Awood Siinta Dhallinyarada

Qooraansi

8 ka mid ah tobankii Soomaali ihi waxay ka yar yihiin 35 sanadood, taasoo ka dhigan inay dadka ka yihiin 70% marka la eego dadka Soomaaliyeed. Dhallinyarada Soomaaliyeed rag iyo haweenba waxay door muhim ah ka ciyaaraan nabad dhisidda dalkooda balse waxaa badiyaa laga saaraa inay helaan fursado ama sameeyaan qaybgal micne leh. 

Wajahaad isku xiran:

Taageerada ka qaybgal micne leh oo ay sameeyaan dhallinyaradu marka ay timaado dedaallada dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka, nabad dhisidda iyo doorashooyinku, waxay udub dhexaad u yihiin sharciyadda UNSOM, iyo sidoo kale qaraarrada Golaha Amaanka ee QM ee 2250, 2419 iyo 2535 ee ku saabsan dhallinyarada, nabadda iyo amaanka. Xafiiska QM ee Somalia, iyadoo raacaysa istaraatijiyadda uga degsan dhanka dhallinyaradu waxay dedaallo midaysan ku wajahayaan dhallinyarada marka la eego dhamaanba siyaasadda iyo barnaamijyada jira. 

Iyada oo istaraatijiyaddaa la raacayo, dhamaanba xubnaha qoyska QM waxay door ka ciyaaraan kordhinta doorka dhallinyarada iyadoo la raacayo 6 moowdiic:

  1. Shaqaalaynta iyo howl-abuurka
  2. Ilaalinta Xuquuqaha iyo howlaha Madaniga ah
  3. Ka qaybgalka Siyaasadda
  4. Waxbarashada iyo Horumarinya Xirfadaha
  5. Caafimaadka
  6. Nabad Dhisidda

Iyadoo la marayo howlaha hay’adaha ka dhexeeya, UNSOM waxay samaynaysaa barnaamij dhallinyaro oo isku xiran oo ka hirgala Somalia, iyadoo fududaynaysa lafa-gur xaaladeed iyo mid ku aaddan dhibaatada jirta; iyadoo DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada siinaysa talooyin farsamo oo ku aaddan siyaasado ku fooggan arrimaha taabanaya dhallinyarada iyo ka qaybgalkooda siyaasadda; iyadoo la taageerayo barnaamijyada u danaynaya dhallinyarada ama ururrada bulshada rayidka ee ay iyagu hoggaaminayaan. Si hubaal looga dhigo inay dhallinyaradu si joogto ah uga qayb noqdaan howlaha ay QM ka waddo Somalia, waxayna QM gaar ahaan xafiiska UNSOM uu magacaabay Guddiga ka Tala Bixiya Arrimaha Da’yarta.

Horay u Socosho:

Iyada oo la hubinayo in xuquuqaha dhallinyarada iyo baahiyaha ay qabaani ay asaasi u noqdaan dedaallada QM, UNSOM waxay doonaysaa inay saamaynta ugu badan ku yeelato sidii boos loogu yeeli lahaa agabka daruuriga ahna loogu abuuri lahaa dhallinayarad si ay door togan iyo talo wax ku ool ah ay ugu yeelan lahaayeen nabad kusoo dabaalidda iyo baraaraha dhaqan-dhaqaale ee Somalia.