Caddaaladda iyo Sixitaanka

Adeegyada Caddaaladda iyo Sixitaanka

Barnaamijka Wadajirka ah ee  Sarreynta Sharciga ee Qaramada Midoobay wuxuu ka caawinayaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sidii loo fidin lahaa adeegyada caddaaladda guud ahaan Soomaaliya.

Qaybta Wadajirka Caddaaladda iyo Sixitaanka (JJCS) waxay siineysaa talo istiraatiijiyadeed iyo farsamo heerarka Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah xagga sharciga. Sida ku xusan Barnaamijka Wadajirka ah ee Sharciga Qaramada Midoobay, JJCS wuxuu taageerayaa dhisidda awoodda hay'adaha dowladda iyo fidinta adeegyada cadaaladda iyada oo loo marayo talobixin farsamo oo ku saabsan caddaaladda iyo hagaajinta qaab dhismeedka, howlaha dhisidda awoodda caddaaladda iyo shaqaalaha Asluubta, taageerada maxkamadaha wareega iyo farsamo dhaqameedka xallinta khilaafaadka, bixinta kaalmada sharciga iyo qabashada howlaha wacyigelinta. JJCS, oo ay weheliso UNDP, waxay kaloo isku dubaridaa faragalinta Qaramada Midoobay ee arrimaha cadaaladda iyo asluubta.