Xeerarka codsiga iyo kaqaybgalka ee Tartanka Filimada Gaagaaban ee ku saabsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya

Sharciyada kaqaybgalka

Tartanka Filimada Gaaban ee Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya (HRSFCS)

‘Sharaf, Xoriyad iyo Caddaalad loo dhan yahay’

  • Xog kooban

Haddii aad filim gaaban (‘filimka’) usoo dirto HRSFCS ("tartanka filimada"), waxaa laguu tixgelinayaa inaad soo akhrisay oo aad ogolaatay Sharciyadan ("Sharciyada") oo dhan. Tartame kasta oo filimkiisa loo soo gudbiyo xulidda rasmi ah si loogu soo bandhigo dadweynaha waxaa looga baahan yahay inuu ogolaado sharciyadaan isagoo saxiixaya qabyta dambe ee dukumeentigan si loo xaqiijiyo ka mid noqoshada filimkooda ee tartanka filimada. Dokumintigaan si aad u saxiixdo halkaan kala deg.

  • Qaybaha Abaal-marinta:
  • Filimka ugu fiican – Wakhtiga ugu badan ee uu socdo (mudada) waa 10 daqiiqo.
  • Kaalinta Labaad   – Wakhtiga ugu badan ee uu socdo (mudada) waa 10 daqiiqo.
  • Kaalinta Seddexad – Wakhtiga ugu badan ee uu socdo (mudada) waa 10 daqiiqo.
  • Xilliga kama dambaysta ah ee soo gudbinta filimada: 30 Sebtembar 2023, 11:59 p.m.
  • Waxa ay u furan tahay muwaadiniinta Soomaliyeed ee deggan Soomaaliya oo ay da'doodu tahay 18 ama ka weyn.
  • Filimada waa in halkan lagu soo gudbiyaa https://www.jotform.com/build/230393308645154.
  • Filimada aan waafaqsanayn shuruucdan lama xulandoono waxaana diidi doona kooxda shaqada ku leh ee HRSFCS, kuwaas oo aysan waajib ku ahayn inay tartamaha ku wargeliyaan diidmadan.
  • Waxa aad dib ula noqon kartaa filimkaaga wakhti kasta adigoo codsi qoraal ah halkan ugu diraya qabanqaabiyeyaasha hrsfcs2023@gmail.com iyo unsom-pio@un.org.
  • Liiska filimada gaaban ee laga soo xulo tartanka filimada ayaa wuxuu gelidoonaa keydka maqal iyo muuqaal ah oo ay Qaramada Midoobay muddo dheer u isticmaali doonto  sare-u-qaadidda horumarinta xuquuqul insaanka iyo hawlaha waxbarashada xuquuqul insaanka.

1.  Shuruudaha guud ee ka qaybgalka

1.1.  Waxaad soo gudbin kartaa hal fiidiyow oo keliya, si laguugu tixgeliyo tartanka, waa lacag la'aan, iyadoo la raacayo Xeerarkan.

1.2.  Waqkhtiga soo gudbintu waa laga billaabo 1 Luuliyo ilaa 30 Sebteembar 2023.

1.3.  Filimada gaagaaban ee la sameeyay inta u dhaxaysa 30 Sebteembar 2022 iyo 30 Sebteembar 2023 waa la aqbalayaa.

1.4.  Waxyaabaha la soo gudbinaayo oo dhan waa in ay ka hadlaan ugu yaraan mid ka mid ah arrimaha xuquuqul insaanka hoos yimaada -Sharafta/Xorriyadda/Cadaaladda loo dhan yahay.

2.  Waa maxay Noocyada filimada ee la soo gudbin karo?

Hal-ku-dhegga Filimada waa Sharaf, Xorriyad iyo Cadaalad loo dhan yahay waana inay  waafaqaan qodobbada baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

2.1.  Filimadu waa inaysan ka dheeraan 10 daqiiqo.

2.2.  Filimadu waxay noqon karaan kuwo ku dhisan sheekooyinka qiyaali ah iyo kuwo dhab ah

2.3.  Filimada animeeshanka iyo  kuwa la jarjarey waa la aqbali doonaa.

3.  Waa maxay shuruudaha farsamo ee filimka?

  • Filim kasta oo gaaban oo la soo gudbiyo waa inuu noqdaa mid la tafatiray oo dhameystiran: jarjarid qaabdaran looma tixgelin doono xulashada.
  • Filimka gaaban waa in aan mar hore lagu baahin meelo kale.
  • Filimka gaaban waxaa lagu soo saari karaa luuqad kasta oo looga hadlo Soomaaliya; Qoraal-hoosaadyo Af-Ingiriisi ah  waa in loo sameeyaa.

