Ma jeceshahay muujinta dareenkaada farshaxannimo? ma doonaysaa in aad hal-abuurnimadaada farshaxanadeed u adeegsato sidii aad u horumarin lahayd xuquuqda aadana ee Soomaaliya? Madxafka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) waxa uu ku faraxsanyahay in uu ku casuumo dhammaan farshaxannada Soomaaliyeed in ay soo codsadaan ka qeybqaadashada Tartanka Farshaxanka ee Xuquuqda Aaadanha, kaas oo halku-dhiggiisu yahay “Sharaf, Xoriyad iyo Caddaalad”
Shuruudaha soo codsashada:
- Codsigu wuxuu u furanyahay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed
- Waa inuu leeyahay xirfado farshaxan oo aasaasi ah ( rinjiyeynta iyo hal-abuur farshaxan)
- Codsadayaasha la doortay oo keliya ayaa lala socodsiin doonaa ka dib marka si taxadar leh loo xulo
- Xilliga kama dambaysta ah ee diiwaangelintu waa 10 Sebteembar 2023
Si aad u soo gudbiso codsigaaga, guji halkan.