Adeega Lammaanan Ee Cadaaladda Iyo Asluubta

Awoodda

Adeega Lammaanan ee Cadaaladda iyo Asluubta ee UNSOM ayaa loo igmadey in dowladda Soomaaliya ka taageero isagoo u fidinaaya talooyin ku aadan siyaasad istaraatiijiyadeed la jaanqaadaya Qaabaynta Qaramada Midoobey ee Barkulanka Adduunka ee Dhaqan Gelinta Sharciga (GFP) iyadoo sidoo kale la raacayo Dhabaha Dhameystiran ee Amniga (CAS) si loo helo hay’ado tayaysan oo lagala xisaabtamo Dhaqan Gelinta Sharciga. Adeega Lammaanan ee Cadaaladda iyo Asluubta waa koox isku dhaf ah oo ka kooban shaqaale ka socda hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay  (UNDP, UNOPS, iyo UNODC) waxuuna adeegan ka howl galaa barnaamijyada caddaaladda iyo asluubta. Talada istaraatiijiyadeed ee Adeegan Lammaanan oo loo geeyey fullinta qorsheysan ee Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa suurtageliyay hannaan wax ku ool ah oo lagu bixin karo taageero laguna xoojinayo dhaqan gelinta sharciga ee Soomaaliya.

Dulucda

Nidaamka caddaaladda Soomaaliya wuxuu weli ku jiraa xaalad curdin daran. Halka Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay bilaabeen inay dhisaan nidaamkooda cadaaladda, waxaa loo sameeyay inta badan qaab aan la isku raacsanayn, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin qaab-dhismeedka cadaaladda federaalka (Nidaamka Cadaaladda iyo Asluubta). Nidaamka cadaaladda, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, waxa ka maqan xirfadaha ugu yar ee maamul, maaliyad iyo mid shaqaba. Go'aannada maxakamadaha waxaa lagu soo saaraa sababo fudud, go’aamadaas oo loo cuskanaayo shareecada islaamka iyadoo aan lasii faahfaahin. Tani waxay gacan ka geysataa arrimo badan oo ay ka midyihiin hubanti la'aanta sharciga iyo kalsooni daro laga qabo nidaamka cadaaladda rasmiga ah. Inta badan maamul goboleedyada, shaqaalaha caddaaladdu ma helaan mushahar joogto ah (ama waxba ma helaan), taas oo qaarkood ku kallifta inay dadweynaha ka qaadaan qarashka maxkamadaha oo sharci ahayn. La xisaabtan la'aanta, kormeerka, iyo madax-bannaanida hay'adaha ayaa meesha ka saaraysa kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hay'adaha caddaaladda ee dawladda, taas oo keentay in hababka caddaaladda ee soo jireenka ah ay sii ahaanayaan bixiyayaasha caanka ah ee adeegyada caddaaladda ee ugu horreeya miyiga. La xisaabtan iyo kormeerka la'aanta, iyo madaxbannaani la’aanta hay'adaha gorsoorka ayaa meesha ka saaraysa kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hay'adaha caddaaladda ee dawladda, taas oo keentay in hababka caddaaladda ee soo jireenka ah ay sii ahaanayaan bixiyayaasha caanka ah ee adeegyada garsoorka ee inta badan ka jira miyiga. Meelaha qaarkood, maxkamaduhu waxay diiwaangeliyaan go'aamada ay gaaraan odayaasha oo ku saleysan xeer ama xal, iyagoo siinaya aqoonsi dawladeed nidaamka caddaalad dhaqameedka. Si kastaba ha ahaatee, hababka cadaalad dhaqameedka waxay u muuqdaan inay yihiin kuwa takoor ku saleysan, gaar ahaan faquuqa haweenka, dhalinyarada iyo qabaa'ilka laga tirada badan yahay, waxayna sidoo kale iska indhatiraan ilaalinta xuquuqda shakhsiga ah taasoo ka soo horjeeda halbeegyada xuquuqda aadanaha.

Guulaha lagaarey

  • Tusaalaha Cadaaladda iyo Asluubta: Adeega Lammaanan ee Cadaaladda iyo Asluubta waxa uu diiradda saarayaa taageeridda horumarinta Tusaalaha Cadaaladda iyo Asluubta taas oo qayb ka ah hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo Federaalaynta. Waxaa 24-kii Janaayo 2018 magaalada Jowhar heshiis siyaasadeed ku kala saxiixday dhammaan Wasiirada Cadaaladda ee Dowlad Goboleedyada iyo Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya. Bishii Ogosto 2018, nooc kale oo Tusaalaha Cadaaladda iyo Asluubta ah ayaa waxaa soo jeediyay Golaha Wasiirada XFS. Aragtiyadan iyo wadatashiyada socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa qaabayn doona heshiiskii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee doorashada qaabdhismeedka cadaaladda iyo asluubta ee Soomaaliya.
  • Qorshaha Kala-guurka iyo meelaha dhawaan laga soo kabsaday:Silsiladda cadaaladda (Booliska, Garsoorka iyo asluubtaa) ayaa muhiim u ah amniga iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee dhaqan gelinta sharciga ee dadweynaha ku nool goobaha cusub ee dib loo soo celiyay. Adeega Lammaanan ee Cadaaladda iyo Garsoorka wuxuu si firfircoon uga qaybqaadanayaa iyada oo loo marayo CAS Strand 2C (Cadaalada) qorshayaasha xasilinta ee aagaggaas, iyadoo la dejinaayo habab isku dhaf ah oo qeyb ka ah xallinta khilaafaadka  taas oo xoojinaysa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee garsoorka.
  • Hay’adaha ugu muhiimsan Garsoorka ee Heer Federaal iyo Gobolka Banaadir ayaa la horumariyey: Sare u qaadidda aqoonta Guddiga Siyaasadda iyo Xeer-dejinta ee Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo wanaajinta maareynta dacwadaha, oo ay ku jiraan hab cusub oo elektaroonik ah oo loogu talagalay Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
  • Samaynta hayadaha cadaaladda muhiimka ah ee caasimadaha iyo gobolada maamul goboleedyada: Barnaamijyada lammaanan ee cadaaladda iyo asluubta iyo Barkulanka Adduunka ee Dhaqan Gelinta Sharciga ayaa taageerey in caasimada maamul goboleedyada laga hirgeliyo wasaarad caddaalad, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud iyo maxkamado.
  • La-dagaalanka Musuq-maasuqa: Adeega Lammaanan ee Caddaaladda iyo Asluubta waxuu taageerey dib u eegista qabyo qoraalka Xeerka Dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa kaasoo hadda horyaalla Aqalka Hoose. Wasaaradda Caddaaladda waxay aasaastay “Unug Anshaxa iyo Daacadnimada” iyo Guddi-hawleed si ay u hagaan hawlaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee Soomaaliya.
  • Helitaanka Caddaaladda: In kastoo ay jiraan kaalmooyin caalami ah iyo maxkamado ka howl-gala magaalooyinka waaweyn, nidaamka garsoorka (dowladda) rasmiga ah weli ma laha awood uu ku bixiyo adeeg garsoor oo la aamini karo kaasoo beddela nidaamka caddaaladda dhaqameed iyo mararka qaarkood, maxkamadaha Al Shabab.

  • Hababka isuduwidda: Iskudubarid wanaagsan iyada oo loo maraayo taageerada joogtada ah ee Dhaqangelinta Sharciga CAS Strand 2C Kooxda Shaqada ee lagu aasaasay Unugga Isku-dubbaridka Gargaarka Qaranka iyo iyadoo la kaashanayo Barkulanka Adduunka ee Dhaqan Gelinta Sharciga.

