Hay'adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS)

Raadka

Soomaaliya gudaheeda, UNMAS waxaa ay hubisaa in ay helaan bedqab iyo amni ka wanaagsan sida hadda taas oo ay sabab u tahay kororka awoodda ay madaxda qaranka Soomaliyeed iyo ciidamada amnigu u leeyihiin dhimista halista kaga imaaneysa walxaha qarxa, oo ay ka mid yihiin qaraxyada macmalka ah.

Tan iyo sanadkii 2009, UNMAS Somalia waxaa ay taageereysey Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo hadda ah Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyada oo tababarro ku jaango’an baahida oo la xiriira khafiifinta halista qaraxyada iyo bixinta siminaarro la siiyo ciidamada ka hor inta aan dalka la keenin iyo ka dib marka ay shaqada dhammeystaan. Muddadii u dhaxaysey Maarso ilaa Abriil 2024, UNMAS Somalia waxaa ay bixisay kooxo eeyo adeegsada si kor loogu qaado bedqabka iyo amniga dhismayaasha istiraatiijiga ah ee QM iyo Dowladda. Si ay gacan u siiso dadaallada xasilinta, ayaa UNMAS Somalia waxaa ay soo ogaatey ayna miino-saartey 18 degaan oo ay ku jireen walxo qarxa. Intaa waxaa dheer, UNMAS Somalia waxaa ay gacan ka geysatey tababar la siiyey in ka badan 1,200 askari waxaana ay fududeysey socdaalka in ka badan 50 kolonyo ATMIS ah, gaar ahaan kuwa marayey waddooyinka waaweyn ee ay marto sahayda taageerada hawgallada ATMIS. UNMAS Somalia waxaa ay adeegsataa Qalabka Warrama ee Barashada Halista (Risk Education Talking Devices), oo ah xal hal-abuur ku dhisan oo loo adeegsado war-gaarsiinta bulshooyinka ku dhaqan degaannada fogfog iyo kooxaha la fogeeyo. In ka badan 6,000 qof ayaa heley waxbarasho la xiriirta halista, waxaana ku dhowaad 66 boqolkiiba ka-faa’iideystayaashu ahaayeen carruur.

Ku Saabsan

Sanadihii la soo dhaafey, ayaa qaraxyada macmalka ah waxaa ay ahaayeen hubka ay ugu jecel yihiin kooxaha hubeysan in ay u adeegsadaan weerarrada ka dhanka ah Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF) iyo ATMIS. Haseyeeshee, inkasta oo SSF iyo ATMIS ay weli yihiin kuwa inta ugu badan lala beegsado qaraxyada macmalka ah, haddana halista ayaa u badan in ay raad ku yeelato dadka rayidka ah, oo noqdey ilaa 56 boqolkiiba dadka dhibaatada  ka soo gaartey walxaha qarxa bilihii Maarso-Abriil 2024. Intaa waxaa dheer, colaad hubeysan oo socotey tobanaan sano ayaa ka tagtey tiro walxaha qarxa ah, oo ay ka mid yihiin miinooyinka dhulka, qaraxyada haraadiga dagaalka, iyo baahidda hubka yaryar iyo hubka fudud. Waxaa ay labaduba halis mug leh ku hayaan dadka degaanka waxaana ay saameyn xun ku leeyihiin waxqabadyada nabad-dhisidda iyo qaran-dhisidda.

Iyada oo hawsha loo direy ay waafaqsan tahay Qaraarrada Golaha Amaanka ee (UNSCR) 2710 (2023) iyo UNSCR 2705, UNMAS Somalia waxaa xubin qayb ka ah oo aan ka go’in ay ka tahay Hawlgalka QM ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska QM ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), iyada oo bixineysa dadaallo lagu khafiifinayo halista Qaraxyada Macmalka ah oo muhiim u ah in si guul leh mas’uuliyadaha amniga looga soo wareejiyo ATMIS oo lagu wareejiyo SSF.

