Ilaalinta Haweenka

Ilaalinta Haweenka

UNSOM HRPG dhexdeeda, Unugga Ilaalinta Haweenka (WPU) waxaa si gaar ah loogu igmaday inuu taageero dadaallada qaran si loo xaqiijiyo in sharciga dembiyada jinsiga uu waafaqsan yahay waajibaadka Dowladda ee sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada ilaalinta carruurta iyo haweenka iyo "in la dardargeliyo hirgelinta War-murtiyeed wadajir ah iyo ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha Waxqabadka Qaran ee Cusub ee lagula dagaallamayo xadgudubyada galmada ee colaadaha”.

Xadgudubyada jinsiga, tacaddiyada ku salaysan jinsiga iyo xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha (CRSV) ayaa weli ah kuwo ku baahsan Soomaaliya oo dhan. Dadka badbaadey ayaa u badan haween iyo gabdho ka soo barakacay degaannadii ay kasoo jeedeen.Waxay u shaqaynaysaa sidii qalab lagu ciqaabo oo cudud loogu muujiyo colaadaha u dhexeeya qabaa'ilka, weerarrada millateriga, barakicinta, iyo guri ka bixinta khasabka ah, iyada oo haweenka ka yimid barakacayaasha ah ee ku nool degsiimooyinka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn iyo kuwa ka soo jeeda qabiillada laga tirada badan yahay ay la kulmaan khatarta ugu wayn.Nabadgelyo darada sii socota iyo hay'adaha sharciga oo daciif ah ayaa ka dhigay aqoonsiga dembiilayaasha caqabad taagan iyadoo kiisas badan loo aaneeyo dambiilayaal aan heybtooda la garan. Helid la'aanta ama xaddidnaanta hababka cadaaladda rasmiga ah ayaa iyaduna caqabad ah.

Kolka ay taagereyso dadaallada qaran ee wax ka qabashada tacaddiyada jinsiga, oo ay ku jiraan Xadgudubyada jinsiga, tacaddiyada ku salaysan jinsiga iyo xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha (CRSV), waxa ay QM kula kulantaa Soomaaliya seddex caqabado oo waaweyn:

  • Tagida qaybo badan oo dalka ka mid ah oo hadda xaddidan xaaladda amniga iyo isku xirka waddooyinka oo liita awgood.
  • Warbixin la'aanta xadgudubka galmada oo ay uga sii dartay hanjabaadaha loo gaysto dadka dhibanayaasha ah, iyo
  • Qaab-dhismeedka sharciga iyo hay'adaha oo daciif ah.

Dadaal lagu ballaarinayo shaqada wax ka qabashada CRSV, ayay  UNSOM 2017-kii waxa ay aasaastay Kormeerka, Falanqaynta iyo Warbixinta (MARA), kuwaas oo ka kooban hay'ado Qaramada Midoobey ah oo khibrad iyo karti u leh barnaamijyada wax ka qabashada xadgudubyada ku salaysan jinsiga iyo xadgudubyada galmada; la socodka, xaqiijinta iyo ka warbixinta xadgudubyada; falanqaynta jinsiga; iyo, khibradda amniga/ilaalinta.

Ujeedada MARA waa in la hubiyo ururinta habaysan ee waqtigeeda ku dhacda, sax ah, la isku hallayn karo islamarkaana xogta dhaba ah kuna saabsan xadgudubyada galmada ee la xiriira iskahorimaadka ee ka dhanka ah haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliya. Macluumaadkan waxaa loo isticmaali doonaa si kor loogu qaado waxqabadka kordhaya ee waqtiga ku habboon ku dhacaya si looga hortago loogana jawaabo CRSV.

MARA waxa kale oo ay ka dooddaa arrimaha istiraatijiyadeed ee la xiriira xadgudubyada galmada waxayna soo jeedisaa talooyin ay siiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kuwaasoo ku saabsan tillaabooyinka la qaadayo si wax looga qabto CRSV. Soomaaliya, xubinimada MARA waxay ka kooban tahay hay'adaha UNDP,  UNOCHA,  UNHCR, IOM, UN Women, UNICEF, UNFPA iyo qaybaha UNSOM ee ay khuseeyso.

Sannadka 2022-ka, iyadoo la eegayo sara kaca GBV/CRSV ee ka mid ah dadka barakacay ee ay abaartu sababtay, shaqada MARA waxay si joogto ah diiradda u saartay hubinta isu-duwidda joogtada ah ee arrimaha GBV/CRSV ee howlaha bani'aadminnimada si kor loogu qaado kahortagga iyo wax ka qabashada awoodda jilayaasha ilaalinta haweenka.

Bishii Maajo 2013-kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Qaramada Midoobey la saxiixatay War-murtiyeed wadajir ah oo lagu soo afjarayo xadgudubyada galmada ee colaadaha Soomaaliya.

Sanad kaddib Maajo 2014-kii, iyo kahor Shirkii Afjaridda Xadgudubyada Galmada ee ka dhacay London Juun 2014-kii, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo maraysa hannaan ka qaybqaadasho oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Xuquuqul Insaanka iyo Horumarinta Haweenka iyo taageerada Qaramada Midoobey iyo Boqortooyada Britain (UK) waxay samaysay Qorshe-howleedka Qaran ee Joojinta Rabshadaha Galmada ee Colaadaha (NAP/SVC).

NAP/SVC waxa ay si buuxda ula jaaqaadaysaa Somali Compact (2014 – 2016), Higsiga Cusub, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorshayaasha, xeeladaha iyo hindisayaasha kale ee dowladeed. Waxa ay bixisa qaab-dhismeed ay UNSOM Qaybta Ilaalinta Haweenku ku taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqadeeda ku aaddan wax ka qabashada xadgudubyada galmada ee colaadaha.

Horumar soo dhawayn mudan, kaas oo sii raacaya hindiseyaasha jira ee ku saabsan ajendaha ilaalinta haweenka, Janaayo 2022, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanku waxay ku dartay qorshaha shaqo War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Joojinta Xadgudubyada Galmada Qorshe-howleedka Qaran ee Soomaaliya ee hirgelinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed iyo UNSCR 1325 ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga 2021-2025 (NAP UNSCR 1325).

Tiiyoo ay qayb ka tahay dadaallada muhimka ah ee lagu taageerayo hirgelinta NAP/SVC, WP waxa ay ka qayb qaateen dhamaystirka Xeerka Dembiyada Galmada (SOB 2018) kaas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada balse aan wali la dhaqangelin.

Marka lagu daro NAP/SVC iyo iyadoo la raacayo mudnaanta ay u dejisey ajendaha ilaalinta haweenka Soomaaliya, laba barnaamij oo wadajir ah oo ay la leeyihiin Dowladda Federaalka ah ayaa xaqiijinaya in howsha Qaramada Midoobey iyo la xaalidda arrintan la kordhiyo:

  • Barnaamijka Wadajirka ah ee Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka (WPP) oo ay iska kaashadeen UNDP iyo UN Women UNSOM HRPG iyo Xafiiska Isku-dhafka Jinsiga oo bixinaya taageero farsamo. Barnaamijka waxa ay ujeedadiisu tahay horumarinta hababka wax ka qabashada jinsiga ilaa dhismaha nabadda iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo kor u qaadista go'aan qaadashada haweenka iyo doorarka hoggaaminta oo ay ku jirto in la xoojiyo ilaalinta dhammaanba heerarka Dowladda;
  • Barnaamijka Wadajirka ah ee Wajiga Labaad ee Xuquuqda Aadanaha (JPHR-2) oo ay wada hoggaamiyaan hay’adda UNICEF iyo UNSOM HRPG, oo ku haminaya in la adkeeyo hirgelinta ballanqaadyada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan NAP, Qorshe-Howleedka Qaran ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan iyo talasoojeedinnada Dib-u-eegista Caalamiga eeWakhtiyeysan (UPR)