 

3.1.  Qaababka Faylka:

3.1.1.  Kaliya faylasha ay waxwalbo u dhameystiran yihiin ayaa la aqbali doonaa (maqal, muuqaal iyo qoraal hoosaadyo hal fayl oo filim ah).

3.1.2.  Qoraal-hoosaadyada waa in ay la jaanqaadaan (ku dhexjiraan) muuqaalka.

3.1.3.  Filimada waa in aanay yeelan bar midab ah ama madow  isku xigxiga oo ku jira billowga ama dhammaadka (marka laga reebo calaamad tirmaamaysa bilow iyo dhammaad).

3.1.4.  Ugu badnaan cabbirka faylka waa in uu ahaado 8 GB filim kasta (fududeyn ayaa looga baahan yahay faylasha culus).

3.1.5.  Haddii ay dhacdo in muuqaal lagu soo saaro qaab labajibbaaran ama qaab toosan, faylka waa in la geliyo qaabka dadban ee HD buuxa ah sida lagu qeexay xargaha madow ee bidixda iyo midigta.

3.1.6.  “Google Drive” ama “WeTransfer” filimka lagu soo diro ayaa la aqbali doonaa.

3.2.  Qaababka Farsamada ee filimka:

3.2.1.  Qaababka aan aqbalno waa .mpeg / .vob / .avi / .mov / .mp4 (m4v).

3.2.2.  Codecs lagu taliyay waa MJPEG, Apple ProRes, H264 (bitrate haddii ay suuragal tahay)> 2MBit/s iyo mid aan la khafiifin (fayl aad u weyn).

3.2.3.  Risuluushanka waa in uu noqodaa PAL iyo NTSC (iyo sidoo kale SECAM) ka billaabma 720x400px ilaa HD agab ah 1920x1080px.

3.2.4.  Codka waa in uu ahaadaa 48kHz PCM (aan la khafiifin) / MP3 / AAC (haddii ay suuragal tahay> 160 kBit/s).

3.2.5.  Filim kasta waa in uu ahaadaa qaab toosan oo buuxa HD (1920 x 1080 pixels) oo lagu fududeeyey MP4 codec, heerka xogta 10 MB/s. Haddii fiidyowga lagu soo saaro qaabab labajibbaaran ama toosan, faylka waa in la geliyo qaab toosan oo HD buuxa ah sida lagu qeexay xargaha madow ee bidixda iyo midigta.

3.2.6.  Qabanqaabiyayaashu wax xil ah kama saarna soo filimada luma, soo daaha, marin habawda ama aan dhamaystirnayn ama aan la keeni karin ama aan la geli karin sabab farsamo iyo mid kale toona. Caddayn u keenidda soo diridda filimka caddeyn uma ah in filimka nasoo gaarey.

4.  Waa maxay abaal-marinta filimada lasoo gudbiyo?

Filimada la soo xulay ayaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu guda jiro xaflada Oktoobar (taariikhda waa la sheegi doonaa) waxaana laga daawan doonaa internetka si si guud loogu daawado bilaha ka dambeeya ogeysiiskan. Guuleystayaasha waxaa loogu wargelin doonaa si qarsoodi ah ka hor ogeysiis dadweyne.

Abaalmarinnada la siin doono saddexda (3) filim sameeyayaal ee ugu sarreeya waxa ka mid noqon doona:

4.1.  Sii deyn gaar ah oo laga sameynayo  qaar ka mid ah telefishinnada Soomaaliyeed.

4.2.  Barnaamij gaar ah oo looga hadlaayo socdaalkooda filim-samaynta iyo fikirkooda ka dambeeya samaynta filimkan ka turjumaya xaaladda xuquuqda aadanaha.