  • Xabsiga Muqdisho, Xarunta Maxkamadaha iyo Xukunka Dilka: 23-kii Febraayo 2019, Wajigii 1-aad ee dhismaha Xabsiga Muqdisho iyo Xarunta Maxkamadaha ayaa la daah furay, xaruntaas oo loogu tala galey maxaabiista khatar ah sida (Al Shabab iyo kuwa la xiriira) iyo kiisaska burcad badeednimada. Xaruntan waa mid ka mid ah waxyaabaha ay DFS mudnaanta siineyso si loo dhaqan geliyo sharciga, loo lana dagaalamo argagixisada iyo sugidda amniga shaqaalaha maxkamadda. 3dii Febraayo 2019 iyadoo ay ka dhalatay wadahadalo ballaaran oo dhex maray beesha caalamka, Qaramada Midoobey iyo DFS waxay saxiixeen Heshiis Isfaham oo uu ku jiro qodob taariikhi ah oo tilmaamaya ciqaabta dilka ah kaasoo sheegaya in qof lagu xirey ama lagu xukumey xaruntan aan la dili doonin.
  • Sare uqaadida awoodda asluubta iyo kaabayaasha: Taageerada la gaarsiiyey hirgelinta koorsooyinka tababarrada Saraakiisha Ciidanka Asluubta ee ku aaddan la dhaqanka maxaabiista, maamulka xabsiga, badbaadada iyo amniga xabsiyada, caddaaladda rag, dumar iyo dhalinyaro, maareynta xogta maxaabiista iyo maamulka shaqaalaha xabsiga. Awood-dhisiddan waxay wanaajisay maamulka iyo maaraynta maxaabiista iyadoo la raacayo xeerarka xuquuqul insaanka. Taageerada lagu horumarinayo kaabayaasha aasaasiga ah ee xabsiyada ayaa hadda socda – Xabsiyo cusub ayaa laga dhisi doonaa Gaalkacyo, Kismaayo iyo Baydhabo.
  • P/CVE – Mashruuca Dhaqancelinta Cilmi-nafsiga ah ee Maxaabiista Khatarta Sare leh sida (Al Shabab iyo kuwa la xiriira): Waxaa la abaabuley lana gaarsiiyey barnaamij loogu talagalay maxaabiista halista badan ee la xukumey ee Baydhabo tan iyo 2016-kii. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay wacdi diimeed, waxbarashada madaniga ah iyo taageerada nafsaaniga ah ee la xiriira qoyska iyo bulshada, ka qayb gelinta dhalinyarada iyo haweenka hoggaanka iyo ka hortagga kooxaha xagjirka ah inay askareeyaan dhallinta.

Caqadaha

  • Tusaalaha Cadaaladda iyo Asluubta: Weli ma jiro heshiis kama dambeys ah oo u dhexeeya DFS iyo Maamul goboleedyada oo ku saabsan awoodaha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Dastuuriga iyo Guddiyada Adeegga Garsoorka. Waxaa is barbar socda laba tusaale oo ku saabsan Caddaaladda iyo Asluubta: mid awood garsoor oo dheeri ah siiya maamul goboleedyada (heshiiska “Jowhar”), iyo mid kale oo awoodaas siinaya DFS (waxaa soo jeediyay Golaha Wasiirada XFS). Waxaa socda wadatashiyo ku saabsan sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed kama dambays ah ee ku aadan habka loo marayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.
  • Hey’adaha Aasaaska u ah Dhaqan galka Sharciga, Kala Soocnaanta Awoodaha iyo Madaxbannaanida Garsoorka: Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga iyo Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa lagama maarmaan u ah kormeerka, daah-furnaanta, iyo madax-bannaanida garsoorka ee nidaamka caddaaladda rasmiga ah iyo in la helo doorasho xor iyo xalaal ah. Maqnaanshaha labadaas hay'adood ayaa waxay sababtey in hay’adda fullinta sii wado inay magacaawdo garsoorayaal kuwo kalena shaqada ka joojiso.

  • Kiisaska khatartooda sareyso iyo ka wareejin kiisas maxkamad ciidan loona wareejiyo maxkamad madani: Ku wareejinta kiisaska khatarta badan sida (Al Shabab iyo kuwa la xiriira) iyo kiisaska burcad-badeednimada oo laga wareejiyo maxkamadaha ciidanka loona wareejiyo maxkamadda sharciga ah ee ku habboon nidaamka cadaaladda dembiyada rayidka ah ayaa waxaa dib u dhigeeda sii socda ku lug leh shaqsiyaadka siyaasadeed ee ugu sarreeya.

  • Helitaanka Caddaaladda: In kastoo ay jiraan kaalmooyin caalami ah iyo maxkamado ka howl-gala magaalooyinka waaweyn, nidaamka garsoorka (dowladda) rasmiga ah weli ma laha awood uu ku bixiyo adeeg garsoor oo la aamini karo kaasoo beddela nidaamka caddaaladda dhaqameed iyo mararka qaarkood, maxkamadaha Al Shabab.
    
  • Mushaharaad aan joogto ahayn ama aan la bixin iyo aqoonta shaqaalaha caddaaladda oo hoosaysa: Mushahar la'aanta (ama bixinta aan joogtada ahayn) gaar ahaan maamul goboleedyada, waxay caqabad ku noqotaa bixinta adeegga waxayna kordhisaa suurtogalnimada musuqmaasuqa. Inta badan garsoorayaalka maamul goboleedyada waxay kaliya shahaado ka heystaa shareecada. Kuwo kalana ma haystaan wax shahaado ah gebi ahaanba.
  • Qaab dhismeedka bulshada iyo isbedelka awoodaha bulshooyinka: Xeedaabka bulsho ee ay garsoorayaasha ku shaqeeyaan ayaa aad u adkeyneysa in ay u dhaqmaan si dhexdhexaadnimo ah maadaama ay ilaalinayaan ciidamada qabiilada ay ka soo jeedaan sidaas darteedna uu qabiilka la xisaabtamayo. Dhanka kale, Maxkamadaha Al-Shabaab waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo qabyaaladda ka fog balse ma dhawraan xuquuqda dadka la heyb sooco oo ay ka mid tahay xuquuqda haweenka.

Hortabinada

  • Horumarinta federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha cadaaladda ee muhiimka ah: In la fududeeyo heshiiska u dhexeeya DFS iyo maamul goboleedyada ee ku saabsan Tusaalaha Caddaaladda iyo Asluubta iyo dhaqangelintiisa. In la xoojiyo awoodda farsamo iyo midda hay’ad ahaaneed ee Garsoorka, Xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud, Wasaaradaha Cadaaladda, Ururada Qareenada iyo in la dhiso Guddiga Adeegga Garsoorka, Maxkamadda Dastuuriga iyo Machadka Tababarka Garsoorka (heer federaal iyo mid maamul goboleedba).
  • Qorshaha Kala-guurka ee loo Maraayo Dhabaha Dhameystiran ee Amniga (CAS): In dhammaan qaybaha silsiladda caddaaladda (Booliska, Xeer-ilaalinta, Garsoorka iyo Asluubta) inay si hufan ugu wadashaqeeyaan bixinta adeegyada aasaasiga ah ee sharciga ee dadweynaha, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka qabiilka iyo qaababka soo jireenka ah ee caddaaladda.

  • Bixinta adeegyada aasaasiga ah ee caddaaladda iyadoo loo marayo hab kor u socod ah: In la kordhiyo hirgelinta maxkamadaha guurguura, gargaarka sharciga iyo guddiyada xallinta khilaafaadka bulshada, gaar ahaan meelaha dhawaan la xureeyey, iyadoo xoogga la saarayo xaqiijinta ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee xallinta khilaafaadka.

  • Xooji Adeegga Asluubta: Taageeridda dhismaha iyo horumarinta xabsiyo bini’aadamka ku haboon ee caasimadaha maamul goboleedyada, diiwaangelinta saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo bixinta kaararka aqoonsiga biometric ah, oo ay weheliso hababka kormeerka. In Somaliland lagu soo bandhigo lagana hirgeliyo hababka damiin iyo dhaqan wanaag ku siidaynta maxaabiista aan waqtigooda dhameysan. Qiimaynta suurtogalnimada in la balaariyo Mashruuca Dhaqancelinta Cilmi-nafsiga ee loogu talagalay maxaabiista khatarta sare leh ee ku sugan Baydhabo lana gaarsiiyo xabsiyo kale lana eego sharciga xabsiga.

  • Maxaabiista Khatarta badan: in la siiwado u ololeynta u gudbinta maxaabiista khatarta badan sida alshabab iyo kooxaha la midka ah iyo kiisaska burcad-badeednimada in loo wareejiyo maxkamadaha madaniga ah.

  • Doorka iskudubaridka Barkulanka Adduunka: taageeridda in la aasaaso xarumaha dhaqan-galka sharciga CAS Strand 2C kooxo howleedka heer maamul goboleed kaasoo uu hagayo isudubaridka barkulanka adduunka oo mid ah iyo qaramada midoobey oo u taagan taageeridda dhaqan galka sharciga iyo in ay isku keento dhammaan hey’adaha ku lugta leh fullinta caddaaladda.