13 Apr 2021 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray hanbalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.
23 Mar 2021 - New York – Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa walaaca xooggan ee uu ka qabo is-mari-waaga siyaasadeed ee sii jiitamaya ee la xiriira qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, in kasta oo dhowr jeer ay wadatashiyo dhexmareen jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, ee heer farsamo iyo heer maamul intaba.
09 Mar 2021 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.