Sinnaanta Jinsiga iyo Awood-siinta Haweenka

Dardar-gelinta ajendaha Sinnaanta Jinsiga iyo Horumarinta Haweenka, Nabadda iyo Amniga waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mid ka mid ah waajibaadka loo igmaday UNSOM waa inay hubiso in arrimaha jinsiga iyo horumarinta haweenka, nabadda iyo ammaanka loo wajaho oo loo horumariyo guud ahaan si waaqafsan fulinta waajibaadka Hawlgalka Qaramada Midoobey, oo ay ku jiraan shaqadeeda siyaasadeed, u ololeynta siyaasadaha, kaalmaynta nabad-dhisidda iyo dawlad-dhisidda, maamulka, amniga iyo dib-u-habaynta waaxda caddaaladda. .

Shaqada UNSOM ee ku aaddan jinsiga iyo ajendayaasha horumarinta haweenka, nabadda iyo ammaanka waxaa haga oo ujeeddadeedu tahay in ay gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale dardar-gelinta fulinta ajendayaasha horumarinta haweenka, nabadda iyo ammaanka ee Soomaaliya.

Sinnaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenka waxay aasaas u yihiin in nabadda iyo horumarka ay noqdaan kuwo loo siman yahay, iyo in ay si siman uga faa'iidaystaan ​​haweenka iyo ragga iyada oo la ilaalinayo xuquuqda aadanaha oo dhan iyada oo aan cidna la takoorin, loona eexan, cidna la jecleysan. Awood-siinta haweenka Soomaaliyeed ee dhanka siyaasadda waxay muhiim u tahay dhisidda Soomaaliya loo dhan yahay, oo ay cadaalad iyo sinnaan ka jirto. Tanina waxaa ka mid ah ka qayb galka golayaasha go'aanada lagu gaarayo iyo doorarka hoggaanka ee ka hortagga colaadaha, geedi socodyada nabadda iyo siyaasadda iyo sidoo kale hay'adaha dawladda iyo jagooyinka la doorto.

Iyada oo loo marayo shaqada UNSOM ee ku aaddan taageerada siyaasadda iyo doorashada, xuquuqul insaanka, dhaqan-gelinta sharciga iyo horumarinta caddaaladda, UNSOM waxay samaysaa dadaallo dheeraad ah si loo hubiyo in xuquuqda haweenka, ka qaybgalka siyaasadda iyo sinnaanta jinsiga ajanda ahaan si buuxda loo mideeyo oo kor loo qaado.

Dhaqangelinta Ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga

Qaraarka caanka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325 ee ku saabsanaa Haweenka, Nabadda iyo Amniga, iyo dhammaan go'aamadii xigay ee isla arimahan ku saabsanaa, ayaa ah qaabka ugu muhiimsan ee loo wajaho qodobka ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka.

Iyadoo uu hagayo mabaadi'da takoor la'aanta - sida lagu qeexay Heshiiska Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka Ka Dhanka ah Haweenka (CEDAW) - iyo kor u qaadista ka qaybgalka iyo ilaalinta haweenka, UNSOM shaqadeeda jinsiga waxay diiradda saaraysaa dardar-gelinta iyo kordhinta doorka haweenka, codkooda. galaangalka, matalaada, iyo ka qaybgalka siyaasadda, golaha go'aan gaara iyo hoggaaminta.

Marka laga soo tago taageerada ay siiso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, UNSOM waxay la shaqeysaa hoggaamiyayaal kala duwan ee bulshada rayidka, hay’adaha iyo ururrada. Horumarinta iyo xoojinta codka bulshada rayidka iyo ka qaybgalka, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha haweenka, waa istaraatiijiyad muhiim ah oo lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda.

Xafiiska UNSOM u qaabilsan Jinsiga, oo ku dhex yaal Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, wuxuu xaqiijinayaa in la-talinta siyaasadeed oo muhiimka ah iyo hagidda istaraatiijiyadeed dalka laga heli karo, si loo horumariyo siyaasadaha howlgalka Qaramada Midoobey oo dhan. Xafiiska waxa uu sidoo kale xoojiyaa hagidda arrimaha jinsiga ee ka baxsan howl-galka Qaramada Midoobey isagoo talooyin wax ku ool ah la wadaagaya hay’adaha qaranka, gaar ahaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xildhibaanada Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiinta Bulshada Rayidka, Hogaamiyayaasha Ururada Haweenka ee magaalada Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Xafiiska UNSOM u qaabilsan Arrimaha Jinsiga waxa kale oo uu leeyahay shabakad ka kooban Shaqsiyaadka iyo Mas’uuliyiinta Saldhigga u ah arrimaha  Jinsiga ee fadhigoodu yahay xafiisyada UNSOM ee Muqdisho iyo gobolada Soomaaliya oo dhan.

Ka Qeyb-gal Heer sare ah ee Haweenka Soomaaliyeed

Iyada oo ah hawl-gal siyaasadeed, UNSOM waxa ay ku dadaalaysaa in ay hormuud ka noqoto dhiira-gelinta ka-qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee nabadda iyo geeddi-socodka siyaasadda, golaha go’aanada lagu gaaro iyo doorkooda hoggaamineed. Shaqada Howl-galka Qaramada Midoobey ee arrintan la xiriirta waxay u dhexeysaa u meel-marinta siyaasadaha iyo qodobbada sharciga ee ka qeyb-gelinta iyo ka mid noqoshada haweenka ee madasha siyaasadda, doodaha dadweynaha, hay’adaha Ku-meel-gaarka iyo kuwa rasmiga ah, guddiyada iyo golayaasha, iyo ka qeyb-gelinta tashiyada looga arrinsanayo nabadda iyo siyaasadda. Waxa kaloo shaqada UNSOM ka mid ah horumarinta ka-qaybgalka haweenka iyo aragtida jinsiga ee la xiriirta Dib-u-eegista Dastuurka, hababka federaalaynta, iyo dardar-gelinta taageerada doorashooyin labada jinsi u dhanyihiin.

Jinsiga iyo Doorashooyinka

Metelaadda haweenka iyo ka qaybgalkooda geeddi-socodka doorashada waa shuruud horudhac ah ee doorasho loo dhan yahay. Hirgelinta ka-qaybgal dhameystiran oo siman oo ay haweenku ku yeeshaan habraacayada doorashooyinka iyo natiijadooda waa caqabad caalamka oo dhan ka jirta.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay liidato jawiga sharciga iyo siyaasadda iyo nidaamyada hay'adaha dowladda, Soomaaliya waxay la qabsanaysaa caalamka intiisa kale, iyadoo tilmaamo gaar ah oo muujinaya matalaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda, gaar ahaan heer federaal. Baarlamaanka Federaalka 10-aad ayaa lagu arkey koror la yaab leh ee matalaadda haweenka: 14 boqolkiiba ayey ahayd 2012-kii halka ay 2016-kii gaartey 24 boqolkiiba.

Gaaridda 24 boqolkiiba ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxay ahayd tallaabo aad u weyn oo lagu horumarinayo matalaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda. Ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka doorashada 2016-ka waxaa suura geliyey doodo iyo abaabul ballaaran iyo olole loogu jirey 30 boqolkiiba kuraasta in loo qoondeeyo haweenka; Dhisidda Guddiga Safiir-sharafeedyo ah si kor loogu qaado kuraasta haweenka; iyo sidoo kale matalaadda haweenka 30 ee boqolkiiba ay ku yeeshaan dhammaan qaab-dhismeedka maamulka doorashada, guddiyada iyo habraacyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashooyinka dadban iyo ergooyinka doorashada.

UNSOM waxay si firfircoon ugu hawlanayd taageeridda dadaallada qaran ee lagu gaarayo qoondada matalaadda haweenka ee 30 boqolkiiba ee baarlamaanka.

