Xiriirka Istiraatijiga Ah Iyo Arrimaha Bulshada

Kooxda Xiriirka Istaraatijiga iyo Arrimaha Bulshada (SCPAG) waxa ay bixisaa taageero istaraatiji ah oo ku aaddan hawlaha xiriirka iyo wax soosaarka taas oo ay la socoto xiriirka warbaahinta,cilmi barista iyo gaarsiinta bulshada, si waafaqsan waaajibaadka AMISOM. 

Xiriirka istaraatijiga ah iyo ololayaashu waxa ay diiradda saarayaan qaranimada iyo geeddi-socodka dhismaha nabadda, dib u heshiisiinta,amniga,la dagaalanka iyo ka  hortagga xagjirnimada rabshadaha wadato, horumarka, waxbarashada madaniga ah,ka qaybgalka haweenka ee geeddi  socodka siyaasadda, xuquuqda aadanaha iyo arrimaha dhalinyarada. 

Iyada oo ujeedku yahay in la helo jawi warbaabin xor ah oo madax bannaan, SCPAG waxa ay taageero ka geysaneysaa horumarinta warbaahinta maxaliga ah iyada oo loo marayo tababarada arrimaha la xiriira warbaahinta sida xuquuqda suxufiyiinta iyo waajibaadka saaran, anshaxa wartabinta, iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah. SCPAG sidoo kale waxa ay horseed u tahay hawlaha gaaridda bulshada oo ay ka mid yihiin xiriirka dadweynaha, iyo fududeynta wareysiyada iyo booqashooyinka warbaahinta, qoraalada iyo daabacidda aragtida kala geddisan ee dadka.

SCPAG waxa ay taageero ka geysataa horumarinta awoodda wada-xiriirka ee Dowladda Soomaaliya ayada oo horseed ka ah istaraajiyad iyo horumarin loogu talo galay wacyigelin xagga xiriirka ee baraha bulshada, bogagga wasaarado kala duwan leeyihiin, iyo in ay bixiso taageero dheeri ah oo la siinayo saaxibbada ugu waaweyn ee dowladda.

Anigaoo ah Guddoomiyaha Kooxda Xiririka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, SCPAG waxa ay u shaqeysaa in ay horumariso ololayaasha xiriirka ee la hawlgala Hay’adaha QM, mashaariic iyo barnaamijyo iyo sidoo kale UNSOM “si ay ugu hadlaan hal cod” si markaa ay sare ugu qaadaan wacyigelinta ku saabsan hawlaha QM ee Soomaaliya iyada oo kaashaneysa deeq bixiyaasha, saaxibada caalamiga ah iyo Dolwadda Soomaaliya iyo muwaaddiniinta. 

Iyada oo lala kaashanayo adeeg bixiyeyaal qanadaraas lala galay, SCPAG wax ay awoodda adeeg bixin buuxda ee soo saaridda muuqaallo iyo barnaamijyo laga siidaayo raadiyaha, Sawirrada, hawlaha qolka wararka, baraha bulshada iyo soo saarista daabacaadyo, gaaridda bulshada, cilmi baarista iyo su’aalaha aragti uruurinta.