Dib-u-habaynta Waaxda Difaaca

Dib-u-habaynta Waaxda Difaaca

Dib-u-habeynta Waaxda Difaaca (DSR) waa qayb ka mid ah Kooxda Sarreynta Sharciga iyo Kooxda Hay'adaha Amniga ee UNSOM (ROLSIG). Qeybtani waxay ka kooban tahay lataliye sare oo dhanka militariga ah (SMA), Madaxa Agaasinka (COS) iyo ku xigeenka xafiiska shaqaalaha (DCOS), oo ay wehliyaan Sarkaalka Isku-Xirka Ciidanka Qaranka (SNA) iyo 7 Lataliye Ciidan.

Hawlaha asaasiga ah ee DSR waaxa weeye:

  • Waxa ay siineysaa talo siyaasadeed oo istiraatiiji ah hoggaanka UNSOM; Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS), Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (FMS) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee ku aaddan dib-u-habeynta waaxda difaaca iyo saameynta go'aannada milatari ay ku leeyihiin jawiga siyaasadeed, iyo iyada oo dhinaca kale laga eegayo.
  • Gacan ka geysashada isku dubaridka kaalmada militari ee caalamiga ah ee Soomaaliya iyo bixinta khibrad milatari oo ku wajahan hirgelinta Dhismaha Amniga Qaranka iyo Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.
  • Waxa ay ku matashaa  Qaramada Midoobay iyada oo ah isku xire shaqada ay qabato CAS Strand 2A (oo ku saabsan dhisida awooda SNA) iyo isku duba ridka taageerada caalamiga ah ee dhaq dhaqaaqan.