Dib U Habeybta Laamaha Amniga

Guji halkam si aad u akhriso warka

 

Dib u Habeybta Laamaha Amniga

Dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen Hay'adda Miino Baarista Qaramada Midoobay (UNSOM) iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa horseeday in Hannaanka Dib u habeynta Amniga ee Isku-dhafan (I-SSR) uu gacan ka geysto bixinta talooyin istiraatiijiyadeed iyo taageero farsamo oo la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka arrimaha la xiriira dib u habeynta laamaha amniga si waafaqsan Hannaanka Dhameystiran ee Amniga, Heshiiska Qaabeynta Amniga Qaranka, Qorshaha Kala Guurka, iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka 9/Qaabdhismeedka Isla Xisaabtanka wadajirka ah. Hannaanka iskudhafan ayaa waxa uu u oggolaanayaa UNSOM inay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday, sida hoos ka muuqata, iyadoo la kaashanayo UNDP iyo UNSOM waxaa laga shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa Waaxda Maamulka Amniga.

Marka taas loo eego, Shaqada Qeybta I-SSR waxa ay ku saleysan tahay mabaadii'da Hannaanka Dhameystiran ee Aminiga ee lagu heshiiyey, taas oo ah in la hubiyo in hay'adaha amniga ee Soomaaliya ay noqdaan kuwa la heli karo, la aqbali karo oo lala xisaabtami karo oo karti leh, waxaana diiradda lagu saaray meelaha gaarka ah ee soo socda:

 

  • Waaxda Maamulka Amniga: Iyada oo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Maamulka Laamaha Amniga (JSSGP), oo ay soo gudbiyeen UNDP iyo UNSOM, awood dhisidda waxa ay xaqiijineysaa kororka la socodka rayidka ee ku aadan dib u habeynta laamaha amniga ay hormuudka uyihiin hay'adaha maamulka amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, iyadoo la ilaalinayo sarreynta sharciga iyo dhowrista xuquuqda aadanaha. JSSGP sidoo kale waxa ay taageertaa ka qeyb galka bulshada rayidka ah, iyadoo diirada la saarayo haweenka iyo urrurada dhalinyarada, ee ku xusan habraaca Dib u habeynta Laamaha Amniga (SSR).
  • Xaqsiinta iyo Is-dhexgalka: Bixinta talo ku saabsan xaqsiinta ciidamada amniga ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin taageerada sharci-dejinta ee Baarlamaanka Federaalka iyo taageerada geeddi-socodka is-dhexgalka siyaasadeed, si waafaqsan Heshiiska Qaabeynta Amniga Qaranka.
  • Amniga Badaha: iyadoo la taageerayo qeybta amniga badda Soomaaliya si loo xoojiyo qeybaha ciidammada badaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyadoo loo marayo horumarinta qaab-dhismeedyada istiraatiijiyadeed, kobcinta awoodda iyo dadaallada xoojinta kartida, iyada oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday yagleelidda kobaca dhaqaalaha badda ee Soomaaliya. Shaqadan waxaa lagala shaqeynayaa Xafiiska QM ee Ka hortagga Maandooriyaha iyo Dambiyada (UNODC), Ururka Badaha ee Caalamiga ah (IMO), iyo waliba hay'adaha kale ee QM iyo Saaxiibbada caalamiga ah, gaar ahaan EUCAP Somalia.
  • Maalgelinta Amniga: iyadoo lala shaqeynayo Bangiga Adduunka si loo hubiyo in labada ururba faa'iidooyinkooda isbarbardhigga la kordhiyo iyo ka qeyb qaadashadaas waxay diiradda saareysaa maalgelinta amniga iyo falanqaynta la xiriirta Amniga iyo Maareynta Maaliyadda Guud ee Soomaaliya.
  • Dib-u-eegista Dastuurka: QM waxay siineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero farsamo oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka ku-meelgaarka ah ee 2012, gaar ahaan dib u eegista cutubka 14aad oo ku saabsan ‘Nabadda iyo Amniga’.
  • Ka-qaybgalka Cunaqabateynta: iyadoo udub dhexaad unoqoneysa DFS iyo Saaxiibbada Caalamiga ah, sida Guddiga Cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay ka qeyb qaadaneysaa maareynta arrimaha la xiriira cunaqabateynta.
  • Ka-qeybgalka Wadajirka ee Loo dhan yahay: Si loo hormariyo dadaalada Dib u habeynta Laamaha Amniga Soomaaliya, Qaybta I-SSR iyo Kooxda AMISOM ee Dib u habeynta Amniga ayaa si dhow uwada shaqeynaya, si markaa loo xaqiijiyo in la taageero dadaallada dib u habeynta amniga ay hormuudka utahay Dowladda Soomaaliya iyo kor u qaadista maamulka wax ku'oolka ah iyo la socodka laamaha amniga.