNSOM waa magaalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku leeyahay Soomaaliya oo dhan sida ay codsatay Dowladda Federaalka, xaaladda amaankuna saamaxdo. Hawlgalku wuxuu marxaladda billowgiisa xafiisyo ka furay magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Hawlgalku wuxuu sidoo kale qorshaynayaa inuu xafiisyo ka furto magaalada Beledweyne, iyadoo la eegayo xaaladda amaanka iyo midda qalabka iyo agabka.

Goormaa UNSOM la dhawaaqay muddo intee dhan buuna jiri doonaa?
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 3dii June UNSOM asaasay inuu jiro muddo billow ah oo 12 bilood ah. Xoghayaha Guud wuxuu Golaha Amaanka ku soo wargelin doonaa hirgelinta xilka UNSOM, isagoo warbixino u soo gudbin doona saddexdii biloodba hal mar. Golaha Amaanku wuxuu dibueegid ku sameyn doonaa xilka UNSOM marka la gaaro 30ka bisha April 2014.

UNSOM ma hawlgal nabad-ilaalin baa?
Maya. UNSOM waa hawlgal siyaasadeed oo ay hogaaminayso Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda ee ka tirsan Xoghaynta Qaramada Midoobay. Hase ahaatee, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa hawlgal wadajir ah ku tagay Soomaaliya inta u dhexeysay 26kii bishii Agust iyo 6dii bishii September si loo dejiyo halbeegyada lagu geyn karo hawlgal nabadilaalin ee ay leedahay Qaramada Midoobay. Ujeeddada ugu weyn waxay tahay mar kasta inay Soomaalidu gacanta ku hayaan amniga dadkooda, iyagoon kaalmo dibadda ka helin. AMISOM waxay qayb muhim ah ka tahay dadaalkan.

Waa maxay kaalinta UNSOM kaga aaddan AMISOM?
Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2093 (2013) wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo inay Qaramada Midoobay si isku xiran ula shaqayso AMISOM. UNSOM wuxuu ka shaqaynayaa xoojinta iskaashiga istaraatiji ee ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Labada hay’adoodba waxay kaalin ka cayaarayaan taageerada loo fidiyo nabadaynta Soomaaliya, waxayna iska kaashanayaan hawsha ay ka hayaan dalka.

Waa maxay kaalinta UNSOM kaga aaddan hay’adaha Qaramada Midoobay?
Jagada Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud/ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Baniaadanimo ayaa la asaasy 1da bisha January 2014, habdhismeed ahaana waxaa lagu soo dhafay UNSOM. Hawlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa hadda laga hagayaa Hanaan Istaraatiji ah oo Isku-dhafan oo koobaya xilalka kala duwan ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhammaan hawlaha khuseeya ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Dalka ay hadda si buuxda ula xiriiraan UNSOM. Isku-dhafka ka dib, waxaa waajib ah in la xaqiijiyo baniaadanimada, eexasho la-aanta, dhexdhexaadnimada iyo madaxbanaanida kaalmada baniaadanimo. Sidoo kale, UNSOM wuxuu si dhow hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka iyo hay’adaha horumarinta aan la wadaagno uga la shaqeyn doonaa arrimaha la xiriira isuduwidda dadaallada xasilinta iyo soo kabashada ee laga wado dhulka dhowaan la xoreeyay; arrimaha amniga badaha; arrimaha dhaqaale ee ka dambeeya colaadda iyo horumarinta tayada.

Waa maxay kaalinta UNSOM kaga aaddan UNSOA?
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taareerada AMISOM (UNSOA) ayaa 3dii bishii June 2013 lagu soo dhafay hanaanka UNSOM. Agaasimaha UNSOM wuxuu warbixintiisa u gudbiyaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wixii la xiriira taareerada la siiyo UNSOM iyo siyaasadda iyo su’aalaha siyaasadda ka yimaada marka uu/ay warbixinta u gudbinayo Waaxda Taageerada Hawlgallada Dibadda ee la xiriira bixinta taageerada saadka/agabka ee la siiyo AMISOM.kkll