24 Mar 2022 - New York – War saxaafadeedka soo socda ee Golaha Ammaanka waxaa soo saartay Madaxweynaha Golaha, Lana Zaki Nusseibeh, (Imaaraadka Carabta):
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo Beledweyne, Hirshabeelle 23-kii Maarso 2022. Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-shabaab ayaa sababay dhimashada tobannaan qof iyo dhaawac dad intaa kasii badan.
23 Mar 2022 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaaweerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.
18 Mar 2022 - Muqdisho – Saaxiibada caalamiga* ah waxa ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80 ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso.
11 Jan 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.
23 Dec 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.