Booliiska UNSOM

Hordhac:

Qaybta Booliska UNSOM waa qayb ka mid ah Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay'adaha Amniga (ROLSIG) ee ka tirsan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Waajibaadkeenna udub-dhexaadka ah waa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ka taageerno xoojinta talinta sharciga iyo dhismaha adeegga booliska federaalka oo karti iyo isla-xisaabtan leh, oo xuquuq ku saleysan. Waxaan sidaa ku gaari karnaa annaga oo bixinayna talo siyaasadeed oo istiraatiijig ah, fududeynta dadaallada wada-shaqeynta, iyo kobcinta hay'adaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Qaab-dhismeedka:

Booliska UNSOM waa koox ka kooban la-taliyeyaal boolis ah oo waayo-aragnimo leh oo ka hawlgala guud ahaan Soomaaliya. Waxaan wada-shaqeyn dhow la leenahay dhiggeenna ee ciidanka booliska Soomaaliyeed oo heer istiraatiijig ah, min federaal ilaa dowlad-goboleed. Kooxdeenu waxaa ay ka kooban tahay Taliye Boolis, La-taliyaha Sare ee Booliska QM, Isuduwaha Sare ee Booliska, Sarkaalka Qorsheynta Hawlaha Booliska, iyo shan-iyo-taban Sarkaal oo Boolis ah (IPOs). Saraakiishan booliska ah (IPOs) ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, oo ka tarjumaysa sida ay nooga go'an tahay iskaashiga caalamiga ah ee taageeridda dib-u-habeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed.  Hadda, laba-iyo-toban sarkaal oo boolis ah oo ka kala socda dowladaha xubnaha ka ah QM (oo ay ka mid yihiin dalalka Baraasiil, Jarmalka, Indoniisiya, Gaana, Kenya, Nepal, Sweden, Tayland, iyo Zimbabwe) ayaa ka hawlgalla ciidanka Booliska UNSOM.

Meelaha aan diiradda saarno:

1) Taageeridda Nidaamka Booliska Federaalka: Booliska UNSOM wuxuu door muhiim ah ka qaataa taageeridda hirgelinta heshiiska Qaabka Cusub ee Booliska ee 2016, kaas oo dhowaan dib loogugu noqday Nakhshadda Amniga Qaranka ee 2023/2023 National Security Architecture (NSArch), oo ah mid dhidibada u aasaya qaab-dhismeedka booliska federaalka, ee yeelanaya hay'ado boolis oo Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed ah. Nidaamkan wuxuu abuurayaa qaab lagu heli karo adeeg boolis mideysan, waxtar leh oo ay yeelanayaan dhammaan heerarka dowladnimada Soomaaliya. Wax-ku-biirristeenna waxaa diiradda lagu saarayaa:

  • Iskaashi iyo Iskuduwid: Waxaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada si dhow ugala shaqeynaa sidii loo xaqiijin lahaa horumar joogto ah in laga gaaro horumarinta awoodaha booliska. Qaabkan iskaashiga wuxuu ku lug leeyahay bixinta taageero farsamo, dhisidda kartida hay'adeed, iyo fududeynta wadahadalka u dhaxeeya daneeyayaasha heerarka kala duwan.
  • Awoodsiinta Guddiyada Farsamo: La-taliyayaasha Booliska UNSOM waxay taageeraan wadahadallada lala yeesho Guddiyada Farsamo ee ka dhisan Dowlad-goboleed kasta. Guddiyadan, oo ka kooban wakiilo ka socda wasaaradda ay khuseyso, Taliska Booliska Dowlad-goboleedka, iyo daneeyayaal kale, aqoonsashada mudnaanaha degaanka, baahiyada, iyo istiraatiijiyadaha lagu xaqiijinayo bixinta adeeg boolis oo wanaagsan oo ku habboon xaaladahooda gaarka ah.
  • Kobcinta Horumarinta Hay'adaha: La-taliyayaasha Booliska UNSOM waxay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Taliyayaasha Booliska kala shaqeeyaan xoojinta hay'adaha booliska ee heer federaalka iyo heer dowlad-goboleed. Kobcintan waxaa ka mid at taageeridda diyaarinta siyaasadaha aasaasiga ah, istiraatiijiyadaha, qaababka guud, iyo tilmaamaha haga hab-dhaqannada booliska ee taabogalka ah ee waafaqsan jaangooyooyinka caalamiga ah.

