Taageerada isku dhafka ee doorashooyinka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa uu xafiiska UNSOM u xilsaaray inuu taageero doorashooyinka federaalka.

Qaraarkiisa 2592 ee 30-kii Agoosto 2021 kaasoo uu dib ugu xaqiijiyey Golaha Ammaanka 2632 26 Maajo 2022-kii. Golaha Ammaanka ayaa Qaramada Midoobey u xilsaaray inay “… sii wadidda taageeridda dadaallada lagu horumarinayo ujeeddada doorashada guud, iyadoo lala tashanayo DFS [Dowladda Federaalka Soomaaliya] iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka (FMS), iyagoo bixinaya xafiisyo wanaagsan, taageero farsamo iyo mid howl-fulineed, taasoo hadba ku xiran agabka la heli karo, lana siinayo hay’adaha maamulka doorashada ee dastuurku u igmaday si ay ugu qabtaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan oo qof iyo cod ah oo heer Federaal iyo heer degmaba leh, si loogu diyaar garoobo qabashada doorashooyinkan oo kale oo heer federaal ah 2025-ka, iyo taageerada xoojinta isku-dubbaridka taageerada caalamiga ah ee doorashada Soomaaliya.”

Taageerada Qaramada Midoobey ee hannaanka doorashada Soomaaliya waxaa fulisa Kooxda isku Dhafka ah ee Taageeridda Doorashada (IESG) – kuwaasoo ka kooban khubaro ka kala socota Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) iyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) – waxayna udub dhexaad u yihiin kaalmaynta doorashooyinka dalka ee la siinayo hay’aadka dastuuriga ah si ay u qabtaan doorashooyin guud.

Soo koobid

IESG waxay si dhow ula shaqaysay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) tan iyo markii la aasaasay bishii Luulyo 2015-kii, iyadoo bixisa talo farsamo, kobcin kartiyeed, xafiisyada iyo qalabka. Taageerada ay ka helayso deeq-bixiyeyaasha, UNDP, UNSOM iyo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Qaramada Midoobey, IESG waxa ay NIEC ka taageertay dhismaha xarun xogeed, bakhaar iyo goob xafiis oo laga dhisayo xarunta guddiga ee Muqdisho. IESG waxa ay sidoo kale gacan ka gaysatey samaynta xafiisyada NIEC ee heer Maamul-goboleed sida Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmadug, Hirshabeelle, iyo Puntland.

Taageerada Qaramada Midoobey ee hannaanka doorashada dadban ee 2020-2022

  • Waxaa diiradda lagu saaray bixinta taageero farsamo, maaliyadeed iyo mid saad oo la siiyo abaabulka iyo socodsiinta hannaanka doorashada dadban;
  • Iskudubaridka taageerada saaxiibada caalamiga ah ee geeddi-socodka doorashada; iyo
  • Bixinta taageero farsamo ee u doodista qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee Baarlamanka Federaalka.

Mudnaanta ugu wayn ee doorashooyinka soo socda ee federaalka ahi waa in dib u eegis lagu sameeyo qaab-dhismeedka sharciga doorashada si loo xaqiijiyo sharci doorasho oo la hirgelin karo iyo sharciga xisbiyo siyaasadeed oo sare u qaadaya kalsoonida iyo iskaashiga si loo gaaro yoolka guud ee xaqiijinta in si nabad ah loo hirgeliyo hannaan doorasho oo hufan ama daah-furan isla xisaabtanna leh, Qaramada Midoobayna waxay taageeri doontaa nidaamkii waafaqsan qaab-dhismeedkii lagu heshiiyey taasoo ay ku jirto kor u qaadista ka qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo dhallinyarada iyo kooxaha aan la metelin.

IESG waxay maaraysay saddex mashruuc oo kale intii u dhaxaysey 2019-2022 kuwaas oo taageeray Mashruuca Doorashooyinka Wadajirka ah:

  • Taageerada hab-howleedyada looga hortagayo laguna maareeyo isku dhaca inta lagu jiro doorashooyinka (Amniga) ee uu maalgeliyo Sanduuqa Nabadaynta.
  • Taageerada Hab-howleedyada Xallinta Khilaafaadka Doorashada (EDRM) oo uu sidoo kale maalgeliyo Sanduuqa Dhismaha Nabadda.
  • Taageerada Dhismaha Xarunta Sugidda iyo Maaraynta Hantida Doorashada  ee NIEC oo ay maalgeliso Dowladda Japan.

IESG waxay sii wadi doontaa bixinta taageero Kay'adaha Maaraynta Doorashooyinka heer qaran iyo kuwa ka hooseeya ee heer gobol (EMBS) si ay u qabtaan doorashooyin toos ah.

Taageero Farsamo oo loogu talagalay Hay'adaha Maaraynta Doorashooyinka Heer Gobol

Sharciyadda Golaha Ammaanka ee 2592 (2021) wuxuu ballaariyey doorka Qaramada Midoobey si ay taageero u siiso Maamul-goboleedyada iyo heer degmo si ay u qabtaan doorashooyin guud oo loogu diyaargaroobayo qabashada doorashooyinkan oo kale oo heer federaal ah.

Tani waxay u sahlaysaa IESG inay la xaasho Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland (TPEC) iyadoo siinaysa taageero farsamo oo ku saabsan u diyaar garowga doorashada golaha degaanka ee Puntland iyo inay la xiriirto hay'adaha kale ee Qaramada Midoobey ee taageera, kuwaasoo ay ku jiraan UNOPS iyo Barnaamijka Wadajirka ah ee Dowladaha Hoose. IESG waxa kale oo ay eegaysaa in ay agab dheeraad ah siiyaan TPEC iyada oo loo marayo Mashruuca Taageerada Doorashada Wadajirka ah ee ay maalgeliyaan deeq-bixiyayaashu. Taageerada Maamullada waxaa lagu higsanayaa asaaska guddiyo maareeya doorashooyinka (EMBs) si loo abaabulo doorashooyin guud oo heer degmo iyo heer Maamul-goboleed ah iyo in la xoojiyo isku-dubbaridka Guddiga Maaraynta Doorashooyina heer qaran iyo heerka ka hooseeyaba.

Guulaha

  • Karti dhisidda, horumarinta hay'adeed iyo asaaska kaabayaasha si ay NEC ugu qalabaysnaato oo diyaar ugu noqoto in la sameeyo doorashooyin la isku halleyn karo oo loo wada dhan yahay
  • Taageeridda hay'adaha DF Soomaaliya ee ku howllan awoodsiinta horumarinta Qaab-dhismeedka Sharciga
  • Taageeridda geedi socodka doorashada aan tooska ahayn ee 2020-22 taasoo diiradda saaraysa bixinta taageero farsamo, dhisidda kartida, taageerada howleed iyo abaabulka ururinta agabka ama tas-hiilaadka.
  • Taageeridda amniga doorashada ayaa ugu horreeynba diiradda saaraysa qorshaynta howleed iyo taageerada isuduwidda.
  • Taageero farsamo oo loo siiyo TPEC dhanka u diyaar garowga doorashada golaha degaanka ee Puntland.
  • Taageero uu Howlgalka QM uu xafiisyo wanaagsan ku siinayo iyo iskudubaridka kaalmada farsamo ee caalamiga ah.

Dukumentiyada iyo daabacaada: