Ka Hortagga iyo La Dagaallanka Rabshadaha Xagjirnimada

Jalleecid

Kadib sannado at colaado iyo xasilooni daro  ka jirtay Soomaaliya, wali waxaa culeys ku haya weerarada iyo hanjabaadaha xagjirnimada rabshadaha wata ee ay wadaan kooxaha argagixisada. Al-Shabaab oo si weyn oo taban Soomaaliya caan uga ah weli waxa ay gacanta ku haysaa oo ay saameyn ku leedahay dhulka iyo bulshada ku nool qaybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha, walow ay guulo ka gaareen deeganada qaar ka mid ah sannadihii la soo dhaafa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waqooyiga, qayb yar oo ka tirsan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam - (ISIL ama Daacish) ayaa xoogeystay.

Gaar ahaan jawiga siyaasad kacsan iyo firaaqa amniga ee gudaha, xagjirnimada rabshadaha wata, argagixisada iyo kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn waxay haystaan firaaq ay ku kobcaan waxayna buuxin karaan booska ay ka maqanyihiin dowlad iyo hay'ado shaqeeya. Si kastaba ha ahaatee, qodobbada sababa xagjirnimada rabshadaha wata waa kuwo isku dhafan oo wajiyo badan leh, taas oo ka muuqata sida ay kooxahani u sii wadaan in ay saameyn ku yeeshaan bulshada iyo dadka dhallinyarada ah, gaar ahaan dacaayadaha iyo ku barbaarinta manhajka xagjirka ah carruurta yaryar.

Ilaa maanta jawi u hiilinaya argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ayaa ah  xaqiiqo ka jirta magaalooyinka iyo sidoo kale bulshada ku nool aagagga cusub ee db  loo xorreeyey halkaas oo aan dadaal loo gelin dib-u-heshiisiinta maxalliga ah iyo in dadka laga qeybgaliyo siyaasadda, fursadaha shaqo, gaar ahaan dhallinyarada, iyo dib u dhiska kalsoonida ka dhexeysa dadka iyo dawladda, kooxaha sida Al-Shabaab oo kale waxay leeyihiin awood ay dib ugula wareegaan dhul ayna xoojiyaan kalsoonida ay bulshada ku qabto ee  sida bixiyaha adeegyada bulshada.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ay ku fulineyso waajibaadkeeda ku xusan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Qaraarada  Golaha Guud iyada oo qaadatay Istaraatiijiyadda Qaranka iyo Qorshe Hawleedka Kahortagga iyo La-Dagaalanka Rabshadaha Xagjirnimada bishii Sebtember 2016. Hase yeeshee, awoodda, khibradda iyo kheyraadka ayaa hoos uga dhacay oo ka yaraaday  istaraatiijiyada qaranka ee loogu hirgelinayo si natiijo wax ku ool ah loo helo.

Kadib doorashadiisii Febraayo 2017, Madaxweyne Farmaajo wuxa uu ku muujiyey mudnaantiisa koowaad keenidda nabad galyo iyo amniga aadanaha ee Soomaalida, oo ay ka mid tahay ka adkaanta kooxaha argagixisada sanadaha soo socda. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay ka codsatay taageero iyo kaalmayn dheeri ah Qaramada Midoobay Soomaaliya la xiriira inay si buuxda u fuliso waajibaadkeeda iyadoo la raacayo qaraarrada khuseeya la-dagaallanka argagixisada iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, oo ay ku jiraan qaraaradii Golaha Ammaanka ee 1373 (2001), 1624 (2005), 2178 (2014) iyo Qorshaha Waxqabadka Xoghayaha-Guud.

Bishii Janaayo 2016 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu shaaciyey Qorshaha Waxqabadka ee looga Hortagayo Rabshadaha Xagjirnimada, kaas oo adkeenaya sida xagjirnimada u wiiqeyso nabadda iyo amniga, xuquuqda aadanaha iyo horumar waara. Qorshuhu wuxuu qiray in rabshadaha xagjirnimada aysan ka soo dhaan fiiraaq iyo sida arrimaha tabashooyinka, haddii ay xaqiiqo yihiin ama fikir la qabo sida loo arko cadaallada,ballan qaadka awoodsiinta iyo sameynta  isbeddello soo jiita, halkaas oo aragtiyada maamul wanaagga iyo himilooyinka lagu burburiyo.

Si wax looga qabto qodobadaas ballaaran, Qorshuhu wuxuu ku saleysan yahay toddobo dhinac oo mudnaanta la siinayo: 1) wadahadalka iyo ka hortagga khilaafaadka; 2) maamul wanaaga, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha; 3) kaqaybgalinta bulshada; 4) awood siinta dhalinyarada; 5) sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka; 6) waxbarashada, kobcinta xirfadaha iyo fududeynta shaqada; iyo 7) istaraatiijiyada isgaarsiinta, internetka iyo baraha bulshada.

Qorshaha Waxqabadka ee Xoghayaha Guud ee QM si looga hortago rabshadaha xagjirnimada

Qorshaha Waxqabadka wuxuu ku talinayaa in si weyn la’isugu duwo oo la’isla jaan qaadsiiyo dadaallada looga hortagayo rabshadaha xagjirnimada ah ee howlgalada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, hawlaha siyaasadeed ee gaarka ah iyo Kooxaha Dalka ee Qaramada Midoobay, meel kasta oo ay quseyso iyo iyada oo la raacayo waajibaadkooda.

Habka isku dhafan

Ma jiro qeexitaan caalami ah oo la isku waafaqsan yahay oo ku saabsan rabshadaha xagjirnimada  ama waxa kahortaggeedu yahay, laakiin fikradda ah “Ka Hortagga Rabshadaha Xagjirnimada” waa in la xadido falalka kooxaha argagixisada ah ee  ka dhanka ah shakhsiyaadka, bulshada iyo guud ahaan dadwaynaha. Falanqayn iyo qiimayn ku saleysan caddayn dhab ah, arrimo ku tacaluqa dejinta horseeda ku xirnaanta ururada rabshadaha ayaa loo baahan yahay. Tani waxay u baahan tahay hab hos ka dhis ah si loo ogaado sababaha asalka ah, arrimaha sababa ama riixaya, istaraatiijiyadaha qorista iyo wadayaasha rabshadaha xagjirnimada. Waxay noqon doontaa mid muhiim ah in lagu xiro dadaaladaas iyadoo la raacayo qaab kor iyo hoos ah oo wax ka qabanaya horumarka loo baahan yahay oo ay hoggaaminayso Dawladda ee ku saabsan siyaasadda iyo heer barnaamij si loogu suurtageliyo mas'uuliyiinta heer qaran iyo heer gobol iyo jilayaasha caalamiga ah in ay si hufan ula wareegaan sababaha aasaasiga ah iyo riixayaasha rabshadaha xagjirnimada.

Sida kooban waa waa halkan meesha habka Qaramada Midoobay ee Kahortaga iyo Ladagaalanka Rabshadaha Xagjirnimada (P/CVE) ay door muhiim ah ka ciyaarato dhisida awoodda lagu taageerayo isuduwida, mudnaanta, isku xijinta, iyo dib u eegista joogtada ah ee dadaalada Soomaaliya ee heerka sare ee dawladda (kor). Intaas waxaa dheer, waxa ay xiriir la leedahay dadaallada hoose iyadoo la gaarayo dadka deegaanka iyo bulshada rayidka si looga dhigo kuwa qeyb ka ah fallaqeynta,, u ol’oleynta, iyo hirgelinta wadajirka ah, oo lagu daro kormeerka iyo qiimaynta horumarka.

Qaraarka Golaha Ammaankaa ee 2358 (2017), UNSOM waxay leedahay waajibaad ah in ay la taliso oo ka caawiyo Soomaaliya hirgelinta Istaraatiijiyadda Qaranka iyo Qorshaha Waxqabadka ee looga hortagayo looguna dagaalamayo rabshadaha xagjirnimada. Waajibka waxaa ka mid ah taageerida isuduwidda howlaha looga hortagyo xagjirnimada (PCVE), ka talo bixinta arrimaha mawduucyada gaarka ah, la wadaagida dhaqanka wanaagsan iyo u oggolaanshaha isweydaarsiga macluumaadka saaxiibada kale. Qaraarku wuxuu sii dhiirigelinayaa iskaashiga hay'adaha Qaramada Midoobay, barnaamijyada iyo sanduuqyada, gaar ahaan kor u qaadista dadaallada ku salaysan waxbarashada ku habboon ee lagu aqoonsanayo loogana hortagayo xagjirnimada horseedda rabshadaha iyo qorista.

Muuqaalka guud ee ammaanka, Qaramada Midoobay, Dawladda Soomaaliya, saaxiibbada caalamiga ah iyo AMISOM waxay taageereen Habka Amniga Dhammaystiran (CAS), oo ujeedkiisu yahay in loo oggolaado mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee heer federaal iyo heer gobol si ay amni u siiyaan muwaadiniintooda. Habka Amniga Dhammaystiran waxaa laga dhex sameeyay afar tiir si loo qaabeeyo horumarka ujeeddadaas (eeg Jaantuska 2).

Kahortagga iyo la dagaallanka rabshadaha xadjirnimada: Habka Amniga Dhammaystiran ee Soomaaliya.

Wajiga 4aad Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dadaal u sameyn doontaa sidii loo soo afjari marxaladda khilaafaadka wax looga qabto siyaasad ahaan iyadoo looga soo horjeedo rabshadaha. Taas oo loo aqoonsanayo in istiraatiijiyadda qaran ee looga hortagayo isla markaana lagula dagaallamayo rabshadaha xagjirnimada ay u baahanyihiin in lagu dhex daro qorshe hawleedka hay'adeed oo leh waajibaad iyo imkaaniyaad ku habboon, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay aasaastay madal P/CVE ah si la isugu duwo jawaabta caalamka loona dhiso awoodda dawladda Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah. Wajigan wuxuu u qaybsan yahay laba qaybood:

1) kaalmo gaar ah, hagitaan siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadeed oo la siinayo Dawladda Federaalka si ay istiraatiijiyadooda ugu daraan P/CVE, oo la qoray bishii Sebtember sannadkii 2016-kii iyo

2) Bartilmaameedka P/CVE ee dhexgalka QM ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo lagaarsiinayo barnaamijyo laxiriira, sida abuurista habab dhaqaale oo loogu talagalay dhalinyarada nugul, barnaamijyada dib u dhexgalka iyo dhaqan celinta dagaallamayaashii hore, barnaamijyada kahortaga heer bulsho, waxbarashada madaniga ah, iyo kor u qaadista sheeko kasoo horjeedda iyada oo la marsiinayo istaraatiijiyada isgaarsiinta.

Waxa uu ka kooban yahay wajiga 4aad  

Mustaqbalka

Iyadoo loo marayo madasha P/CVE Qaramada Midoobay oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxay xoojin doontaa isuduwidda ay hormuudka ka tahay Soomaaliya ee tallaabooyinka looga hortagayo isla markaana lagula dagaallamayo qorista iyo xagjirnimada. Dhinaca dawladda, mas'uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu waxay hagayaan isuduwayaasha P/CVE iyo qodobbada muhiimka ah ee wasaaradaha ay khusayso, kuwaas oo aasaas u noqon doona qorshe-hawleedka ka dhexeeya heerarka federaalka iyo maamul goboleedyada isla markaana siiya dhiggooda madal wadajirka ah oo looga hortago rabshadaha xagjirnimada.