Si loo taageero matalaadda iyo ka qaybgalka haweenka ee doorashooyinka dadban ee heer federaalka ee 2022-ka socda, Qaramada Midoobay waxay dejisay istaraatijiyad wadajir ah waxayna hirgelisey Guddi-howleedka Arrimaha Jinsiga iyo Doorashooyinka (GETT), oo ka kooban qaybo kala duwan oo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala Soomaaliya.

Kooxdan waxay u ololaynaysaa in ugu yaraan ay helaan haweenku matalaad boqolkiiba 30 haddii ay ahaan laheyd geeddi-socodka iyo sidoo kale natiijooyinka doorashooyinka dadban. Hiillo dheeri ah, ilaalinta qoondada boqolkiiba 30 ee ajandayaasha siyaasadeed ee madaxda qaranka heer federaal iyo sidoo kale heer dowlad goboleed, u suura gelinta  hogaamiyayaasha haweenka in ay wadaan ololeyaal u xuquuq raadin ah, abaabulka ilo dhaqaale si ay u taageeraan u xaq dhacsiga haweenka iyo baahinta muuqaalka Ololaha, cabashooyinka iyo caqabadaha haweenka iyo waxyaabaha ay horumar ka gaaaraan ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee istiraatiijiyadda Kooxdan.

Dib-u-eegis Dastuur oo ka Jawaabaya Arrimaha Jinsiga

Iyadoo ay majaraha u heyso Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) oo kaashanaysa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), UNSOM waxay bixisaa talo-siyaasadeed, kaalmo farsamo iyo taageero istiraatijiyadeed ee ku aadan Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Arrimaha Jinsiga oo kaashanaya Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Qaramada Midoobey Uqaabilsan Haweenka, wuxuu hubinayaa in haweenka lagu daro saalmileyda ay khusayso Geedi-socodka. Iyadoo la kaashanaysa Sweden, UNSOM waxay taageertay haweenka hoggaamiyayaasha ururada iyo bulshada rayidka ah, si ay u abaabulaan haween aad u farabadan oo u ololeysa in lagu daro dastuurka federaalka qodobbada la xiriira jinsiga. Ururada haweenka waxay samaysteen gole – Madasha Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed – si ay u xaqiijiyaan ka-qaybgalkooda iyo faragelintooda waqtiga ku habboon iyo inay soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah iyo inay ka talo bixiyaan geeddi-socodka. UNSOM waxay sii wadi doontaa inay taageerto geeddi-socodka oo ay hubiso in haweenka cid matasha ku leeyihiin geeddi-socodka oo ay awoodaan inay saameyn ku yeeshaan, wakiil ahaan iyo saamiley ahaanba.

Jinsiga iyo Caddaaladda, Sarreynta Sharciga iyo Dib-u-habeynta Laamaha Amniga

Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Jinsiga wuxuu si wadajir ah ula shaqeeyaa Kooxda Sareynta Sharciga iyo Laamaha Ammaanka (ROLSIG) si loo xaqiijiyo helitaanka la-talinta dhinaca farsamada iyo hagidda arrimaha jinsiga, iyo in haweenka Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo geedi-socodka dib-u-habeynta laamaha amniga.

Kordhinta ka-qaybgalka iyo matalaadda haweenka ee hay'adaha rasmiga ah, kor u qaadida codka haweenka iyadoo lala fal-gelaayo bulshada rayidka ah, iyo qaab nidaamsan oo diiradda lagu saarayo arrimaha jinsiga ee dhammaan arrimaha la xiriira sareynta sharciga iyo hay'adaha amniga ayaa ka mid ah meelaha mudnaanta leh ee loo ololeynayo.

