Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga ee UNSOM – ROLSIG

Tiigsashada Soomaaliya Amni iyo Nabadi ay ka jiraan – Xoojinta Talinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga.

Waajibaadka:

UNSOM waxaa uu waajibkeedu yahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada ku taageerto dadaallada ay ku xaqiijinayaan nabadda iyo xasiloonida. Iyada oo ay hagayaan yoolalka siyaasadeed ee UNSOM ayaa kooxda ROLSIG waxaa ay gacan ka geysataa hawshan iyada oo:

  • Xoojineysa talinta sharciga iyo hay’ado amni oo taabogal ah oo loolana xisaabtamo si ku dhisan Qorshaha Horumarinta Amniga Qaranka oo waafaqsan jaangooyooyinka caalamiga ah.
  • Dhiirrigelineysa isuduwid iyo iskaashi ay yeeshaan hawl-wadeennada amniga Soomaaliyeed dhexdooda iyo mid ay la yeeshaan bahwadaagta caalamiga ah.

Dib-u-habeynta Amniga:

Kooxda ROLSIG ee UNSOM waxaa ay si firfircoon u taageertaa dib-u-habeynta waaxaha Soomaaliya u qaabilsan amniga, difaaca, garsoorka iyo asluubta. Waxaan si dhow ula shaqeynaa madaxda si aan gacan uga geysanno hirgelinta siyaasado loo dhan yahay, shuruuc guud iyo qorsheyaal istiraatiijiyadeed oo lagu xoojinayo kartida hay’adaha, taas oo u gogol xaareysa helidda waax amni oo waxtar leh oo lala xisaabtamo oo u wada adeegta dhammaan Soomaalida.

Hawsheenna:

Taageeridda talinta sharciga iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya ayaa ah muhiimad mudnaan weyn leh oo qayb ka ah hawsha Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM). Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga (ROLSIG) waxaa ay hawsheedu u qaybsan tahay lix arrimood oo kala duwan laga soo bilaabo siyaasad, istiraatiijiyad ilaa barnaamijyo waxqabad iyada oo kaashaneysa hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada QM.

Qaybaha ROLSIG:

Si loo hubiyo in la wada gaaro dowlad-goboleedyada iyo bulshooyinka degaanka, kooxda ROLSIG waxaa ay shaqaale u wada joogaan guud ahaan dalka marka lagu daro kuwo heer federaal ah, oo fadhigoodu yahay xarumaha dhexe ee Muqdisho, iyo xafiisyo degaannada kala duwan ka furan oo xaruntoodu kala tahay Kismaayo, Garoowe, Baydhabo, Beletweyne, iyo Hargeysa.

Talo-siin Istiraatiiji ah iyo Mid Farsamo:

Haddii aan nahay ROLSIG, kooxdeenna ka kooban khubarada kala duwan waxaan si dhow Soomaaliya uga taageernaa hay’adaha talinta sharciga, garsoorka iyo booliska, maamulka qaybta amniga, qaybta badda, abaabul-ka-saarista, hub-ka-dhigista, iyo bulsho-dib-u-dhexgelinta (DDR) oo la waafajiyey xaaladda jirta si diiradda loogu saaro bulsho-dib-u-dhexgelin, iyo miino-saar. Waxaan si firfircoon ula shaqeynaa maamullada heer qaran iyo heer dowlad-goboleed, bulshada rayidka ah, ururrada haweenka, dhallinyarada, iyo culimada si aan u dhiirrigelinno xalal ku dhisan isla-xisaabtan, taabogalna ah, oo dadku xuddun u yihiin. Khibraddeenna ayaa gacan ka geysaneysa in guud ahaan Soomaaliya laga abuuro awoodo muhiim ah oo nabad iyo amni, talosiin ku saabsan maamulka, sharci-dejinta iyo siyaasadaha, in adeegyo lagu bixiyo degaanno jilicsan oo dhowaan la xoreeyey, iyo taageero laga geysto in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo maamul Soomaaliyeed.

Isuduwidda Bah-wadaagta:

ROLSIG waa xoogga riixaya isu keenista daneeyeyaasha heer qaran iyo mid caalami si loo xoojiyo xalal iskudhafan oo is-waafaqsan oo loo helo kobcinta waax amni oo waarta oo kharashkeedana la tahli karo iyo maamul wanaag. Iyada oo u mareysa wadashaqeyn istiraatiiji ah iyo habab isuduwid ayaa ROLSIG waxaa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ka taageertaa xaqiijinta arrimaha mudnaanta leh ee amniga, iyada oo hormuud u noqoneysa barnaamijyo wadajir loo fuliyo, ka faa’iideysaneysa khibradda iyo iskaashi ay hay’adaha dhexdooda ka yeeshaan oo lagu kaabayo dib-u-habeynta qaran-dhiska ee muhiimka ah oo ay ugu mudan yihiin hawlaha booliska iyo garsoorka.

Sinnaanta jinsiga:

ROLSIG waxaa ay si firfircoon u dhiirrigelisaa sinnaanta jinsiga ee hay’adaha talinta sharciga iyo amniga dhexdooda waxaana ay ka talo-bixisaa in arrimaha jinsiga lagu dhafo maamulka iyo dib-u-habeynta, iyada oo islamarkaana maamullada federaalka iyo dowlad-goboleedyada ku tirtirsiineysa in haweenka la qoro ayna ku sii negaadaan ciidamada amniga, oo ay ka mid  yihiin ciidanka badda iyo asluubta iyo hay’adaha garsoorka. ROLSIG waxaa ay sidoo kale gacan ka geysataa abuurista kartida looga hortagayo, lagu ilaalinayo oo waxna looga qabanayo dhammaan qaababka kala duwan ee tacaddiga ku saleysan galmada iyo jinsiga.

Nagala soo xiriir:

Antero Lopes
Agaasimaha, Kooxda Hay'adaha Amniga iyo Sharciga (ROLSIG) ee UNSOM
iimaylka: unsom-rolsig@un.org