Qaramada Midoobay Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Dowladda oo Daahfuray Barnaamij Cusub oo Wadajir ah oo ku saabsan Awood-siinta Haweenka

30 Nov 2021

Qaramada Midoobay Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Dowladda oo Daahfuray Barnaamij Cusub oo Wadajir ah oo ku saabsan Awood-siinta Haweenka

Muqdisho  Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, xubno ka socdey bulshada rayidka ah iyo hay’adaha deeqaha bixiya ayaa maanta isugu yimid si ay u xusaan munaasabadda daah-furka barnaamijka cusub ee Wadajirka ah ee awood-siinta Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta. Waxaa barnaamijkan ku maalgeliyay Sanduuqa Dhismaha Nabadda (PBF) (US$ 5 milyan) iyo Sanduuqa Maalgelinta Dhinacyada badan ee Soomaaliya (Multi Partner Trust (MPTF) ($1.2 milyan oo maalgelin ah oo ka timid Jarmalka), Barnaamijku waa natiijada la tashiyo loo dhamaa, qorsheyn wadajir ah iyo mudnaansiinta dhinacyada haweenka, nabadda iyo amniga (WPS). Waxaa fulin doona hay’adaha UNDP iyo UN Women, oo ay is kaashanayaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka (MoWHRD) iyo UNSOM. Munaasabaddan oo ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hay’adihii ka qayb galay waxa ay ku saxiixeen boorar ay ku qoran yihiin ballanqaadyo ku fooggan in haweenka Soomaaliyeed laga taageero dhinaca nabadeynta iyo doorarka hoggaamineed.

Ujeedada barnaamijka ayaa ah in la horumariyo ka-qaybgal micne leh oo ay haweenku ka qaataan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada go'aan gaarista iyo doorarka hoggaamineed, iyo in la joogteeyo nabadda heer qaran iyo heer bulshaba. Si ka sii adag, barnaamijku waxa uu hawlgelin doonaa, awood-siinna doonaa oo uu kartidooda xoojin doonaa haweenka iyada oo loo marayo sharci-dejin iyo tillaabo siyaasadeed, iyada oo la xoojinayo lana dhisayo kaabayaasha dhismaha nabadda. Barnaamijku wuxuu awood u siin doonaa haweenka inay noqdaan hoggaamiyeyaal iyo isbeddel-sameeyayaal iyo kor u qaadista doorka ururrada ay haweenku hoggaamiyaan ee nabad-dhisidda, gaar ahaan heerka hoose ee bulsho.

Hadal ay ka jeedisay munaasabadii daahfurka, Marwo Xaniifa Ibraahim, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tiri: “Taageerada Qaramada Midoobay ee Sanduuqa Dhismaha Nabaddu waa mid ku soo beegantay xilli aannu bilownay inaannu sii xoojinno dedaallada aan ku karraarinayno hirgelinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed iyo Qorshe Hawleedka Qaran ee Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325 si si siman kor loogu qaado ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee dhismaha nabadda iyo doorka hoggaamineed.”

Barnaamijka Ilaalinta Haweenka iyo Nabaddu waxa kale oo uu damacsan yahay in uu dardargeliyo oo uu xoojiyo fulinta ajendaha WPS, gaar ahaan iyada oo wax laga qabanayo caadooyinka bulshada ee taban iyo in si dhow loola shaqeeyo dhiggooda muhiimka ah, oo ay ku jiraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta (MoIFAR), odayaasha beelaha, culumaa’udiinka, hogaamiyayaasha haweenka iyo kooxaha bulshada rayidka ah heer qaran iyo heer bulshaba.

"Haddii aan rabno inaan helno nabad iyo xasillooni waarta, waxaannu u baahan nahay inaan wax ka qabanno kororka dhacdooyinka rabshadaha ah ee dumar nacaybka ku dhisan; ka saarista haweenka Soomaaliyeed ee goobaha go'aan gaarista; iyo caqabado tiro badan oo ay wajahayaan,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha gargaarka bini'aadminnimo ee Soomaaliya oo ka hadlayey furitaanka munaasabadda.

Barnaamijka Ilaalinta Haweenka iyo Nabaddu waa barnaamijkii ugu horreeyay ee la ansixiyay xilliga cusub ee u-qalmitaanka PBF 2020-2025. Waxaana si adag loogu dhejin doonaa faylalka cusub ee PBF ee ajendaha WPS taasoo u shaqayn doonta sal-tixraac ahaan oo uu noqon doono barnaamijyada la hindiso ee cusub ee PBF.