01 May 2022 - Muqdisho – Qoyska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu salaan diiran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga awgeed.
“Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
28 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.
14 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.
12 Apr 2022 - Soomaaliya waxa ay wajaheysaa xaalad macaluul ah iyadoo duufaan aad u daran oo astaan u ah roob yari, qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray iyo dhaqaale yari aad u badan ay keeneen in ku dhawaad 40% Soomaalida ay qarka u saarnaadaan macluul.
05 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.
24 Mar 2022 - New York – War saxaafadeedka soo socda ee Golaha Ammaanka waxaa soo saartay Madaxweynaha Golaha, Lana Zaki Nusseibeh, (Imaaraadka Carabta):
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo Beledweyne, Hirshabeelle 23-kii Maarso 2022. Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-shabaab ayaa sababay dhimashada tobannaan qof iyo dhaawac dad intaa kasii badan.