![]() |
|
Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing waa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM. Catriona oo uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres 3-dii Maajo 2023-da, waxa ay la imaaneysaa in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, kuwaasoo ay ku jirto in ay siyaasadda Dowladda Ingiriiska ay kasoo qabatay xilal kala duwan oo heer qaran iyo heer caalamiba leh. Waxaa u dambaysey, in laga bilaabo Nofeembar 2018 ilaa Abriil 2023-da, ay ahayd Diblomaasi Sare oo ka socda Ingiriiska oo joogta Nigeria. Intaa kahor, waxay ahayd Danjiraha Ingiriiska ee Zimbabwe 2014 ilaa 2018-dii. Marka laga soo tago doorkeeda diblomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay sidoo kale soo qabatay jagooyin kala duwan oo siyaasadda dowladda iyo horumarinta caalamiga ah, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012) iyo Madaxa Suudaan ee Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (2006-2009). Waxa ay madax ka ahayd Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya 1993 ilaa 1994-tii. Catriona Laing waxay shahaadada shahaadada labaad ee master-ka diyaarisay cilmiga dhaqaalaha oo ay ka qaadatay Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Cilmiga Siyaasadda ee London iyo shahaada kaloo labaad ee master-ka ay diyaarisay Maareynta Ganacsiga oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, labaduba waxay ku yaallaan Boqortooyada Ingiriiska. |
![]() |
Anita Kiki Gbeho, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho waa ku xigeenka Walkiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya. Waxay kormeertaa shaqada QM ee dhinacyada Siyaasadda, Xuquuqda Aadanaha, Doorashooyinka, iyo Sarreynta Sharciga. Hadda waxa siihayaha Xafiiska UNSOM. Waxaa magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres bishii Diseembar 2020, marwo Gbeho waxay leedahay in ka badan 25 sano oo khibrad ah gaar ahaan istiraatiijiyada qorshaynta, isku dubaridka iyo maareynta arrimaha siyaasadda, horumarka iyo bani'aadamnimada, iyada oo uga soo shaqeysay Xarumaha dhexe ee QM iyo goobaha ay hawlgallada ka fuliso. Shaqadeeda waxaa kamid ahaa sameynta xiriir siyaasadeed iyo istiraatiijiyad heer sare ah oo lala yeesho hay'adaha qaranka, kuwa goboleedyada iyo saaxiibbada ku jira dagaallada iyo xaaladaha colaadaha sida Angola, Komboodiya, Ciraaq, Namiibiya, Suudan iyo Soomaaliya. Kahor UNSOM, marwo Gbeho waxay soo noqotay Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Hawlgalka Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Daarfuur (UNAMID), halkaas oo ay ku hoggaamisay horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda kala-guurka ee Howlgalka. Markii hore, waxay ahayd Isuduwaha Arr. Deegaanka iyo Wakiilka Deegaanka ee Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee dalka Namiibiya. Waxay sidoo kale soo noqotay Madaxa Qaybta ee Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee New York iyo Madaxa Xafiiska OCHA ee Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Marwo Gbeho waxa ay shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka diyaarisay Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Afrika iyada oo ka qaadatay State University of New York, sidoo kale waxa ay shahaadada labaad ee master-ka diyaarisay Xiriirka Caalamiga ah iyada oo ka qaadatay jaamacadda Ghana. |
|
![]() |
|
George Conway, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni'aadamnimada ee Soomaaliya George Conway waa ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxa uuna sidoo kale yahay Isku duwe arrimaha Deegaanka Qaramada Midoobay iyo Xiriiriyaha Gargaargka Beni'aadannimo. Waxa uu leeyahay in ka badan 20 sano oo waayo aragnimo xagga horumarinta ah, ka hortagga iyo ka soo kabashada xasaradaha, iyo arrimaha beni'aadannimada oo uu kala soo shaqeeyay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo hay'ado kale oo Qaramada Midoobay ka tirsan. Xilka haatan ka hor, waxa uu Agaasime ku-xigeen ka soo noqday Xafiiska Xasaradaha ee hay’adda UNDP ee ku yaalla New York, waxa uuna horey uga soo shaqeeyay Soomaaliya, isagoo ah Agaasimaha UNDP ee Dalka intii u dhaxeysay (2013-2019). Waxa uu sidoo kale siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay arrimaha xasaradaha iyo nabadaynta dalalka Suudaanta Koonfureed, Indonesia iyo Kanada, iyadoo ay jagooyinkiisa ku jiraan la-taliyaha istaraatiijiyadeed hay’adda UNDP ee Afrika, Agaasimaha Wadanka ee Sudaanta Koonfureed, iyo Madaxa Barnaamijyada ee Jubba. Dalka Indonesia waxa uu ka caawiyay ka-hortagga xasaradaha iyo soo kabashada ka dib duufaantii Sunaami ee Badweynta Hindiya 2004-tii. Hay’adda UNDP ka hor, waxa uu ahaa falanqeeye arrimaha nabadda iyo xasaradaha oo ku sugan Ottawa ahna khabiir madani ah oo u xilsaaran hawlgallada nabad-ilaalinta. Md. Conway waxa uu shahaadada Masterka ee arrimaha caalamka ka qaatay Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa, shahaado Master takhasusyo kala jaad ah uu ka qaatay Jaamacadda Western Ontario, iyo shahaadada Bachelor oo uu jaamacadda Winnipeg kaga diyaariyay cilmiga Anthropology (Daraasaynta culuumta dhaqanka, cilmi-nafsiga jireed, cilmi-nafsiga luqadda, cilmiga bulshada, iyo sooyaalka iyo asalka aadanha)
|