4.3.  Kharashaadka safarka gudaha Soomaaliya ee 10-ka ee ugu sarreeya - ilaa saddex xubnood oo shaqaale ah haddii ay samaynayaa filim wadajir ah.

4.4.  Aqoon-is-weydaarsi bilaash ah oo ku saabsan filim-samaynta oo la siin doono soo saarayaasha 10-ka filim ugu sarreysa.

5.  Yaa ka qayb geli kara tartanka?

5.1.  Waxaa faylasha soo gudbin kara muwaadiniinta Soomaliyeed (ama koox muwaadiniin Soomaliyeed ah) oo deggan Soomaaliya da'dooduna tahay 18 jir ama ka weyn. Dhammaan cidkasta oo ka qaybgeleysa tartankan, waxay cadeynaysaa shuruudaha ay saxiixeen iyo filimka ay soo gudbiyeen, in aanay wax maalgelin ah ka helin milatariga, hubka, tubaakada, khamriga ama daawooyinka, adeegyada, ama warshadaha.

5.2.  Filimka waa inuu u waafaqaa mabaadi'da takoor-la'aanta, eex-la'aanta iyo inaysan dhibaato dhalin. Aflaanta siyaasad ama midab-takoor ama kuwo lagu  xaglinayo koox kasta oo Soomaalida ka mid ah ma noqon doonaan kuwo xaq u leh tartanka.

5.3.  Filim kasta waa inuu ka soo muuqdaa/ku jiraa ugu yaraan hal qof oo dumar ah ha noqdo agaasime ama xiriiriye, ama qoraa ama jilaa hogaamiye ah.

5.4. Filim kasta waa inuu magacaabaa shakhsiga (ama kooxda shakhsiyaadka), sida qoraaga (yaasha) filimka.

5.5. Marka laga hadlaayo koox qoraayaal ah, dhammaan magacyada iyo da'da qorayaasha waa in la tixaa. Diiwaanka buuxa ee qof kasta oo ku lug leh filimka waa in la dhigaa dhamaadka. Kooxdan waxaa loo tixgelin doonaa hal codsade oo ku jira Xeerarka Xuquuqda ama Copyright ee hoos lagu sharraxay, iyo sidoo kale abaalmarinta loogu talagalay guuleystayaasha, arrintan awgeed, ereyga "adiga" ee sharcigan ku xusan waxaa loola jeedaa tartame kasta oo shakhsi ahaan ah iyo koox tartamayaal ah.

5.6.  Agaasimaha/Agaasimayaasha filimka ayaa noqon doona qofka ugu horreeya ee helaya abaal-marinnada haddii aan cid kale loo magacaabin agaasimaha/ agaasimayaasha.

5.7.  Tartame kasta ama koox kasta waxay soo gudbin karaan hal filim oo gaaban.

5.8.   Tartamayaasha ma noqon karaan shaqaalaha (ama xubnaha qoyska shaqaalaha) mid ka mid ah hay'adaha Qaramada Midoobay, mana la yeelan karaan wax xiriir toos ah (shaqo ama si kale) warshadaha tubaakada ama hubka.

6.  Waa maxay shuruudaha nuxurka filimada?

Filimada waa inay noqodaan shaqada asalka ah, waa inaan la koobiyayn, waa inaanay ku jirin agab cid kale leedahay iyo/ama waxyaabo (ay ku jiraan muusiga ku dhexjira) oo aadan fasax u haysan inaad isticmaasho, waa inaysan xayeysii u ahayn waxsoosaar kale aad leedahay ama cid kale leedahay ama aysan jiin xayeysiimo ganacsi ah, waana in aanay muujin dhaqan aan habboonayn ama khatar ah, ama haddii si kale loo dhigo noqon kara fool-xumo, sumcad-dil, cay, ama jebinta sharci kasta ama xeerar kasta oo khuseeya . Haddii qabanqaabiyayaashu ay haystaan sabab ay ku rumaystaan in filimkan aanu ahayn waxsoosaarkaaga, haddii qof kasoo horjeesto wax ay ahayd in filimka lagu soo daro, ama haddii filimkaagu si kale u jebiyo shuruudaha, markaa qabanqaabiyeyaasha ayaa xaq u leh in ay diidaan ama aan la tixgelin filimkaaga.

