Dhanbaal loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan doorashada madaxweyne ee Soomaaliya

16 May 2022

Dhanbaal loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan doorashada madaxweyne ee Soomaaliya

New York – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweyne ee 15-ka bisha Maajo si nabad ah ugu qabsoontay Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ku bogaadiyay sida degdega ah ee uu u aqbalay natiijada, taageerana u muujiyay Madaxweynaha bedelaya.
  
Xoghayaha Guud ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in Madaxweynaha cusub uu si degdeg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisida Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, iyo in Dowladda cusub iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhimka ah ee hortabinta u leh qaranka ayna wax ka qaban doonaan caqabadaha horyaalla Soomaaliya.
  
Xoghayaha Guud wuxuu ku celinayaa taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku hanweynyahay inuu sii wado wadashaqayn dhow ee uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dowlad-dhisidda Soomaaliya waxna looga qabto xaaladda bini’aadanimo ee ba’an ee dalka ka jira.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay