Soo Kabashada Bulshada Iyo Fidinta Awoodda Dowladda Iyo Isla Xisaabtanka (CRESTA/A) /A

Qooraansi:

UNSOM, iyadoo la marayo barnaamijka Soo Kabashada Bulshada iyo Fidinta Awoodda Dowladda iyo Isla Xisaabtanka (CRESTA/A) gaar ahaan kooxda xasilinta oo DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ka taageerta hirgelinta Qorshaha Xasilinta Qaranku waxay howshoodu ku qotontaa afar meelood: 

  • Soo kabashada bulshada, 
  • Wadajirka bulshada
  • Maamulidda maxalliga, iyo
  • Kala dambaynta 

Xuddunta howsha kooxda CRESTA/A waa taageeridda hirgelinta Qorshaha Xasilinta Qaranka si loo dhiso kalsoonida qaab-dhismeedka dowladda iyo in la wanaajiyo nolosho bulshooyinka Soomaalida iyadoo la hormarinayo amaanka insaanka iyadoo wax lagu salaynayo barnaamijyada xasilinta. 

CRESTA/A oo loo kaashanayo taageerada saaxiibbada xasilinta ee taageera dedaallada ay Dowladdu hoggaamiso ee madaniga ah ee hoos taga hoggaaminta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta (MoIFAR), oo la shaqaynaysa wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jubaland, KG, Galmudug iyo Hirshabelle, iyo ilaa xad ka yar Maamulka Gobolka Banaadir. Wasaaradaha Gobollada mid kasta oo ka mid ihi waxay dejisey qorshe ay ku hirgelinayso mabaadii’dan. Ujeedadu waa in si wadareed meesha looga saaro waxyaabaha khilaafka keenaya ee ay ka faa’iidaystaan kooxaha xun, gaar ahaan Al-Shabaab, laguna bedelo qaab dhismeedyo loo dhan yahay, xisaabtan ku dhisan isla markaana dimoqraadi ah.  Tusaale, horumarinta dedaallo wax ku ool ah oo dib u heshiisiineed iyo qaab-dhismeedyo dowladeed waxay muhim u yihiin hubinta in khilaafaadka maxalliga ah, adeeg bixinta iyo howlaha kale ee Dowladeed loo maareeyo qaab taageeraya dowlad dhisid ballaaran iyo yoolal nabad dhisid ah oo wax ka taraya baahida dadwaynaha.

Howsha xasilinta ee CRESTA/A waa mid ku xiran xayndaabyada jira: Taxa hindisaha Wajahaadda Wax ku Oolka ah ee Amaanka (CAS), Qorshaha kala guurka ah iyo Xayndaabka Xisaabtanka loo Dhan yahay.  Istaraatijiyadda Xasilintu waa mid aqoonsan in fidinta awoodda dowladdu ay ku salaysan tahay dhismayaal ay ka mid yihiin, joogis, mug iyo sharciyadda hay’aadka dowladda Soomaalida. Si loo xoojiyo kalsoonida Dowladda, waxaa socon doona dedaallo lagu taageerayo ballaarinta inay dowladda gaarto geyiga oo idil halkaaasoo ay Gobolka iyo Degmadu ay u taagan yihiin gudbinta xeerka iyo kala dambaynta iyo bixinta adeegyada la xiriira taasoo keenaysa sharciyad iyo xisaabtan marka dhanka dadka laga eego.  Dedaalladani waxay bixinayaan miisaan muhim ah marka la eego amaanka, nabadda iyo horumarinta oo ah arrimo is barkan oo ku xiran howsha, mugga hay’adeed iyo taageerada waxyaabaha muhimka u ah Qorshaha kala Guurka ee Dowladda. 

Wajahaadda Xasilinta:

Istaraatijiyadda Xasilinta Qaran waxaa lagu dhisay qaab lagu caawinayo in dadka uu ka dhexeeyo barnaamijka xasilintu ay ka wada hadlaan meelaha ay dano ka wadaagaan iyo xiriirka ka dhexeeya howlaha ay qabanayaan, siyaasadda, istaraatijiyadda, tusaale, is waafajinta siyaasadda bulshada iyo horumarinta mashaariicda kabashada bulshada. Si sidaa loo yeelo, kooxdu waxay la shaqaynaysaa jaalal kala duwan oo Soomaali iyo beesha caalamka ka kooban: waxaa ugu wayn Wasaaradda Gudaha (MoIFAR) iyo wasaaradaha u dhigma ee Maamullada, AMISOM, ururrada QM iyo barnaamijyada wadajirka ah ee booliiska, cadaaladda, iyo maamulka, xafiiska siyaasadda UNSOM, iyo hindisayaasha deeq bixiyeyaasha iyo barnaamijyada. 

Kooxda xasilinta ee CRESTA/A waxay howshoodu diiradda saaraysaa laba meelood: 

Isku xirka 

CRESTA/A waxay taageertaa Wasaarad Gudeedka (MoIFAR), iyadoo ah guddoonka Xasilinta CAS, maadaama ay hoggaaminayso siyaasadda sare ee soo kabashada iyo ololaynta lagu hareer wadayo Qorshaha Xasilinta Qaran. Taa waxaa ka mid ah taageerada Wasaarad Gudeedka (MoIFAR) ee lagu taageerayo xasilinta wax ku oolka ah ee CAS iyo dedaallada howled ee Qorshaha kala Guurka ah iyo sidoo kale isku xirka iyo hirgelinta howlaha wasaaradda gudaha Maamul-goboleedyada.  Kulanka isu duwiddu wuxuu madal siinayaa DF iyo Maamul-goboleedyada iyo saaxiibbada kale ee maxalli iyo caalamiba ka kooban si ay wada hadallo istaraatiji ah uga yeeshaan mawaadiicda iyo muhiimadaha juqraafi. Waxay kooxdu sidoo kale si dhow u xiriirinaysaa Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM si ay u mideeyaan dedaallada xasilinta ee howlaha amaanka si ay u adkeeyaan una joogteeyaan guulaha laga gaarey hirgelinta Qorshaha Kala Guurka Qaran.

Falanqayn 

Kooxdu waxay taageeraysaa Wasaarad Gudeedka (MoIFAR) iyo dhiggeeda gobollada iyadoo siinaysa caddaymo lafa-gur laba qaybood ah ku dhisan oo lala diyaariyey Wasaarad Gudeedka DF si loo garto farqiga, loogu wargeliyo siyaasadda iyo go’aamada barnaamij, iyo samaynta kala hormarin iyo isku xijinta howlaha barnaamijyada jaalalka kala geddisan: 

  • Heerka Debacsanaanta iyo Moodalka Bisaylka (FIMM) 
  • Agabka Xasilinta ee 4W 

FIMM waxay lafa-gur iyo meel ay ku shaqayso siinaysaa xaaladaha iyo horumarka laga sameeyey 32-degmo oo ku yaalla Jubaland, KG, Galmudug iyo Hirshabelle, iyo Gobolka Banaadir iyadoo la eegayo maamulka maxalliga ah, dib u heshiisiinta bulshada, amaanka, xeerka iyo kala dambaynta, iyo xaaladaha soo kabashada bulsho.  Waxay sidoo kale bixinaysaa qaab ballaaran oo lagula socdo Istaraatijiyadaha Xasilinta. Agabka 4W wuxuu bixinayaa sawir falanqaysan oo iftiiminaya cidda wax qabanaysa iyo halka wax laga qabanayo marka la eego barnaamijka xasilinta si loo caawiyo Dowadda iyo jaalasha kula jira howsha xasilinta oo markaa isla garanaya meelaha iskaashiga u baahan, si ay uga dheeraadaan inay mar labaad ku celiyaan howl ay soo qabteen isla markaana ay isla fahmaan meelaha ay wax ka dhiman yihiin iyo goobta ay tahay juqraafi ahaan. 

Iftiiminta iyo jaalalnimada 

Kooxda MoIFAR iyo CRESTA/A waxay diiradda saareen dumitaanka tas-hiilaad la iskugu keenayo sidii loo kordhin lahaa dhowr jaal oo isla wada barnaamijka xasilinta kuwaasoo taageeraya Istaraatjiyadda Xasilinta Qaranka iyo in la hubiyo miisaanka u dhexeeya barnaamijyada xasilinta iyo kuwa ku saabsan dhanka amaanka. Dedaalladani waxay diiradda saareen taageerada Heshiiska Amaanka/ Wajahaadda Wax ku Oolka ah ee Amaanka ee CAS iyadoo kaalmo maaliyadeed laga helayo barnaamijyada UK ERI oo ay ku jiraan: 

  • Horumarinta Istaraajiyiyadda Xasilinta Qaran oo la cusboonaysiiyey taasoo la raacinayo horumarinta barnaamijyada xasilinta ee Jubaland, KG, Hirshabelle and Galmudug iyo Maamulka Banaadir 
  • Xiriirin iyo falanqayn ku saabsab howlaha xasilinta oo lagu laray howlgallada Qorshaha kala Guurka, tusaale, taageerada meelaha dhowaan la xoreeyey ee gobolka Shabeellaha Hoose

Hirgelinta Istaraatijiyadda Xasilinta Qaran iyo Qorshaha kala Guurka waxaa lagu korinayaa horumarinta iskaashiyo istaraatiji ah oo ay ku jiraan saamileeyda muhimka ah ee xasilinta sida USAID TIS +, EU-IOM, UK ERI, Norway iyo qaar kale. Dedaalladani waxay diiradda saarayaan hirgelinta howlaha xasilinta ee bulshada lala wado, iyo sidoo kale taageerada horumarinta mugga hay’adeed ee Wasaarad Gudeedka (MoIFAR) iyo Wasaaradaha u dhigma ee gobollada. 

Horay u socod:

Si loo sii wado taageerada Dowladda iyo saamileeyda xasilinta diirraddu waxay fuuli doontaa meelahan soo socda:  

  • Taageerada hoggaanka madaniga ah ee Soomaalida, lahaanshiyaha iyo la socodka dedaallada isu duwidda, oo ay ku jiraan hirgelinta Qorshe Xasilineed oo Qaran iyo kuwa u dhigma ee gobolladda; 
  • In la qaato casharrada laga bartay, tusaale, xoojinta xiriirka ka dhexeeya dib u heshiisiinta bulshada oo lagu dabbaqay xeerka iyo kala dambaynta, soo kabashada bulshada iyo maamulka maxalliga ah, iyadoo aan la xooraynin wixii laga qabtay kala guurka dhanka amaanka ah; 
  • Horumarinta ballaarinta barnaamijyada xasilinta ee ay iintu ka jirto, kuwaasoo ay ku jirto Qorshaha kala Guurka ah, si hubaal looga dhigo taageero miisaaman kuna habboon meelaha dhowaan laga xoreeyey Al-Shabaab iyo meelaha kale ee dayacan ama aan la hormarin. 

Guud ahaan, waxaa diiradda la saari doonaa in wax laga qabto waxyaabaha keenaya baylaha iyo kuwa khilaafka wada iyadoo la taageerayo dedaallada nabad iyo dowlad dhisidda ee daruuriga u ah dowlad federal ah oo shaqaynaysa oo ka hana qaadda dalka Somalia.