2) Taageeridda Horumarinta Qaabka Guud ee Sharciga: Booliska UNSOM wuxuu door muhiim ah ka qaataa taageeridda horumarinta qaabka guud ee sharciga oo adag oo loogu talagalay hawlaha booliska Soomaaliya oo wax-ku-ool ah. Waxaannu talo farsamo iyo mid taageeraba siinaa dhiggeenna Soomaaliyeed inta lagu guda jiro hannaanka sharci qorista. Kuwani waxaa ka mid ah:

  • Horumarinta Xeerarka Booliska: Waxaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada kala shaqeynaa dib-u-eegista iyo cusboonaysiinta Xeerarka Booliska, si loo xaqiijiyo in ay la jaanqaadaan jaangooyooyinka caalamiga ah iyo habka xilgudashada ugu wanaagsan.
  • Isuduwidda Shuruucda Qaybta Amniga: Booliska UNSOM wuxuu si dhow ugala shaqeeyaa xafiisyada kale ee QM ee Soomaaliya sidii loo bixin lahaa aragtiyo ama talooyin la isla waafaqsan yahay oo loogu talagalay qaybaha kale ee shuruucda guud ahaan qaybta amniga.

3) Dhisidda Kartida Booliska: Booliska UNSOM wuxuu si iskaashi leh ugala shaqeeyaa dhiggiisa Soomaaliyeed sii wanaajinta xirfadaha iyo aqoonta saraakiisha booliska ee guud ahaan Soomaaliya. Waxaannu tani ku gaarnaa:

  • Taageeridda Horumarinta Siyaasadda: Iyadoo loo marayo Guddiga Horumarinta Xirfadda Booliska (PPDB), ayaa waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka caawinaa aqoonsashada, nakh-shadeynta, iyo qorista siyaasadaha muhiimka ah ee la xiriirra tababarka iyo karti-dhisidda. Qaabkan iskaashiga ku dhisan ayaa wuxuu xaqiijinayaa barnaamijyo tababar oo waafaqsan mudnaanaha qaranka iyo habka caalamiga ah ee xilgudashada ugu wanaagsan. Sheekada guusha ee dhowaan waa taageeridda Istiraatiijiyadda Tababarka Soomaaliya iyo qorshaha hirgelinta iyadoo loo marayo guddiga PPDB bishii Febraayo 2024.
  • Bixinta Kaalmo Farsamo: La-taliyeyaasha Booliska UNSOM waxay bixiyaan khubarro farsamo iyo kheyraadyo lagu taageerayo dadaallada tababar ee ay bixiyaan hay'adaha booliska Soomaaliyeed.

4) Kor-u-qaadista Xuquuqda Aadanaha iyo Dhexgelinta Arrimaha Jinsiga: Booliska UNSOM waxaa ka go'an in uu Booliska Soomaaliyeed ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba ka taageero ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo kor-u-qaadista sinnaanta jinsiga.  Dadaaladeenna waxay diiradda saarayaan:

  • Kor-u-qaadista Hab-dhaqannada Xuquuqda Aadanaha: Waxaan booliska Soomaaliyeed kala shaqeynaa diyaarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadaha booliska ee ku saleysan xuquuqda aadanaha. Waxaa ka mid ah qabashada aqoon-isweydaarsiyo ku saabsan mabaadii'da xuquuqda aadanaha iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiga ku saleysan jinsiga iyo galmada (SGBV).
  • Dhiirrigelinta Haweenka Booliska ah: Waxaan u qareemaynaa in la kordhiyo tirada haweenka ka tirsan ciidanka booliska, annagoo aqoonsan doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan abuurista adeeg boolis wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay. Waxaan taageernaa dadaallada haweenka ku dhiirrigeliya in ay ku biirran ciidanka booliska iyo abuurista jawi soo dhaweyn badan leh oo loogu talagalay saraakiisha haweenka ah.

Isuduwidda Caalamiga ah iyo Deeq-bixiyayaasha

Booliska UNSOM waxaa ka go'an dhiirrigelinta jawiga iskaashi ku dhisan oo loogu talagalay dib-u-habeynta booliska Soomaaliyeed iyagoo si dhow ula shaqeynaya saaxiibo caalami ah iyo deeq-bixiyaal kala duwan. Iskaashiyadan waxay muhiim u yihiin ka faa'iideysiga khibradda, kheyraadka, hab-dhaqannada ugu wanaagsan si loo taageero horumarinta adeegga booliska Soomaaliyeed oo wax-ku-ool ah awoodna leh.

Iskaashiyada muhiimka ah:

  • Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska Wajigiisa II (JPP II): Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska Wajigiisa II (JPP II) waxaa maalgeliya deeq-bixiyayaal caalami ah (Midowga Yurub, Ingiriiska, Jarmalka) waxaanna hirgeliya hay'adda UNDP, Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska Wajigiisa II (JPP II) waa dadaal muhiim ah oo lagu taageerayo horumarinta booliska Soomaaliyeed. Iyadoo lagu saleynayo guulaha barnaamijka JPP ee wajigiisa I ee dhismaha kaabayaasha, qorista ciidanka booliska, iyo bixinta qalabka aan wax dilin, barnaamijka JPP wajigiisa II ayaa wuxuu hadda diiradda saarayaa xoojinta hay'adaha booliska ee dhammaan heerarka kala duwan iyadoo la adeegsanayo dadaallada karti-dhisidda iyo siyaasadda. Sidoo kale, barnaamijka JPP II wuxuu mudnaan siinayaa kor-u-qaadista sinnaanta jinsiga ee ciidanka booliska gudahiisa ah iyo kobcinta hab-dhaqannada hawlaha booliska bulshada oo iskaashiga ku dhisan. Booliska UNSOM wuxuu si firfircoon u taageeraa hirgelinta barnaamijka JPP II isaga oo talo farsamo iyo mid isuduwid siinaya dhiggiisa Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo guddiyada farsamo ee heerarka kala duwan.
  • Isuduwidda Booliska: Booliska UNSOM wuxuu si firfircoon ula shaqeyaa saaxiibada kale ee muhiimka ah si uu u sii wanaajiyo guud ahaan isuduwidda iyo taabogalnimada taageeridda dib-u-habeynta booliska Soomaaliyeed. Saaxiibadan waxaa ka mid ah Hawlgalka Karti-dhisidda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia), Hawlgalka Midowga Afrika, ATMIS, iyo hay'adaha QM sida UNDP, UNOPS, iyo OCHA. Iyadoo la iskaashanayo, ayaa waxaan xaqiijinaynaa qaab ballaaran oo mideysan oo loo wajahayo dib-u-habeynta qaybta amniga ee Soomaaliya.

Wargeysyo iyo Daabacaad:

Booliska UNSOM wuxuu daabacaa wargeysyo joogto ah iyo warbixinno muddo-kadiba mar la soosaaro oo muujinaya hawlaheenna iyo guulaha aan ka gaarnay taageeridda dib-u-habyenta booliska Soomaaliyeed. Waxaad halka hoose ka eegi kartaa soo-saariddii hore:

  1. Wargeysa Booliiska UNSOM-Maarso 2024
  2. Wargeyska Booliiska UNSOM-Diseembar  2023
  3. Wargeysa Booliiska UNSOM-Sebteembar 2023
  4. Wargeyska Booliiska UNSOM-Juun 2023
  5. Wargeyska Booliiska UNSOM-Maarso 2023
  6. Wargeyska Booliska UNSOM-Diseembar 2022
  7. Wargeyska Booliska UNSOM-Oktoobar 2022

Wargeysyada Hanaanka Cusub ee Booliiseynta (2017 - 2020)

Shaqooyinka:

Ma tahay sarkaal boolis waayo-aragnimo oo xiiseynaya in uu wax-ku-biirriyo dib-u-habeynta booliska ee Soomaaliya?   Booliska QM ayaa si joogto ah u soo xayaysiiya jagooyin ka bannaan ee xilalka la-taliye boolis. Saraakiisha booliska ee hadda shaqeynaya waxay macluumaad badan iyo jagooyinka hadda bannaan ka heli karaan mareegtada Booliska QM.

https://police.un.org/en/vacancies

Nala soo Xiriir

Waxaan soo dhaweynaynaa su'aalahaaga iyo wada-shaqeyntaada. Fadlan nala soo xiriir adiga oo isticmaalaya macluumaadka hoos ku xusan:

Ralf Schroeder
Taliyaha Booliska UNSOM
Email: unsom-police@un.org