Transcript of comments by UN Envoy to Somalia Nick Kay following the inaugural meeting of the HLPF-E

11 May 2014

Transcript of comments by UN Envoy to Somalia Nick Kay following the inaugural meeting of the HLPF-E

Mogadishu – Your Excellency the President and Your Excellency Ambassador [Michele Cervone d’Urso, EU Special Envoy to Somalia], let me first begin by congratulating the European Union and its members states on Europe Day for being such a strong partner of Somalia.

Today was the meeting of the High Level Partnership Forum Executive Committee and we have taken stock together - international partners and the Federal Government - of the progress that we are making on all aspects in Somalia.

Our conclusion was that we are not satisfied ourselves: progress has not been fast enough or far enough, to meet what we want to do and also what Somalis want.

And we decided together the answer was that - together the President, the Federal Government of Somalia and the international community together - must go further and go faster in delivering what Somalis and Somalia need.

We have identified specific areas on which we will want to see progress by the time we meet at the end of June, before Ramadan. And I am very confident that with the international support that the Federal Government has and with the dedicated Parliament and parliamentarians that you have, I am very confident that together we shall deliver very specific things by the end of June.

We want to go further, we want to go faster, we do not want to stop, to delay, or to have any distractions that stop the progress.

**********

Qoraalka hadalkii uu jeediyay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ka dib kulankii koowaad ee Guddiga Fulinta Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee lagu qabtay magaalada

Muqdisho, 9-kii Bisha May 2014 - Mudane Madaxweyne iyo Mudane Safiir [Michele Cervone d’Urso, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya], marka hore aan ku billaabo in aan Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ugu hambalyeeyo dabaaldegga maalinta Yurub idinkoo Soomaaliya u ah saaxib weyn oo qiimo badan.

Maanta waxaa la qabtay kulankii Guddiga Fulinta Madasha Iskaashiga Heerka Sare, waxaana isla eegnay – saaxibada caalamiga ah iyo Dowladda Federaalkaba – horumarka aan ka samaynayno dhamaan howlaha laga wado Soomaaliya.

Gunaanadka aan isku raacnayna wuxuu ahaa in aanan ku qanacsanayn: horumarka la gaaray ma ahayn mid si ku filan loo dedejiyay ama mid meel ku filan gaaraya, si loo gaaro waxa aan rabno inaan sameyno iyo waxa ay dadka Soomaalida doonayaan.

Waxaana isla go’aansannay jawaabta oo ahayd in – Madaxweynaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka iyagoo wadajir aj – waa inay intaa ka dheer gaaraan iyagoo wada socda, si degdeg ahna u socdaa si loo qabto waxa ay Soomaaliya iyo Soomaalida doonayaan.

Waxaan isla garannay arrimo cayyiman oo aan doonayno inaan aragno in horumar laga gaaro kulankeena dambe ee dhamaadka bisha June, Ramadaanka ka hor. Waxaana aad ugu kalsoonahay, Dowladda Federaalka iyadoo haysata taageero caalami ah iyo Baarlamaanka iyo xildhibaanada hawsha u heelan, waxaan ku kalsoonahay in si wadajir ah aan ku gaari karno howlo cayyiman marka la gaaro dhamaadka bisha June.

Waxaan rabnaa inaan hore u soconno, waxaan doonaynaa inaan si degdeg ah ku soconno, ma dooneyno inaan istaagno, ama daahno ama ay na hakiyaan waxyaabo carqalad ah oo horumarka joojiya.