Qaar ka mid ah talooyinka xusidda mudan, guulaha iyo horumarka

  • Ku daridda sharciga guddiga doorashada federaalka boqolkiiba 20 qoondada haweenka (2015)
  • Sharcigii Qaran ee ugu Horreeyey ee Arrimaha Jinsiga (2016)
  • Qoondada Haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka 10aad oo gaartey 24 boqolkiiba (2016)
  • Ballanqaadka horumarinta iyo hirgelinta istaraatiijiyadda hagidda arrimaha jinsiga ee dhammaan laamaha amniga ee qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo nidaamdka isla xisaabtanka (2017)
  • Madasha Haweenka Nabadda ee ugu horreysay oo ku saabsan doorka ballaaran ee ay haweenka ku leeyihiin nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga iyo la dagaalanka xagjirnimada hubeysan ee ka jirta dalka oo dhan (2018)
  • Shirweynihii Qaran ee ugu horeeyay ee xildhibaanada haweenka heer federaal iyo heer maamul goboleed oo lagu qabtay Muqdisho (2017), iyo shirweynihii labaad ee la qabtay sannadkii xigay (2018)
  • Doorka iyo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabadda iyo siyaasadda dalka ayaa kor loo qaaday intii lagu guda jiray geeddi-socodkii dhisidda maamul goboleedyada (2014-2016)
  • Fududeynta doorka haweenka iyo ka qaybqaadashadooda nabad dhaliyaya ahaan ee tubta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, sida heshiiskii nabadda ee Gaalkacyo (2016)

Siyaasadda iyo Barnaamijyada ka Falcilinaya Arrimaha Jinsiga

Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Arrimaha Jinsiga wuxuu si dhow ula shaqeeyaa qaybaha kala duwan ee Hawlgalka iyo iyada oo loo marayo hababka isuduwidda hay'adaha ee jira, oo ay ku jirto Kooxda Arrimaha Jinsiga ee Qaramada Midoobey (GTG), si kor loogu qaado loona hubiyo is-dhexgalka arrimaha jinsiga iyo Arrimaha Nabadda iyo Ammaanka ee Siyaasadaha Hawlgalka Qaramada Midoobey ama Xeerarka iyo Qaabadka siyaasadda u degsan Qaramada Midoobay.

Qaar ka mid ah natiijooyinka dadaallada gudaha iyo adeegyada talo-siinta iyo wada-shaqeynta hay'adaha Qaramada Midoobay, sanduuqyada, barnaamijyada iyo Nidaamyada, waxaa ka mid ah:

  • Taageero la-talin ah oo lagu dhisayo Qorshe Hawleedka Qaranka ee hirgelinta Qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 1325 ee ku saabsanaa Haweenka, Nabadda iyo Amniga
  • Istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Sinaanta Labada Jinsiga (2021-2025)
  • Ballanqaadyada arrimaha jinsiga iyo Arrimha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka ee Nidaamka Iskaashiga Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (2021-2025)
  • Istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Sinaanta Labada Jinsiga (2018-2020)
  • UNSOM-UNSOS ayaa si wada jir ah u soo saarey: Istaraatiijiyada sinnaanta jinsiga (2018)
  • Ballanqaadyada Arrimaha Jinsiga ee Nidaanka Istaraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2017–2020)
  • Talo iyo tusaalo ku biirintii Qorshaha Horumarinta Qaranka (2017-2020)
  • Taageerada la-talinta ee dejinta Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (2016)
  • Daah furka Barnaamij isku Dhafan ee Haweenka, Nabadgelyada iyo Dhowrista (2021-2023)
  • Barnaamij wadajir ah ee ku Saabsan Ku Dhiiri-gelinta Haweenka Siyaasadda (2016-2020)
  • Barnaamij wadajir ah ee ka Qeyb-galka Haweenka ee Siyaasadda iyo Hoggaanka (2015-2016)

Xafladaha Xuska Sannadlaha ah

Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Jinsiga wuxuu door hogaamineed ka ciyaaraa isku xirka, qorsheynta iyo taageeridda munaasabadaha xuska sanadlaha ah ee laxiriira waajibaadka Howlgalka Qaramada Midoobey iyo Kooxda Arrimaha Jinsiga ee Qaramada Midoobey (GTG), munaasabadahaas oo ay ku mid yihiin Maalinta Haweenka Adduunka, 16-ka maalmood ee  ololaha ka dhanka ah xadgudubyada ku saleysan jinsiga, iyo Maalinta Caalamiga ah ee daah-furanaanta arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay.

