BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
03 Aug 2024 - Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 32 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen. Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.
-
19 Jun 2024 - Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada Jinsiga ee Xilliyada colaadaha, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in sare loo qaado ilaalinta xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha gargaarka bani'aadanimada ee adeegyada muhiimka ah siiya dhibbanayaasha tacaddiga jinsiga ee colaadaha la xiriira.
-
15 Jun 2024 - Muqdishu – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabaddan gaarka ah ee Ciidul Adxaa u diraysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed. “Aniga oo ku hadlaya magaca guud ahaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dhammaantiin idin rajeynayaa oo aan idin leeyahay ciid wanaagsan, nabad iyo farxad ku ciida,” ayuu yiri Ku Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya, James Swan.
-
06 Jun 2024 - Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa maanta in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026.
-
26 May 2024 - Muqdisho – Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho. Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.
-
18 May 2024 - Waa la-tifaftiray si loo fahmo Farxad bey ii tahay in aan Puntland ku imaado booqashadeydii shanaad oo ah booqashadii macasalaameynta ee ugu dambeysay oo aan ku macasalaameynayo Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa, waxaanna si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa.
-
12 May 2024 - Sida loo jeediyey. Galab wanaagsan mar kale, Mudane Madaxweyne. Farxad weyn bey ii tahay in aan Galmudug joogo, waxaanna adiga iyo kooxdaadaba idinkaaga mahadcelinayaa sida diirran ee aad u soo dhoweyseen aniga iyo kooxdeyda QM. Waxaan ku guda jiraa geboggabada hawshii aan Soomaaliya u joogay, iyadoo ay tahay waqti uu jiro mashquul ayaa haddana waxaan dhab ahaantii doonayey in aan shakhsi ahaan u imaado Galmudug dhawr sababood awgood.
-
03 May 2024 - Muqdisho – Iyadoo xusaysa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay iftiimisay shaqada muhiimka ah ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku soo tebiyaan caqabadaha cimilada ee dalkooda haysata waxayna dhiirigelisay in la kordhiyo tebinta.
-
02 May 2024 - Isla sidii hadalka loo jeediyey Subax wanaagsan. Farxad weyn bey ii tahay in aan ku soo noqdey Baydhabo, waxaana aan rabaa in aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa si weyn ugu mahadceliyo soo-dhoweyna ay maanta halkan igu soo dhoweeyeen. Nasiib-darro, tan ayaa sidoo kale ah booqashadeydii macasalaamada ahayd maaddaama aan Soomaaliya ka tegi doono muddo yar ka dib.
-
22 Apr 2024 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo.