14 Feb 2023 - Saaxiibada beesha caalamka* ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan. Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.
07 Feb 2023 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.
Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani'aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.
05 Feb 2023 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
20 Jan 2023 - Mogadishu – Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
10 Dec 2022 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta xuquuqul insaanka sannadkan, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Soomaalida ugu baaqday inay u istaagaan xuquuqul insaanka si loo xaqiijiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan xubnaha bulshada nugul iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, dadka gudaha ku barakacay, iyo kuwa kale ee la kulma takoorid, ay si buuxda ugu naalloodaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda.
03 Dec 2022 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah (IDPD), Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku ammaantay maamullada Soomaaliya horumarka ay ka gaareen aqoonsiga xuquuqda dadka naafada ah, waxayna ku dhiirigelisay inay sii xoojiyaan guulaha ay gaareen.
29 Nov 2022 - New York – Xoghayaha Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyay khasaaro badan. Wuxuu aad uga xun yahay in Soomaaliya ay weli ku dhacayaan masiibooyinka falalkan foosha xun ee argagixisada, wuxuuna ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkaas.