Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Octoobar 2024
Bani’aadamnimada | UNFPA iyo KOICA oo daah-rogey mashruuc lagu dhisayo adkeysiga Iyadoo kaashaneysa Hay'adda Iskaashiga Caalamiga ee Kuuriya / Korea International Cooperation Agency (KOICA) iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa hay'adda UNFPA waxaa ay daah-rogtey mashruuc laga hirgelinayo magaalada Muqdisho oo hiigsigiisu yahay kobcinta adkeysiga bulshooyinka ay dhibatadu taabatey iyo xaqiijinta in daryeelka muhiimka ah iyo ilaalin ay helaan dhammaan haweenka iyo gabdhaha ku nool Soomaaliya. Mashruuca, oo magaciisu yahay 'Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka ay Taabatey Dhibaatada Bani'aadamnimada,' ayaa hiigsanaya sii wanaajinta nolosha ku dhowaadn 540,000 oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya. Waxaa xuddun u ah kordhinta helidda adeegyada isku-dhafka ah ee caafimaadka jinsiga iyo taranka, naf-badbaadinta iyo adeegyada la xiriira tacaddiga jinsiga, kuwaas oo lagu xaqiijin doono in haweenka iyo gabdhaha ay heli karaan xaqa ay u leeyihiin caafimaad, sharaf, iyo ilaalin. Intaa waxaa dheer, dhallinta qaangaartey iyo dhallinyarada in ay heli doonaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka taranka iyo jinsiga ee u habboon baahiyadooda gaarka ah. |
||
Horumarinta | UNIDO oo taageertay shir la xiriira maalgashiga qiime-u-kordhinta wax-soo-saarka beeraha Iyadoo kaashaneysa Xafiisyada Maalgashiga iyo Dhiirrigelinta Tiknoolajiyadda ee ku yaalla Talyaaniga iyo Jarmalka ee UNIDO, ayuu xafiiska UNIDO ee Soomaaliya fududeeyay 15 shirkadood oo reer Yurub ah in ay ka soo qaybgalaan 'Shirka Caalamiga ah ee Maalgashiga Qiime-u-kordhinta wax-soo-saarka Beeraha ee Soomaaliya,' oo ah tallaabo muhiim u ah abaabulka xiisaha caalamiga ah ee loo hayo horumarinta beeraha dalkan Geeska Afrika ku yaalla. Shirkan oo uu furey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qaybgaley daneeyayaal muhiim ah, shirka waxaa xoogga lagu saarey karaanka beeraha Soomaaliya iyo doorka iskaashi joogto ka qaadan karo kobcinta dhaqaalaha. Shirka oo ay wadajir u wada marti-geliyeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Federaalka iyo Midowga Yurub (EU), ayaa lagu soo dhaweeyay wafdi ganacsato reer Yurub ah kii ugu badnaa ee abid soo gaara Soomaaliya. Iyadoo diiradda la saaray kobcinta iskaashiga caalamiga ah ee beeraha, shirku wuxuu soo jiitay daneeyayaal caalami ah oo muhiimka ah, oo ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed, danjireyaasha Midowga Yurub (EU), iyo hoggaamiyayaal ganacsi. Sida ay sheegtey UNIDO, shirka waxaa ka dhashey heshiisyo iyo isdhaafsi tiknoolajiyadeed, oo horumarinaya koboc la joogteyn karo ee waaxda cuntada iyo beeraha ee Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiyada dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay. |
||
Sugnaan La'aanta Cuntada | FAO oo xustay Maalinta Cuntada Adduunka iyadoo carrabka ku adkeysey xaqa ay dhammaan dadku u leeyihiin in ay cunto helaan Iyadoo la shaqeynaysa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya iyo WFP, ayaa hay'adda FAO ugu dabbaaldegtay magaalada Muqdisho Maalinta Cuntada Adduunka waxayna ku qabatey munaasabad mowduuceedu ahaa 'Xaqa loo leeyahay Cunto si loo helo Nolol Wanaagsan iyo Mustaqbal Wanaagsan - Cidna Yaan Laga Tegin.' Iyada oo caalamka oo dhan laga xusey 16-kii Oktoobar, ayaa Maalinta Cuntada Adduunka waxaa ay dhiirrigelisaa tallaabooyin waafaqsan Yoolka 2aad ee Horumarinta Waara, kaas oo udub-dhexaad u ah ciribtirka gaajada iyo sii wanaajinta nafaqada. |
||
Horumarinta | UN-Habitat oo gacan ka geysatey istiraatiijiyad-u-dejinta Magaalada Boosaaso Iyadoo kaashanaysa IOM iyo UNDP, ayaa UN-Habitat ka taageertay Dowladda Hoose ee Boosaaso dejinta iyo daah-ka-rogidda Istiraatiijiyadda Shanta Sano ee Horumarinta Magaalada Boosaaso, min 2024 ilaa 2029. Boosaaso waa magaaladii labaad ee Soomaaliya , iyada oo tii koowaad ay ahayd Baydhabo, ee uu barnaamijka ka taageeray soo saaridda dokumenti caddeyn ku saleysan oo gacan ka siinaya hagidda magaaloobidda degdegga iyo mudnaanaha degaan ahaan la isku afgartey ee la waafajiyay mudnaanaha qaranka iyo kuwa dowlad-goboleedka. Dokumentiga wuxuu qorayaa jihada istiraatiijiga ah ee magaalada ee dhinacyada wax-ka-qabasahda maareynta dhulka, sii wanaajinta isu-socodka iyo gaadiidka ee loogu talagalay gaarista iyo isku-xirnaanta wanaagsan, adeeg bixinta, shaqo abuurid iyo xalalka wanaagsan ee la halmaala bulsho ku-biirrinta bulshooyinka barakacay. UN-Habitat waxaa ay xustay in istiraatiijiyadahan magaalada la dejiyay iyadoo la raacayo hannaanka wada-tashiga ee lagu xaqiijinayo lahaanshaha degaanka. |
||
Caafimaadka | WHO oo taageertay mashruuc soo saaridda tamarta cadceedda ee 26 xarumo caafimaad Mashruuc ay taageereen Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo WHO ayaa dhowaan la soo gabagabeeyey, wuxuunna horumar weyn ku soo kordhiyey xarumo caafimaad oo laba dersin ka badan oo ku kala yaalla guud ahaan Soomaaliya. Mashruuca ‘Naf Walba Waa Muhiim/Every Breath Counts’ ayaa hiigsanaya sii wanaajinta bixinta adeeg caafimaad ee loogu talagalay carruurta la xanuunsan oofwareen iyo shuban – oo ah labada halis caafimaad ee ugu waaweyn ee ay wajahaan carruurta Soomaaliyeed. Xarumaha hooyada iyo dhallaanka waa kuwo si buuxda ugu shaqeeya tamarta cadceedda, iyagoo dhammaan tamarta ay u baahan yihiin ka helaya cadceedda, halka isbitaallada bukaannada loo soo gudbiyo ay aasaasiyan tamarta cadceedda u adeegsadaan si loo xaqiijiyo sahay ogsijiin joogto ah oo loogu talagalay bukaannada aadka u xanuunsan. Sida ay sheegtey WHO, dadaalkan kaliya wax kama qaban koronto la’aantii weyneyd ee haysatey xarumaha caafimaadka ee wuxuu sidoo kale sii wanaajiyay natiijooyinka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, sidaan waxaa uu ku horumariyey in bulshooyinka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin. |
||
Siyaasadda | Iyada oo booqasho ku joogtey Muqdisho, ayaa mas'uulka sare ee Qaramada Midoobay ay mar kale xaqiijisay taageerada ay QM ee Soomaaliya Intii ay ku guda jirtey booqasho labo maalmood ah oo bishan Oktoobar ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabad-dhisidda, Rosemary DiCarlo, ayaa ay mar kale xaqiijisay in QM ay ka go’an tahay taageerada dadaallada nabad -dhisidda ee dalka. Ms. DiCarlo waxaa ay carrabka ku adkeysay Iskaashiga soo jireenka ah ee ay QM la leedahay Soomaaliya waxayna sheegtay in ay QM diyaar u tahay in ay kaashato dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato dhibaatooyinka horumarka la xiriira. "QM waxay Soomaaliya u ahayd saaxiib soo jireen ah, waxayna ku sii adkaysanaysaa inay ka go'an tahay taageeridda dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda," ayay tiri Ms. DiCarlo. "Annagoo wadajir ah, waxaan hiigsaneynaa inaan sii ambaqaadno guulaha ammaanta mudan iyo arrimaha hortabinta leh ee la isku afgartay si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee hortaagan horumarka dalka – waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si arrintan looga miradheliyo." Intii ay joogtay Muqdisho, Ms. DiCarlo waxay la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha sarsare ee dowladdiisa oo ay la yeelatay wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, intaa ka sokow waxay la kulantay wakiillo ka socday bulshada rayidka ah. Iyadoo aad ku sii faraxsan, ayaa waxay Soomaaliya ugu hambalyaysay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadka 2025-26. Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqday sida ay QM uga go’an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya muddada soo socota iyo in ay si dhow uga la shaqeyso qorshaha kalaguurka UNSOM. |
||
Ilaalinta | UNHCR oo taageertay soo noqoshada ammaanka ah iyo bulsho dib ugu biirrinta barakacayaasha Iyadoo kaashanaysa dowladda Soomaaliya iyo bah-wadaagta muhiimka ah, ayay Hay'adda UNHCR waxaa ay sii wadey soo dhoweynta dadka barakacayaasha ah ee ku imaanaya barnaamijka Soo-noqoshada Barakacayaasha Iskooda u Noqonaya ee La Caawiyo/Assisted Spontaneous Return (ASR) Iyadoo dadaalkan la wado, ayaa bishii Oktoobar waxaa la caawiyay in ka badan 500 oo barakacayaal soo guryo noqday ah waxaanna la siiyay taageero aasaasi ah si looga caawiyo in ay noloshooda dib u bilowdaan iyagoo sharaf iyo rajo leh. Barnaamijka ASR wuxuu hiigsanayaa fududeynta ammaanka ah iyo soo noqoshada sharafta leh ee qoysaska Soomaaliyeed ee ka soo noqonaya meelahii ay u barakaceen, iyadoo la hagayo marka ay dib ugu biirrayaan bulshooyinkooda. Sida ay qabto UNHCR, dhinacyada muhiimka ah ee hannaanka bulsho dib ugu biirrinta waxaa ka mid ah suuragelinta helidda guri, daryeel caafimaad, fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo, kuwaas oo aasaasi u ah xasilloonida iyo dhisidda bulshada. Habkan guud wuxuu wax-ka-qabanayaa baahiyaha degdegga ah iyo kuwa muddada-dheer, dhiirrigelinta isku-tiirsanaanta dadka soo guryo noqday iyo xoojinta dhaqaalaha deegaanka. UNHCR waxaa ka go'an taageeridda soo noqoshada ammaanka ah iyo midda iskaaga ah ee shakhsiyaadka barakaca ah, iyadoo xaqiijinaysa in ay helaan adeegyada aasaasiga ah iyo dariiqa cad ee maciishadaha la joogteyn karo. |
||
|