Deegaanka iyo Sugnaanta Cimilada

Qorshaha UNSOM ee diiradda lagu saarayo degaanku wuxuu ku howlgalaa codsiga Golaha Amaanka ee arrimaha cimilada iyadoo wax lagu wado hab-raaca SCR 2540. Mid ka mid ah hadafyada waawayn waa in si wanaagsan loo fahmo xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo salka amaan darrada Soomaaliya.

Isbeddelka cimilada ee Soomaalia waxay saamayn taban ku leedahay hab-nololeedka dadka Soomaaliya iyadoo sidoo kale uga dartay tiradii dadka barakacayey oo awalba xumayd. Waxay sidoo kale dad badan u nuglaysey saamaynta dagaallada iyo amaan darrida iyagoo aan lahayn meel ay u ciirsadaan. Daraasado dhowr ah ayaa muujiyey xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo amaan darrida. Xaaladaha amaan darridu waxay dhacayaan marka ay yimaadaan xasarado dhanka cimilada ah oo kordhiya sinnaan la’aanta iyo nuglaanta, taasoo markeeda caqabaad dheeraad ah hor dhigaysa fulinta sharciyadda UNSOM. Waxaa sidaa darteed muhim ah in cimilada iyo amaan darrida loo arko si wadareed si loo awoodo in wax laga qabto waxa keenaya amaan darrida, oo ay ku jiraan dhibaatooyinka la xiriirka cimilada.

Wajahaad isku xiran:

UNSOM waxay diyaarisay dhowr xal oo lagaga jawaabayo caqabadaha la xiriira cimilada. Kaddib markii ay wax ka barteen gurmadyadii hore ee fashilmay — oo laga xusi karo abaatii 2011 — Hindisaha cusub ee UNSOM wuxuu noqon doonaa in la hirgeliyo dhowr waxqabadyo oo isku xiran si loo qaabilo baahiyaha waqtiga gaaban ee aadnimmiada iyo kuwa fog ee lagu higsanayo bulsho adkaysi leh oo waari karta. Wax ka qabadka xaaladaha deg degga ee cimiladu wuxuu u baahan yahay faragelin aadninnimo-horumarin-nabad dhisid oo isla socda, si loo soo saaro xal waara iyo adkaysi lagu baajiyo halisaha mustaqbalka. 

Caqabadaha ay wajahayso UNSOM iyo jawaabaha ay ka bixinayso waxay u baahan yihiin siyaasad iyo qorshe is waafaqsan oo jawaabaha halisaha amaan ee cimilada la xiriira u rogi kara fursado ay QM ku yagleesho nabad waarta.

Horay u socod:

Kooxda amaanka cimiladu waxay diiradda saarayaan dhowr meelood:

  1. In iyada oo loo maraayo hannaan la talin iyo shuruuc ah, waxa aan dooneynaa in la joogteeyo wajahaado dhanka degaanka iyo amaanka cimilada ah oo ay isla fulinayaan QM iyo saaxiibadeed. Ammaanka cimiladu waa meelo saani ahaan cusub oo diiradda la saaro marka laga hadlaayo isbeddelka cimilada iyo natiijooyinka raacaba. Ujeeddada muhiimka ah ee kooxda amaanka cimiladu waa horseedaan in tixgelinada isbedelka cimilada lagu daro hannaanada nabad-dhisidda. Waxaannu taa fulinaynaa annagoo raacayna lafa-gur si gaar ah ugu ligan dhanka khilaafka jira, dhiseyna aasaas cilmi baaris iyo caddeymo oo ku aaddan xiriirka ka dhexeeya dhacdooyinka isbeddelka cimilada iyo khilaafyada dhici kara, iyo hannaanka degaanka ee xasilinta.
  2. Iyada loo maraayo isku duwidda jilayaasha Beni’aadanimada, Horumarka, iyo Nabadda oo loo maraayo guddiyo fulineed oo kala duwan oo ka tirsan QM, Dowladda Soomaaliya, iyo daneeyeyaasha kale ee ay khuseyso, waxa ay kooxda amaanka cimiladu adeegsataa hannaan ‘isku xir seddex-geesood ah’ iyo jawaab celin si loo gaaro yoolasha QM Soomaaliya ee Qaab-dhismeed Wadashaqeyn ee Horumarka Waara ee 2021-2025.
  3. Taageeridda Dowladda iyada oo la dhisayo awooda qaran ee khataraha amni ee cimilada la xiriira. Waxaa tan loo gaaraa iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada barnaamijyada iyo shuruucda ee waxkaqabashada la xiriirta deegaanka iyo amniga, iyada oo la taageerayo horumarka, mudnaan siinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo qorshe howleedyada la xiriira cimilada. Iyada oo loo marayo doorka Kooxaha ee bixinta taageerada iyo la talinta farsamo ee howlaha/barnaamijyada kala duwan ee la xiriira deegaanka iyo colaadaha, caddeyn sal adag oo joogto ah ayaa lagu dhisaa hababka ugu wanaagsan ee hannaanka joogteynta dagaanka iyo nabad-dhisidda ee Soomaaliya. Waxaan oo dhan waxaa loo adeegsadaa in lagu taageero oo la wargeliyo dhinacyada dowladda iyo daneeyeyaasha kale si dhinacyadaas loogu tix-geliyo faragelinta mustaqbalka.