Haddii aad filim usoo gudbiso HRSFCS, waxaad waafaqsantahay:

6.1.  Ma siinin mana siin doontid shatiyada filimkaaga shirkadaha ka shaqeeya militariga, hubka, tubaakada, khamriga ama alaabada ama adeegyada ama xayaysiinta alaabada ama adeegyada ganacsiga.

6.2.  Filimkaaga laguma soo saarin lacag ama nooc kasta oo taageero ah oo laga helo shirkadaha kor ku xusan.

6.3.  Filimkaaga laguma soo saarin lacag laga helo hay'adaha Qaramada Midoobay ama mashaariicda.

7.  Waa maxay qodobada sharciga iyo shuruudaha ee filimada loo soo xulay tartanka?

Haddii ay dhacdo in filimkaaga gaaban loo xusho inuu qayb ka noqdo tartanka, waxaad ogolaatay:

7.1.  Si loo xaqiijiyo in dhammaan shirkadaha wax-soo-saarka iyo baahinta ee ku lug leh soo-gudbintaada ay sidoo kale ogolaadaan, inay si buuxda, aan la bixin karin, adduunka oo dhan, joogto ah, shati hoosaad la siin karo Qaramada Midoobay iyo baahinteeda guud, oo ay ku jiraan warbaahinta online-ka ah iyo kuwa caadiga ah.

7.2.  In la kordhiyo shatigan, haddii loo baahdo, baahinta guud, iyo dhacdooyinka khadka tooska ah ee loogu talagalay in lagu guudmaro xulashada rasmiga ah ee tartanka filimada, iyada oo ogeysiis qoraal ah lagugu siinayo.

7.3. In Qaramada Midoobay ay ku xayeysiiso cinwaannada iyo dulmaryada filimada la soo xulay ee baraheeda internetka.

7.4. Haddii aad soo gudbiso filim, waxaad u dammaanad qaadaysaa qabanqaabiyeyaasha in filimkaan uu yahay hantidaada asalka ahayd oo aan sinaba loogu xad-gudbin xuquuq lahaansho (Copyright) kasta oo jirta oo aan lagu sheegin shahaadooyinka kor ku xusan, iyo inay awood u leeyihiin inay bixiyaan shatiga/oggolaanshaha kor lagu qeexay iyo in xajmiga soo gudbintu aysan ahayn shaqadaadii asalka ahayd, waxaad heshay dhammaan rukhsadaha iyo shatiyada loo baahan yahay si aad shatiyada u siiso Abaabulayaasha kor lagu sharaxay. Marka la codsado, guuleystayaashu waa inay awoodaan inay siiyaan Abaabulayaasha dukumeentiyada khuseeya ee xaqiijinaya inay haystaan ogolaanshaha iyo shatiga ku habboon..

7.5.  Waxa kale oo aad dammaanad qaadaysaa in oggolaanshaha la helay ee ku saabsan magaca, isu ekaanshaha, taariikh nololeedka, sawirka iyo faahfaahinta la xiriirta qof kasta, oo uu ku jiro qof kasta oo dhintay, oo lagu cabbirayo soo gudbintaada. Nuqul kasta oo ogolaanshaha caynkaas ah waa in la siiyaa Qabanqaabiyayaasha oo ay weheliso soo gudbinta. Waxaad magdhow siisaa, oo aad haysataa dhib la'aan qabanqaabiyeyaasha tartankan, Qaramada Midoobay, iyo mas’uuliyiinteeda, wakiiladeeda iyo shaqaalaheeda, kana soo horjeeda dhammaan dacwadaha, sheegashooyinka, dalabaadka, khasaaraha iyo masuuliyada nooc kasta ama dabeecad kasta oo ay keento cid saddexaad Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan, laakiin aan ku xaddidnayn, dhammaan qiimaha iyo kharashyada dacwadaha, khidmadaha qareenka, bixinta xallinta iyo khasaaraha, ee ku salaysan, ka dhasha, ama la xiriira codsigaaga iyo/ama soo gudbinta filimkaaga.

