BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
27 Dec 2021 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.
-
26 Dec 2021 - Muqdisho – Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xirtay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021.
-
23 Dec 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.
-
20 Dec 2021 - Muqdisho/New York – Qaramada Midoobay iyo iskaashatada gargaarka ee Soomaaliya ayaa soo saaray Qorshaha 2022 ee Waxqabadka Bani'aadantinimo ee Soomaaliya, xilli Soomaaliya ay weysay saddex xilli roobaad oo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.
-
10 Dec 2021 - Muqdisho – Xuska sannadkan ee maalinta xuquuqul insaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu ugu baaqayaa Soomaalida in ay u midoobaan meel-marinta mabaadi’da sinnaanta iyo takoor la’aanta ay gundhig u yihiin dhammaan dhinacyada nolosha.
-
09 Dec 2021 - Muqdisho – Isaga oo ka qeyb galaya Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’ado isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka uu dalka ka sameeyay dhinacyadan.
-
03 Dec 2021 - Muqdisho – Munaasibadda Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba, ayuu Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxa uu ku baaqayaa in si weyn loo aqoonsado xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba si waafaqsan Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.
-
30 Nov 2021 - Muqdisho – Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, xubno ka socdey bulshada rayidka ah iyo hay’adaha deeqaha bixiya ayaa maanta isugu yimid si ay u xusaan munaasabadda daah-furka barnaamijka cusub ee Wadajirka ah ee awood-siinta Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta.
-
28 Nov 2021 - New York – Xoghayaha Guud ee QM ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee galaaftay nolosha dad badan ee shalay lagula beegsaday kolonyada ka tirsan Qaramada Midoobay ka soo horjeedka Dugsiga Mucaasir ee magaalada Muqdisho, kaas oodhaliyey waxyeello badan.
-
26 Nov 2021 - Muqdisho – Saaxiibada caalamku* waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.