Hoggaan

 

 

James Swan, Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya

James Swan waa Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

Mr. Swan oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres 14-ka Maayo 2024, waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo-dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddelo siyaasadeed oo adag. Markii ugu dambeysay, Mr. Swan wuxuu ahaa Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022.  Markaasi ka horna, wuxuu ahaa Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, laga bilaabo 2013 ilaa 2016, Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, laga bilaabo 2011 ilaa 2013, iyo Safiirka Dalka Mareykanka u Fadhiyay Jabuuti laga bilaabo 2008 ilaa 2011.

Shaqooyinkiisii hore, Mr. Swan wuxuu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Arrimaha Afrika laga soo bilaabo 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqeynta Arrimaha Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista Waaxda Arrimaha Dibedda laga bilaabo 2005 ilaa 2006.  Ka hor inta uusan hawlahan qaban, Mr. Swan wuxuu hawlo kala duwan ka soo qabtey dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Soomaaliya, Kaamiruun, Nicaragua iyo Haiti.

Mr. Swan wuxuu shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda oo culuumta sayniska ah ka haystaa Dusiga Adeegga Dibedda ee Jaamacadda Georgetown (Georgetown University’s School of Foreign Service), Shahaaddada Heerka labaad ee Jaamacadda oo Fanka ah ka soo qaatey Johns Hopkins School of Advanced International Studies, iyo Shahaadda heerka labaad ee jaamadda oo uu ku bartey Daraasaadka Amniga Kuliyadda Qaranka ee Dagaallada (National War College), oo dhammaantoodaba ku yaalla dalka Mareykanka.   Wuxuu si fiican ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska.

 

 

 

Raisedon Zenenga, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya 

Mr. Raisedon Zenenga waa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Mr. Zenenga oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres 26-ka Jannaayo 2024, waxaa uu la imaanayaa waayo-aragnimo ballaaran oo uu u leeyahay taageeridda geeddi-socodyada siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, maareynta hawlgallada nabadda ee adag, iyo la shaqeynta Dowladda iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa colaadaha ka soo kabanaya.   Wuxuu in ka badan 30 sano oo waayo-aragnimo u leeyahay hawlaha Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgalladii Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya (Liberia), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Siiraliyoon (Sierra Leone) iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu horey u soo qabtey jagada Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya. Wuxuu horey u soo qabtey jagooyinka Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan.

Wuxuu sidoo kale jagooyin sare oo kala duwan ka soo qabtey Xarunta-Dhexe ee Qaramada Midoobay ee taageerta hawlgallada nabad-ilaalinta ee Afrika.  Mr. Zenenga wuxuu xirfadiisa shaqo ka soo bilaabay Adeegga Diblomaasiyadeed ee dalkiisa. Mr. Zenenga wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda University of Zimbabwe, oo uu ku soo bartey culuunta maamulka guud iyo cilmiga siyaasadda.

 

  

 

George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni'aadamnimada ee Soomaaliya

George Conway waa ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxa uuna sidoo kale yahay Isku duwe arrimaha Deegaanka Qaramada Midoobay iyo Xiriiriyaha Gargaargka Beni'aadannimo.

Waxa uu leeyahay in ka badan 20 sano oo waayo aragnimo xagga horumarinta ah, ka hortagga iyo ka soo kabashada xasaradaha, iyo arrimaha beni'aadannimada oo uu kala soo shaqeeyay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo hay'ado kale oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Xilka haatan ka hor, waxa uu Agaasime ku-xigeen ka soo noqday Xafiiska Xasaradaha ee hay’adda UNDP ee ku yaalla New York, waxa uuna horey uga soo shaqeeyay Soomaaliya, isagoo ah Agaasimaha UNDP ee Dalka intii u dhaxeysay (2013-2019).

Waxa uu sidoo kale siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay arrimaha xasaradaha iyo nabadaynta dalalka Suudaanta Koonfureed, Indonesia iyo Kanada, iyadoo ay jagooyinkiisa ku jiraan la-taliyaha istaraatiijiyadeed hay’adda UNDP ee Afrika, Agaasimaha Wadanka ee Sudaanta Koonfureed, iyo Madaxa Barnaamijyada ee Jubba. Dalka Indonesia  waxa uu ka caawiyay ka-hortagga xasaradaha iyo soo kabashada ka dib duufaantii Sunaami ee Badweynta Hindiya 2004-tii. Hay’adda UNDP ka hor, waxa uu ahaa falanqeeye arrimaha nabadda iyo xasaradaha oo ku sugan Ottawa ahna khabiir madani ah oo u xilsaaran hawlgallada nabad-ilaalinta.

Md. Conway waxa uu shahaadada Masterka ee arrimaha caalamka ka qaatay Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa, shahaado Master takhasusyo kala jaad ah uu ka qaatay Jaamacadda Western Ontario, iyo shahaadada Bachelor oo uu jaamacadda Winnipeg kaga diyaariyay cilmiga Anthropology (Daraasaynta culuumta dhaqanka, cilmi-nafsiga jireed, cilmi-nafsiga luqadda, cilmiga bulshada, iyo sooyaalka iyo asalka aadanha)