Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa hambalyo u diray Madaxwaynaha, Dowladda

24 Oct 2013

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa hambalyo u diray Madaxwaynaha, Dowladda

Muqdisho – 10 Sebtember 2013 – Isaga oo ka hadlayay sannad-guurada kowaad ee ka soo wareegatay doorashadda madaxweynaha, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, wuxuu yiri “Sannad ka hor maanta, ayaa xildhibaanadu waxay si qarsoodi ah u doorteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, taasoo lagu soo gabagabeeyay muddadii dheereed ee Kumeel-gaarka ahayd. Bishan September-na waxay noqon doontaa bill si weyn looga xusuusanaan doono Soomaaliya. Waa maalintii la sameeyay hab cusub oo kaalmo looga helayo bulshadda caalamka taasoo loo bixiyay Qorshasha Higsiga Cusub. Waxaan rajaynayaa in sannad kale ka did, Soomaaliya ay haddana sare u sii kacdo. Horumar badan baa la sameeyay, welina waxaa dhiman in intaa ka sii badan, gaar-ahaan, wax ka qabashada arrimaha amaanka. Waxaa loo baanayahay in dadaal hor leh la sameeyo iyada oo ay ku jirto bushadda caalamka.”