Arrimaha Siyaasadda

Arrimaha Siyaasadda

Tan iyo markii la aas-aasay 3-dii Juun 2013, UNSOM waxay la shaqeyneysey Dowladda Federaalka (FGS), Baarlamaanka Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah iyo kooxaha haweenka, waxaana dhex maray wadashaqeyn la xiriirta dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Iyadoo laga duulayo Xirmada Heshiiska Cusub ee Soomaaliya (Somali New Deal Compact), Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay asteysay shan yool oo ku qotoma dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya (PSGs). Haddaba, diiradda Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ee UNSOM (PAMG) waxay foogan tahay Yoolka 1-aad (siyaasad loo dhan yahay). Ujeeddooyinka biyo kama-dhibcaanka ah ee Yoolka 1-aad laga leeyahayna waa in la helo siyaasad loo dhan yahay, si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.

Mudnaanta Yoolka 1-aad waxay kala yihiin:

  • Meelmarinta wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo caddeeyo loona dejiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo maamullada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, islamarkaana loo hindiso geeddi-socod dib-u-heshiisiineed oo lugu soo celinayo kalsoonida bulshada ka dhaxaysa.
  • Dhammeystirka iyo qaadashada dastuur federal ah marka la gaaro bisha Desember 2015.
  • U diyaargarowga iyo qabashada doorashooyin lugu dhaato sannadka 2016.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo xaaladdan, meelaha hawlaha Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) ku foogan yahay waxaa ka mid ah:

  • Taabbagelinta xafiisyo shaqada ku habboon, hawl fududeyn iyo dhexdhexaadin;
  • Hirgelinta xiriir qaran, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin;
  • Taageeridda horumarrada lugu hiigsanayo dimuqraadiyad buuxda, sida fududeynta kala guurka siyaasadda 2016 iyo dadaallada ku aadden qabashada doorasho guud ee 2020;
  • Dardargelinta hawlaha dib loogu eegayo dastuurka qabyada ah ee Federaalka.

Intii lugu guda jirey labadii sano ee ugu horreeyey xilka UNSOM, Soomaaliya waxay hrumar la taaban karo ka sameysay dhinacyada  amniga iyo siyaasadda, iyadoo la unkay ama la qabyo-tiray dowlad goboleedyo dhowr ah oo ku soo biiray nidaamka federraalka ah, in kasta oo dhismaha hay’adaha dowliga ah ay weli wax badan ka dhimman yihiin islamarkaana hannaanka rasmiga ah ee federaaleyntu uusan weli kow joogin. Nicholas Kay oo labadii sano ee ugu horreysey jiritaanka UNSOM (2013-2015) hayey xilka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabishan Soomaaliya, ayaa latashiyo kala duwan la yeeshay saamileyda gudaha iyo dibedda, si dhidibbada loogu sii aaso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Qaramada Midoobey iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). 

Saamileyda dibedda, oo ay ku jiraan Golaha Ammaanka iyo Ku Xigeenka Xoghahaya Guud ee QM, Jan Eliasson, ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya intii lugu jirey mudadaas, waxayna u kuur-galeen horumarka dalku sameeyey.

Tan iyo Jannaayo 2016, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee iminka xilka haya, Michael Keating, ayaa xilligaas xaas-saasiga ah hoggaaminayey UNSOM.

Hawlaha baaxadda leh ee xilligiisa ku soo beegmay waxaa ka mid ah, kala guurka siyaasadeed ee dalku guda galay dabayaaqada muddadii dastuurku u xilsaaray garbaha fulinta iyo sharci dejinta ee Dowladda Federaalka ah, iyo  gunaanudka qaybo si weyn udub-dhexaad ugu ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya, sida dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada lugu baahinayo hannaanka federaalka dalka.

Tan iyo markii la aas-aasay sannadkii 2013, waajibaadka iyo joogitaanka UNSOM  waxaa lugu ballaariyey dalka oo dhan. Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) waxay xafiis goboleedyo ku kala leeyihiin Puntland (Garowe), Koonfur Galbeed (Baydhaba), Jubbaland (Kismaayo), Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Beledweyne). Waxaa kale oo socda dadaal loogu jiro in hawlgallada UNSOM looga hirgeliyo ama loogu baahiyo Galmudug (Dhusamareb).  UNSOM waxay sidoo kale xafiis ku leedahay Somaliland (Hargeisa). 

Waxay caqabad weyn ka taagan tahay karaanka hay’adaha heer faderaal iyo mid goboleed oo aan lahayn tayo, tabar iyo towfiiq ay uga tillaabaan turaan-turrooyinka siyaasadeed ee ku xeeran nidaamka federaalka tabashooyin soo jireen ah iyo baahi ballaaran oo loo qabo in la sii wado dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale khasab ka dhigaya in wax laga qabto, si loo xaqiijiyo in dhismaha dowladnimada gunta hoose laga soo billaabo.

Intaas ka dib, iyadoo laga ambaqaadayo dadaallada dib-u-heshiisiinta, isku-dhafka iyo isdhexgalka bulshooyinka dalka oo dhan, si dadka wax kala tabanaya niyadsami looga dhex abuuro, intaas ka dibna dareenka dadweynaha lugu darayo dastuur qaran oo dib loo habeeyey.  

Dadaalladaas oo dhan, Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) waxay si hoose ula shaqeynayaan saaxiibada gudaha, gobolka iyo caalamka, si loo guto doorka xilka loo igmaday oo ku qotoma bixinta talooyin la xiriira isku-duwidda siyaasadda istaraatijiga ah. . 

Dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobolleedyada

Tan iyo 2013-kii, Kooxda PAMG oo kaashanaya jaalleyaal ay ku jiraan hay’ado QM ka tirsan, sida UNDP, ayaa taageero farsamo iyo hagitaan siyaasadeed oo dib-u-heshiisiinta, wadahallada iyo war-is-gaarsiinta la xiriira u fidiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxay goob-joog ka ahaayeen heshiiskii Addis Ababa ku dhex maray Dowladda Federaalka ah iyo waftigii Jubba ka socdey ee aas-aaska u noqday dhismaha Jubbaland oo ah dowlad goboleed dhismaysa oo federaalka xubin ka ah, taas oo ka kooban saddexda gobol ee kala ah, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, islamarkaana illaa hadda ku tillaabsatay dhisme maamul iyo dib-u-heshiisiin. UNSOM waxay aqoonsatay dhismaha maamul goboleedka KMG ah ee Koonfur Galbeed, oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Koonfur Galbeed tan iyo markii lugu dhawaaqay waxay ku sifowday mid ka mid ah Dowlad Goboleedyada federalka, taas oo leh hay’adahii loogu talogalay islamarkaana gudagalay dhismaha dowladnimada heerarkooda kala duwan. Sidoo kale 2015, dhismaha rasmiga ah ee Maamulka KMG ah ee Galmudug ee horseedday yagleelidda Dowlad Goboleed ka kooban gobollada Galgaduug iyo Mudug.  Soomaaliya xilligan la joogo waxay ku hawlan tahay dhismaha maamulkii ugu dambeeyey ee federaalka ka mid noqonaya, kaas oo lugu wado in uu isku keeno gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.  UNSOM waxay ku taageereysaa dadaalladan talooyin farsamo oo dhanka saadka iyo isku dubba-ridka ah, si loo xaqiijiyo dhismaha maamul goboleed loo dhan yahay.

Dib-u-heshiisiinta, wada-xaajoodka iyo u dhammaashahu waxay agab muhiim ah u yihiin xaqiijinta dhismaha hannaan dowladnimo oo waara islamarkaana sharci ku dhisan.

  • PAMG waxay siyaabo kala duwan ugu lug lahayd fududeynta iyo dhexdhexaadinta geeddi-socodka, sida ka hortagga iyo xakameynta khilaafaadka gacan ka hadalka wata marka ay aloosmaan.
  • PAMG waxay kale oo xiriir dhow la lahayd Puntland, oo ah maamul goboleedka ugu faca weyn dowladaha ku jira federaalka Soomaaliya, islamarkaana kaalin firfircoon ku leh hannaanka federaaleynta dalka.

Somaliland

Dhanka kale, aag muhiim ah oo diiraddu saaran tahay waa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Inkasta oo tan dambe ay ku adkeysato in ay madaxbannaan tahay, haddana UNSOM xiriir ayey la leedahay dhammaan dhinacya kala duwan, si loo ambaqaado wadahal iyo dareen dhiirrigelinaya sii socoshada xiriirka iyo dib-u-heshiisiinta labada dhinac.

Doorashooyinka iyo kala-guurka siyaasadda

Ka dib dib-u-dhac ku yimid geeddi-socodka siyaasadda oo lugu lammaaniyey welwel laga qabo xaaladda ammaan ee dalka, Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka ah waxay si wadajir ah ugu dhawaaqeen bishii Juulay 2015 in aysan suurtogal ahayn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2016. Haddaba, iyadoo taas laga jawaabayo, UNSOM waxay billowday in ay u ololeyso waddo “labo shaagle ah” oo ka kooban:

  • Hannaan doorasho oo fududeynaya isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca marka uu dhammaado xilliga dastuurka cayimay ee fulinta iyo sharci dejinta ee 2016;
  • Sii wadidda diyaargarowga loogu jiro qabashada doorasho qof iyo cod ah 2020, iyadoo la joogteynayo dadaallada lugu dhisayo kartida hay’adaha sharcigu u xilsaaray maamulidda kala-guurka, sida Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) waxay si dhow ula shaqeeyaan Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka (IESG) ee UNSOM iyo UNDP hoos yimaada. Iyagoo wadajira, waxay labadan hay’adood ee QM door muhiim ah ka ciyaarayaan taageero siyaasadeed iyo mid farsamo oo loo fidiyo geeddi-socodka wadahadallada siyaasadda heer qaran ee Soomaalida. Gaar ahaan, dadaallada lugu tiigsanayo siyaasadda ka qaybgalka u furan ee indhawaalahan Soomaaliya ka hanaqaadday, taas oo si cad u qeexday jidka loo marayo hirgelinta hannaan doorasho oo maangal ah sannadka 2016.

Dowladda Federaalka ah waxay hadda ku dhawaaqday hannaan doorasho dadban, saamileyda, oo taageero ka helaya Qaramada Midoobey, waxay iminka diyaarinayaan fulinta habraaca doorashada dadban ee 2016, iyo sidoo kale u gogol-xaarista doorashooyin dadweynuhu ka qaybgalo oo dalka ka dhaca sannadka 2020.

Turxaan-bixinta dastuurka

UNSOM waxay si dhow ula shaqeyneysaa UNDP si Baarlamaanka Federaalka ah, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (MOCA), iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Fulinta Dastuurka (ICRIC) looga caawiyo dhinaca turxaan bixinta dastuurka qabyada ah. Tan waxaa ka mid ah xiriirro maalinle ah oo lala sameeyo hay’adahan iyo sidoo kale taageero laga siiyo meelo cayiman. Tusaale ahaan, iyadoo laga jawaabayo codsiyo ka kala yimid Ra’isul Wasaaraha iyo Guddomiyaha Baarlamaanka, ayey UNSOM iyo UNDP waxay bilihii Oktoobar 2015 iyo  Jannaayo 2016 qabanqaabiyeen booqashooyin ay Muqdisho ku yimaadeen khuburo caalami ah oo arrimaha dastuurka ku xeel-dheer.

 Khuburadan ayaa sidoo kale Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka ah la wadaagey xirmo qoraallo ah oo aragti guud ka bixinaya arrimaha xilligan la joogo muranku ka taagan yahay ee dastuurka qabyada ah, waxayna soo jeediyeen talooyin dhowr ah oo lugu xallin karo. Kooxda arrimaha Dastuurka u qaabilsan UNSOM waxay sannadaha soo socda halkooda ka sii wadi doonaan wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin saamileyda Soomaalida, si loo sii riixo dadaallada dib loogu eegayo Dastuurka dalka lugu dhaqayo.

Baarlamaanka Federaalka

PAMG waxay xiriir dhow la leeyihiin Baarlamaanka Federaalka ah, waxayna u sameeyeen xafiis gaar ah oo loogu talogalay in uu xiriiriyo hawlaha sharci-dejinta ee ku qotoma siyaasadda loo dhan yahay, siiba unkidda iyo dhismaha dowladnimada, dib-u-eegidda dastuurka iyo doorashada, islamarkaana u kala dabqaada xubnaha baarlamaanka iyo UNSOM, marka ay laga hadlayo arrimaha kor ku xusan.

Bulshada rayidka

Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya kaalin mug leh ayey ciyaarayeen illaa iyo intii lugu soo jirey dagaallada sokeey. Doorkooduna wuxuu daarran yahay:

  • Kaalmeyta baraamijyada isku xirka jiridda hoose;
  • Kaabidda kalsoonida geeddi-socodka nabadda ee socda;
  • Dhiirrigelinta dowladnimo wanaagga iyo isla xisaabtanka loola jeedo in lugu fududeeyo dhismaha nabadda iyo sidoo kale haykalka dimuqraadiyadda;

Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ee UNSOM PAMG waxay la shaqeeyaan ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya si loo hubiyo ka qaybgalkooda dhismaha nabadda iyo dowladnimada, marka dhankaas la eegana, PAMG waxay tan iyo bishii Oktoobar 2014, si joogto ah u wadeen “Madasha Hoggaanka Aragtida Soomaaliyeed”, taas oo kulmisa cuqaasha, aqoonyahannada, hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha beelaha, ururrada bulshada, ardayda, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si joogto ah uga qaybgala kulamo la iskula gorfeeyo xaaladda dalka, sidoo kalena la isku weydaarsado fikrado ku qotoma siyaasadda, dib-u-heshiisiinta, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo carqaladeyn kara nabadda dalka, islamarkaana talooyin horusocod ah lugu soo gudbiyo.

Ujeeddooyinka PAMG barnaamijkan ka leeyahiin waxaa gundhig u ah, in la abaabulo ururrada bulshada rayidka ah ee gudaha ku sugan, si codkooda iyo aragtidooda ku aaden aayaha dalkooda loo maqashiiyo dadka siyaasadda Soomaaliya dajiya, haddey noqon lahaayeen Soomaali iyo beesha caalamkaba.

PAMG waxay kala shaqeeyaan ama ay ka taageeraan ururrada bulshada rayidka ah, dhanka talo-bixinta, iyadoo loo marayo, la tashiyo joogto ah iyo wadashaqeyn, barnaamijyada xiriirka bulshada, wacyigelinta, dib-u-heshiisiinta, dadaallada dhexdhexaadinta, xog-wadaagista dhismaha karaanka.

Maxaad ka ogtahay habka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya?