29 Oct 2021 - Muqdisho – Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka* waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.
26 Oct 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.
25 Oct 2021 - Qardho – Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.
12 Sep 2021 - Muqdisho – Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagtay Soomaaliya iyadoo is-barbartaagtay baaqyada ka imaanaya haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan in si buuxda oo siman looga wada qeybgalo siyaasadda, waxayna tibaaxday taageerada ay beesha caalamka u hayso doorashooyin waqtigooda ku qabsooma, loo wada dhanyahay, si nabadgelyo ah ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo.