Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin xaaladda Guriceel, waxayna ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka iyo in lasii wado wadahadalka

26 Oct 2021

Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin xaaladda Guriceel, waxayna ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka iyo in lasii wado wadahadalka

Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.

Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.