UNMAS Somalia waxaa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada taageero dhinacyada siyaasadda iyo farsamada ah ka siisaa yareynta halista walxaha qarxa, hubka iyo saanadda, iyo waajibaadyada ka dhasha Qodobka 5aad ee Heshiiska Mamnuucidda Miinooyinka si waafaqsan waajibaadka UMSOM. UNMAS Somalia waxaa ay sidoo kale maareysaa taageerada hawlgaleed ee khafiifinta halista waxyaabaha qarxa ee la siiyo ATMIS iyo SSF oo hoos timaadda waajibkaadka UNSOS, oo taageerta hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya oo sii wanaajisana xorriyadda isu-socodka iyo adkeysiga ATMIS iyo SSF, bedqabka iyo amniga hantida iyo shaqaalaha QM, dadka rayidka ah, iyo kaabayaasha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo waddooyinka muhiimka ah.

Waxqabadyada

1. Taageeridda Bedqabka iyo Amniga ATMIS iyo Shaqaalaha Hawgalka: Iyada oo waafaqsan Tallaabo-qaadka arrimaha mudnaanta u leh Nabad-Ilaalinta, ayaa UNMAS Somalia waxaa ay gacan ka geysataa khafiifinta halista qaraxyada macmalka ah iyada oo sii wanaajinaysa qaab waara oo loo asturo walxaha qarxa/explosive ordnance disposal (EOD) iyo kartida khafiifinta halista walxaha qarxa ee laga dhex helayo ATMIS. Hay’adda UNMAS Somalia waxaa ay taageero lagu khafiifinayo halista qaraxyada siisaa Dalalka Ku Tabaruca Ciidamada ATMIS iyada oo loo marayo koorsooyin tabar oo la siiyo ciidamada ka hor inta aan dalka la keenin iyo kuwo la siiyo inta ay dalka joogaan, korjoogteyn, adeegyo la-talin, iyo bixinta qalab khaas ah oo loogu talogaley in uu awood dad u siiyo ilaalinta iyo isu-socodka ciidamada.

2. Karti-dhisidda Ciidamada Amniga Soomaaliya: UNMAS Somalia waxaa ay kor u qaaddaa awoodaha qaran iyada oo loo marayo tababarid, korjoogteyn, iyo qalab ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. UNMAS Somalia waxaa ay khafiifinta halista Walxaha Qarxa iyo Qaraxyada Macmalka ah gacan uga geysataa si waafaqsan Qorshaha Kalaguurka ee Soomaaliya, oo ku baaqaya in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadaha amniga looga soo wareejiyo ATMIS oo looguna wareejiyo SSF.

3. Miino-sifeynta Qaranka: Iyada oo ay iskaashanayaan Hay’adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa, ayaa UNMAS Somalia waxaa ay gacan ka geysataa ilaalinta bulshooyinka ku dhaqan degaamada ay walxaha qarxa ku jiraan iyada oo waxqabadyo miino-sifeyn ah sida sahamo, miino-saaris, iyo baridda halista, sidaana waxaa ay dib ugu soo celisaa isticmaalka dhulka oo ayna awood dad u siisaa dib-u-bilaabidda hawlaha maciishad-raadsiga, shaqo-helista, iyo kororka helidda gargaarka bani’aadamnimada.

4. Maareynta iyo Keydinta Hubka iyo Saanadda: UNMAS Somalia waxaa ay DFS kala talisaa sida hubka iyo saanadda loogu maareeyo si waafaqsan waajibaadyada ka dhashey cunaqabateynta hubka ee qayb ahaan la qaadey. UNMAS Somalia waxaa ay fududeysaa in si taabogal ah loo maareeyo loona keydiyo hubka iyo saanadda si loo yareeyo halista qaraxyo ku dhaca ku-talogal la’aan iyo baahidda iyo leexsashada hubka yaryar iyo hubka fudud iyo saanaddooda.

Maaliyadsiinta

UNMAS Somalia waxaa ay maaliyad ka heshaa UNSOM, UNSOS iyo qaaraan ku dhisan heshiis laba geesood ah oo ay bixiso Dowladda Japan. UNMAS Somalia waxaa ay raadineysaa kheyraad dheeri ah si ay u sii wanaajiso ayna u joogteyso kartida ay hay’adaha amniga qaranka ee Soomaaliyeed u leeyihiin khafiifinta halista qaraxyada. 

Macluumaad dheeri ah kala soo xiriir:

Justin Smith
Madaxa Barnaamijka Miino-sifeynta/Chief Mine Action Programme
UNMAS Somalia, Somalia
Email: smith84@un.org

Takuto Kubo
Madaxa Barnaamijyada/Chief of Programmes
UNMAS Somalia, New York, United States
Email: kubo@un.org