Maalinta Haweenka Adduunka

Maalinta Haweenka Adduunka ayaa la xusaa sanad kasta 8-da Maarso si loogu dabaaldego guulaha iyo horumarka ay haweenka gaareen iyo helitaan xuquuqda haweenka adduunka oo dhan. Maalintan ayaa sidoo kale la xusaa si hoggaamiyeyaasha, qorsheeyayaashii siyaasadda, iyo haweenka laftooda loo xasuusto hawlaha aan dhammaan. Waxayna maalintan ka dhigantahay dib u milicsi horumarka la gaarey iyo dadaalladooda jira, waana munaasabad lagu baaqayo in ballan-qaadyada la cusboonaysiiyo lana kordhiyo maalgashiga arrimaha xuquuqda haweenka iyo sinnaanta labada jinsi.

16 Maalmood ee Olole ka dhan ah Xadgudubyada Ku Salaysan Jinsiga (GBV)

16ka Maalmood ee ololaha ka dhanka ah xadgudubyada ku saleysan Jinsiga waa olole caalami ah oo sanadle ah oo loogu talagalay in lagu bulshada wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. Ololuhu waxa uu isku xirayaa laba taariikh oo muhiim u ah xuquuqda haweenka iyo dhowristooda: 25 Nofeembar Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, iyo iyo 10ka Diseembar oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka.

Labada Maalmood ee Caalamiga ah iyo ololaha 16ka Maalmood ee ka dhanka ah hadgudubyada ku saleysan jinsiga, Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Jinsiga wuxuu si dhow isku xiraa qaybaha howlgalka Qaramada Midoobey la xiriira iyo heerka hay'adaha kale hawlaha xusaska iyo sidoo kale ballaarinta taageerada maaliyadeed ee dawladda iyo saaxiibadeeda bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo dhan.

Maalinta Caalamiga ah ee Daah-furanaanta Arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga

Maalinta Caalamiga ah ee daah-furanaanta arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay waxaa la markii ugu horeysay la xusay bishii Oktoobar 2010-kii si loo xuso sannad-guuradii tobnaad ee Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325, ujeedkuna ahaa in dib loo eego dhaqangelintiisa.

Munaasabadda ayaa siinaysa haweenka fursad ay ku muujiyaan khibradahooda, caqabadaha, tallooyinkoodana ku biiriyaan iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo amniga ee goobaha colaadaha ay ka jiraan iyo colaadaha kasoo baxey. Dabaaldegga ayaa sidoo kale haweenka siinaya fursad ay si toos ah ula falgalaan hoggaamiyeyaasha iyo qorsheeyayaasha siyaasadda oo ay noqdaan sameeyayaalka isbeddelka, si ay uga mid noqdaan saamileyda, iyo sidoo kale xoojinta hirgelinta qaraarka 1325 iyo go'aamada xiga.

Xafiiska UNSOM Uqaabilsan Jinsiga ee Soomaaliya wuxuu qabanqaabiyaa oo isku dubbaridaa xafladda maalinta Furan. Hogamiyayasha haweenka, hoggaamiyayaasha bulshada rayidka, ururada haweenka iyo ururada, haweenka baarlamaanka iyo wasiirada, iyo saaxiibada kale ee istiraatiijiga ah iyo daneeyayaasha, ayaa lagu martiqaadaa munaasabadda, oo ku jirto doodo iyo wadahadallo lala yeesho madaxda sare ee Qaramada Midoobay si loo muujiyo ka qaybgalka haweenka, dhowrista xuquuqdooda iyo awood-siintooda.

Dukumentiyada iyo Daabacaadaha