Hub ka-dhigis, Kala qaadid iyo dib u-mideyn

Hub ka-dhigis, Kala qaadid iyo dib u-mideyn

Hawlaha DDR ee UNSOM waa qayb muhiim u ah xasilinta Soomaaliya iyo ka hortagga xagjirnimada.

Qeybta Hub ka dhigista, kala qaadidda kooxaha is hor fadhiya iyo Dib-u-mideynta (DDR) waxay ka caawineysaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay hirgeliso barnaamij qaran oo loogu talagalay daaweynta iyo maaraynta dagaalyahanada soo goostay, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka Ka Hortagga Xag-jirnimada (PVE). Waxay siineysaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka talooyin farsamo iyo awood ku la xiriirta DDR. Qeybta DDR ayaa sidoo kale ka caawineysa isuduwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha, iyo sidoo kale taageerada fulinta beesha caalamka iyo daneeyayaasha qaranka ee ku saabsan qorsheynta iyo hirgelinta howlaha la xiriira DDR.

Kooxda DDR waxa ay isugu jiraan saraakiil qaran iyo kuwo caalami ah. Iyagoo ka faa’deysanayaan joogitaankooda saddexda xafiis iyo Muqdisho, kooxda DDR waxay gacan siisaa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka waxayna hubisaa heerka ay isu jiraan bulshada.