7.6.  Qabanqaabiyayaasha ayaa laga yaabaa inay ka saaraan codsigaaga tartanka filimada haddii aad jebiso Xeerarkan, jebiso sharci kasta oo lagu dabaqi karo, ama aad qaaddo fal ama aad qayb ka tahay fal kasta ama shay kasta oo wax u dhimaya niyadda, sumcadda, ama sumcadda guud ee Qaramada Midoobay.

7.7.  Haddii filimkaaga ay xusheen Qabanqaabiyayaasha, midkoodna liiska la soo xulay ama abaal-marin, waxaa laguu oggol yahay inaad ku xusto doorashadan xiriikeeda adoon isticmaalin astaanta qabanqaabiyeyaasha.

7.8.  Isticmaal kasta oo Qabanqaabiyayaasha fiidiyowga la gudbiyay waxa ku jiri doona magacyada qorayaasha.

7.9.  Gelitaanka tartanka filimada ma dammaanad qaadayso inaad ku guulaysan doonto abaalmarin ama aad faa'iido kale ka heli doonto. Qabanqaabiyayaasha ma qaataan mas'uuliyadda wixii dhaawac ah, khasaare, waajibaad, dhaawac ama niyad-jab kugu yimaada ama la kulantay oo ay ugu wacan tahay gelitaanka xafladda filimka ama aqbalaada abaalmarin kasta. Qabanqaabiyayaasha ayaa sidoo kale iska fogeyn doona  mas'uuliyadda dhaawac kasta ama dhaawac kasta oo adiga ama kumbiyuutarka qof kale ah ee la xiriira ama ka dhashay ka qaybgalka ama soo dejinta wax kasta oo la xiriira xafladda filimka. Qabanqaabiyayaasha waxay xaq u leeyihiin wakhti kasta inay wax ka beddelaan ama joojiyaan xafladda filimka iyo tartanka abaalmarinta, ogeysiis hore ama ogeysiis la'aan, oo ay ku jiraan sababo ka baxsan xakameyntooda awgeed. Go'aanka qabanqaabiyeyaasha ee dhammaan arrimaha ay gacanta ku hayaan waa kama dambays waana waajib.

7.10.  Khilaaf kasta oo la xiriira fasiraadda ama ku dhaqanka Xeerarkan, ama dhinac kasta oo kale ee xafladda filimada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah. Marka dhinacyadu ay rabaan in ay raadiyaan xallin silmi ah iyada oo loo marayo heshiisiin, heshiisiintu waa in ay ku dhacdaa si waafaqsan Xeerarka Heshiisiinta ka dibna iyadoo ay helayaan Guddiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Ganacsiga Caalamiga ah ("UNCITRAL"), ama iyadoo la raacayo habraaca kale ee laga yaabo in dhinacyada qoraal ahaan ku heshiiyeen.

7.11.  Wax kasta oo halkan ku jirin looma fasiran karo ka tanaasulid mid ka mid ah sharaf iyo xasaanad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan waaxdeeda hoosaad ee hoos timaada sharciga qaranka ama caalamiga ah, iyo/ama u gudbinta Qaramada Midoobay awood kasta oo maxkamad heer qaran ah.

***

MEELMARINTA XEERARKAN

Tartame kasta oo filimkii lagu soo daray liiska xulashada rasmiga ah ee dadweynaha loo soo bandhigayo waa in uu xaqiijiyaa ogolaansho shuruudahan isagoo hoos saxiixaya.

Magaca kowaad iyo magaca qoyska ee tartame shaqsi ama wakiilka kooxda soo gudbinaysa filim:

……………………….………………………………………………………………….……………………………………

 

Waan akhriyay shuruucdaan waxaana xaqiijinayaa ogolaanshahayga in aan ku dhaqmayo iyaga oo shardi u ah filimkeyga (Cinwaanka filimka)

……………………….………………………………………………………………….……………………………………

waa in tixgelin ahaan loogu gudbiyaa Tartanka Filimada Gaagaaban ee Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya (HRSFCS) ‘Sharaf, Xoriyad iyo Caddaalad loo dhan yahay.’

 

 

Taariikhda:

Saxiixaha Wakiilka: